We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaamu calaykum dhammaantiin. Intaa ka bacdi waxaan talo ka rabaa ragga somaliyeed oo yaqaan qiimaha guurka ( I mean expert people for marriage) oo soo arkay guurka gabdhaha soomaaliyeed, Maxaa yeelay waxaan in muddo ah ku jiray process ah gabadh ajaanib ah inaan guursado , Mida labaad yaan loo arkin inaan gabdhaha soomaaliyeed wax u dhimay amma aan dhaliilayo , Just kaliya bal waxaan rabaa inaan ogaado dhinaca guurka siday ka yihiin kuwa shisheeyaha intaanan arintaa ku dhaqaaqin. MAHAD SANIDIN....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Hi nuur yare walaal su'aashaada aad ayaan ugu farxay aad sida qiimaha leh ugu bandhigtay walaalahaaga somaliyed marka xigta su'aasha gadaal ayaad kahaleysay oo waxaad tiri inaan ogaado guurka shisheeyaha ayaan rabaa haday tijaabo kaa tahay anigu talo mahayo hadii kale waxaan ku oran lahaa hadii ay muslim tahay oo naftaada qancisay cidna hakala tashan waayo adigu un baa og fiicnideeda iyo xumideeda
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Hi nuur yare walaal su'aashaada aad ayaan ugu farxay aad sida qiimaha leh ugu bandhigtay walaalahaaga somaliyed marka xigta su'aasha gadaal ayaad kahaleysay oo waxaad tiri inaan ogaado guurka shisheeyaha ayaan rabaa haday tijaabo kaa tahay anigu talo mahayo hadii kale waxaan ku oran lahaa hadii ay muslim tahay oo naftaada qancisay cidna hakala tashan waayo adigu un baa og fiicnideeda iyo xumideeda
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date hi nuur walaal waxaan jeclay inaan ku iraahdo soomaali hadaad tahay qofkastaa waxa uu ku wanaag san yahay inuu waqtigiisa laqaato qof ay isku jinsi yihiin laakiinhadii aad jeclaato inaad waqtigaaga laqaadato ama guursato waxaan kugula talinlahaa inaad guursato naag china ah maxaayeelay iyagaadan futadooda iyo siilkooda kala garanayn
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date waan ku salaamay nuur yare: in aad guursato gabart cadaan ah malahan dhibaato, laakiin waxaa dhibaato leh in aan reerkaasi mudo sii jiri doonin, dhowo calaamo : 1) kala dhaqan baad tihiin, marka si fudud baa khjilaafku ku dhashaa, tol heshiisiin iyo xeer jajabna ma jiro marka waa kala yaac. 2) kala diin baad tihiin oo xaaraantii baa xalaal u ah (extra loverna) waa jiraaye ogow. 3) caruurtaadu ma lahan qaraabo iyo ehel toona, oo hadaad tawafo meel loo raaco lama yaqaan. 4) guurka ka bacdina kama lug bixi kartid oo family court baa jirta oo waxaad shaqaysated qaar bay la kicin. gabo gabadii waxaan ku leeyahay indhahaad ku aragtay gabadha cadaankaa ah maad ku aragtid gabar soomaaliyeed. Maariin casaan galay waa midab u gaaree gobsanaa hablahayagu. waanada alaha kugu anfaco bye
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Nuur yare waan kusalaamay marka hore. marka kale anigu hal eray ayaan kuoran lahaa kaas oo ah dhaqan in uu dhaqan kale guursado majiro, even hadii aad inanta is ogalaataan waalikaa kamahelayo mana filayo in uu kufarxi guurkaaga, dhinaca inantana waalidkeed kuma farxayo goor nin dhaqankale wata, marka laba ruux kale ah meel magaarayaan waayo caruurtu waalid iyo qaraabo labadiina kabaxsan ayeey ubaahan yinhiin. bye now bro.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Waxaan ahay nin naag cadaan ah hore u soo guursadey, hadana qabo gabar somaliyeed. Saxiib Waxaan kugula talin lahaa in aad naag somali ah guursato, maxaa yeeley iyada ayaa kuu dhib yar marka leysku fiirsho dhibaatooyinkooda. Naag ajaanib ah oo wadankeeda joogto wey ku badaleysaa, ciyaalkana wey milmayaan, xaga luqada,diinta iyo akhlaaqdaba. Naag somali ah intaas aan kor ku soo sheegeyba kama walweleysid, waxey naagaha somalida ku xun yihiin waxyaabo yar yar oo fudud oo ku saabsan guriga, lacagta, dahabkeeda, diraceeda. Saxiib qof maryooley ah iska raadso.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date ku. nuur yare Wixii qudbo qiimo iyo qaayelahaay c/laahi yaa qatimay anigana waxaan ku dar sanaa inaad iska raadsato gabar soomali eh
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date war nimanyahow sheekadiina aad ayaan uga helay run ahaantii,laakiin waxaan kala saari waayey (cadaan,ajnabi iyo gabar gaala ah)runtii aniga waxaan guursadey gabar cadaan ah aad ayaanu isugu fiicanahay mudo badana waa is qabnay,anigoo laheyn gabar soomaali ah ma raba,waayo ilaah ayaa calafkeyga ka dhigay,ee maalintaan aqliga yeeshay dantaydu ma ahayn cadaan ama madow kala guurso, ka waran hadii gabar soomaali ah guursan lahaa aanu kala tagno 4 bilood ka bacdi ama gabar cadaan afar bilood ka bacdi,ma waxaad dhihi lahayd waa ogaa inay taasi kugu dhici lahayd
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date SALAAMU CALAYKUK. WAAD MAHAD SAN TIHIIN RUNTII, ILA TALISE BALSE HADDA ANIGA IYO NAFTAYDA ISU KAAYA DAAWADA. MAHAD SANIDIN.......
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date GUUR GABAR AAN SOMALI AHEYN SIMPLY SUCKS!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date nuur cadi waye ceeb malaha hadii aad rabtid inaad(player)noqotid ok waaye lakin wax kale (no way) aniga intas aya iga tala ah aniga waa galay lakiin gur ahan uma gelin by buse
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Nuur Yare...Salaam: 1. Aqal nadiif ah marabtaa...? 2. Dulqaad, ixtiraam, kalsooni, karti iyo kor uqaadid marabtaa? 3. Aqal la yaqaan (yacnii..aabahaa, hooyadaa...walaalahaa..ehelkaa aan la dhibsanayn) marabtaa? 4. Caruur ku taqaan, ku jecel, kugu kalsoon marabtaa? ..........Ugu dambayntii........ 5. Inaad nin rag ah noqoto(vs partner!..mate!) marabtaa?..... Intaas haddaad saddex ka mid ah ama kabadan HAA ku jawaabtay....Walaal ha isdhibine....Raadso gabar wanaagsan oo alle dhowray oo soomaaliyeed... Salaama
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date NIN MEELU U CADAHAY MEELI KA MADOW! yaan la daalin walaalaha samaha jecel ee Nuur haddii aad go'aansatay inaad caddaan ka dul madoobaatid adiga lee waaye "do as you like". Waayo talaad walaalahaa u soo bandhigatay deedna waxaad leedahay anigay i jirtaa taasi maa yasiir yaa Nuur.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Nuur: bogga hore ee http://islamseek.com akhri qoraalka: "Girl Seeks Italian Refuge in Kuwait" waa sheeko kusaabsan nin masaari ah iyo naag talyaani ah oo is furay.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaamu calaykum Shabeel Nagood jawaabtiisa ayaa wax walba soo koobtay! Peace
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date asalaama calykum waraxmatulaah waxan ahay inan soomaliyeed oo dumarka soomalida aad ujecel waxana jeclahay in aan uur sado gabar somaliyed oo diinta ku fiican, balse waan la ahay marka hadii gabar soomaliyed ay imaqlayso oo guur doon ah aragtideeda halakan haku soo qorto si aanu uwada xirrino.dadaydu waa 25years old iyaduna ha ahaato dada u dhaxaysa(17 ilaa 35) wabilaahi towfiiq
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date WAR ILEEN BALAAYO AYAA LA ARKAY,WAR NINKA NUUR AH SU'AAL FUDUD AYUU SOO WAYDIISTAY,WAXAADNA GASHEEN WAXYAALO AAN LOOJOOGIN,RUN AHAANTII AAD AYAAN UGU FARAXSANAHY NINKA JAWAABTA KU YIRI HADAAN GABAR SOMALI AH GUURSADO OO AAN KALA TAGNO AFAR BIL KA DIB OR OTHER WAY ROUND,WAXAA LA DHIHI LAHAA WAA OGAYN ARINTAN INAY KUGU DHACAYSO. RUN AHAANTII ANIGA WAXAAN GUURSADEY INAN CADAAN AH AND (THAT WAS BEST THING EVER HAPPEN TO ME)WAAYO EHEL BAY LEEYIHIIN CARUURTAYDA DHINAC WALBA WAQTI BADANA WAAN IS QABNAA WAX DHIBAATO AH LAMA KULMIN MARKAA NUUR WIXII CALAF ILAAH KAAGA DHIGO GUURSO
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To:Nuur Yare Ilaah ka cabso oo haweenka haddii ay ajnabi ama Soomaali yihiinba guurkooda tijaabo ma galo. Aniga maku oranayo Soomali ayaa ka fiican ajnabiga ama lidkoodaba, balse meeshii wadnahaaga uu jecel yahay kuulana muuqata macquul raac, Gabdhaha ajnabiga haddii aysan Muslim aheyn dhibkeedey leeyihiin, Gabdhaha Soomaliyeedna balaayadoodey leeyihiin, marka ninyahoow naari meel qaboow malahe bal maskaxda ka xisaabtan, cadaan iyo madoow hakuu dambeeyee. Soomalidan warkooda kabax maxaa yeelay Soomali haddaan nahay ilaah waxuu noogu nimceeyay Shaki, midabtakoor, islaweyni, Jaahilnimo, madaxadeyg, qabiil iyo wax la mid ah. prejustice aa naga buuxa een yaanan ku rogine wadnahaaga raac. Haddii aad daacad tahay ilaah meel walboo aad gashid kheyr waa kuugu dari doonaaye. Nasiib wacan
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date KU NUUR YARE NUUR WAAD SAAMANTAHAY SALAN KADIB ANIGA WAAN ARKAY LABADABA WAXAAN QABI JIRAY NAAG SCANDANEVIAN AH RUN AHAN QOF XUN MA AHEYN SABABTOO AH WAXEY AHEYD QOF WAXAAN SAMEEYO OOKALE SAMEYSO WAXAN ULA JEEDAA DHINACA SHAQADA IYO DHAQLAHA REERKA MARKAAD DHALIN YARTAHAY WEY XIISO BADANTAHAY NOLOSHAAS NAAG AJNAB IGA LAAKIIN MARKAAD 40 SANO SOO GAATID WAXAAD DAREEMEYSAA IN XISIHII YARANAYO OOAAD UABAHANTAHAY INAAD DHAQANKII KULAABATO ANIGA IYO NRAG BADAN OO AAN SAAXIIB AHEYN SIDAAS AYAA NAGU DHACDAY OO NAAGO SOOMAALI AH AYAAN GUURSAŽNAY HADANA MARMAR WXAAD IS LEEDAHAY AMAEYBA TII CADEYD FIICNEYD SABA BTOO AH DUMARKA SOOALIYED DHINACA SHAQDA AMA NOLOS HA MA GAARI KARAAN SABATOO NAGTA CAD WAXEEY RABTO AYEYY SAMEYANEE LAKIN TAN SOMALIDA WXAEYY KU XIRANATAHY QOSKEEDA AMA WALAALO OO LA TALIYO. WAXAAN U MALEYANAYAA INAAD U BAHATAHY WAAYO ARAGNIMO EE TIJABI SI AAN LAGA SHAKEYN AHDII KALE MA KU QANCEYSID HADII HA GUURSAN LAGU YIRAAHDO.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date wacan oo wanaagsan nuurow:waxaan filayaa in aad tahay qof aad u wanaagsan sida uu magacaguba uu tarjumayo. saxiib waxaan ku waydiiyay inantan aad is rabtaan ma joogaan walidkeed siiba hooyadeed. hadii ay joogta hooyadeed saaxiib iska daa xitaa hadii ay janadii ku gaynaysa.maxaa yeeley ma ogid waxa ay kugula tala jirto oo halaag ah. waxaana ka hadlayaa arin dhacday oo aan mala awaal aheen.waxaana ka mid ah 1 hadii aad rabtaa ubad kaaga oo xalaal ah iska daa maxaa yeelay ma ogtahay in ay naagaha ajnabiga ay waxba la aheen in ay nin kale la seexata. kadibna ay tira was not a love just sex. hadii aad u dulqaadan kartaa waa guursan karta 2 ma rabtaa caruur aad dhashey in aad seegto oo aaden arkin maxaa yeelay naag ajnabi caruur ay dhashey ma lehid. 3 ma yeeli kartaa in aad ka godaa ehelkaaga. ma u dul qaaden kartaa in ay caruurtada ay ku yiraahdan hooyada was, ama wacal.ama ay kugu yiraahdanwaxaa ku dhalay duke. waxaad kaloo ogaataa in ay ka shalaayi doonaan in aad abahood noqotay. iyo qaar kaloo aan maanta soo koobi kareyn.laakiin aan ka sii wadi doono halkaas.
|