We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Waxaan jeclaa in aan guursado mudo dhan sedex sano waa ii suurtoobi waysay sidaa awadee ayaan waxaa aan go'ansaday in aan cadeeyo dhibaatda i haysatada. Hadaba anigoo magcagu yahay cumar waxaan dhamaan gabdhaha soomalaiyeed ka codsanayaa in ay wax igala qabtaan si ay iiga caawiyaan noloshan kaliga nimad ah Cadaymo gaaban Dhirirku waa 178(m) da'adeydu waa 24kuna dhashay caasimada dalkda soomaliya ee Muqdisho kuna nool magaalada london FADLAN IGALA SOO XIRIIR EMAILKAN HADII AAD I DOONASO CUMARW@YAHOO.COM
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaam Cumar... Mindhaa midaan aqaan kugulama taliyo.... London gabdhuhu waa buuxaane maad u tagtid oo la hadashid..nin rag ah haddii alle kaa dhigay... Guurku ma aha wax damac ku xiran ee waa rabitaan qotodheer iyo gaarid inaad gaarto xilli la qaado masuuliyad.... Marka waxaan kugula talin lahaa inta iskadaysid meeshan aad la hadlayso dadka aan ku aqoon orod oo u tag dadka ku yaqaan oo lahadal gabdhaha meel walba ee London jooga....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date sxb safka xaga uu ka bilaabmaa-------->
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date hi all Cumar Try www.garoob.com or hayada guurdoonka waqooyiga muqdisho. cafiis all
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Anigoo ah cabdulaahi waxaan kula talin lahaa in aad iska dayso dumarka london jooga ama earupta kaleba ee inta aanu waqtigu kugu dhamaanin in aad samaysato balan baadiyo oo aadana isku dayin in aad yurub usoo soo dhoofsato hana isku ceebayn hadii aad jaadka cuntid howl wayn ayaa ku sugayso
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Walaal Cumar waxbaa si kaa ah baan is iri, waryaahe ma waxaad inaga dhaadhicin, waxa gabdho jooga cariga ee aan toban tobanka isu wadnaa baan ka waayey mid aan guursado, ku soo celi "guursado" waxaan ku iri adigu miyaad fool xuntahay oo laga carari aragaaga mise doqon lagaroone ah baad tahay malaha waxaad ku xuntahay chapter (1) seduction-ka baan is iri, waryaahe yaanan lagu maqal baan ku iri ee carigii u shaqa tag nabadeey
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To cabdulaahi" WALAAL MAXAA KUGU WACAN IN AD SAA U HADASHO GABDAHAAH SOMALIYED OO KU NOL YURUB MADIGAA WAD YAQAN MAXAD U AF LAGADENEE MAD ISKU XISHO TIS WAXAA LAGA YABAA INAD TAHAY QOF WEN WAXAN WANAG SAN MADAMA AD TAHAY QOF WEN IN AD KAN TARO SHO WAXAD U HAD LESO WAAYO MAKU WANAG SWAN AQIRO IYO ADUN YADAB DHAMAN DADA KA SOMALIYE WAXAN DHIHI LAHAA IN AY KAHAD LAN NAF TODA O AYSAN KAHAD ILA WAXA KALEE OO WAX U DHIMAYA U MADA SOMALIYE WALAAL WAD IAFAHAN TAN U MALENAYAA JAAAAAAAAAAAAAAW
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date hebel... loooooooool!!! waad oga qoslisaaaaa ina abti!!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Heblaay i daa waan kaa masayree
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Salaam cumar, walaal ceeb maaha hadaad guurdoon tahay inaad sheegato ama aad arintaada soo banaan dhigto waayo walaal ma tihid qofkii ugu horeeyay ee arintiisa ana wuxuu jecelyahay dadka u sheegta, waayo xataa masaajidadaa la iska yeedhiyaa oo ceeb maaha. Nin guur doonay wax lagu caayo ama lagula yaabo ma samayn...waxaan ka yaabay dadkan kuu jawaabee adiga wax ku saaraya ee ku eedaynaya. walaal anigu gabadh somaliyeed baan ahay kulama yaabani laakiin walaal halkan waxa kaaga iman allaa oge maad hadaad adigu ka xishootay inaad hablaha la hadasho aad dadka qaraabadaada ah diratid ood u sheegatid iyagaa laga yaabaa inay ku caawiyaane. Ama aad wadankii tagtid halkaasaa gabadh ilaahay ajar kaaga qoro ood wax tarto ka heli lahayde. Walaal ilaahay waxaan kaaga baryayaa inuu waxaad niyaynayso guul kaa raaciyo waayo nin maanta guur xalaala hadal hayaa waa nin rageediiya e...Dhalinyaradeenii shaydaan baa inta badan xaraan u qurxiyee...ilaahay hakula garab istaago oo gabadh khayr qabta hakugu calfo...aamiin.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date adiga maxaa kugu dhacay marwooy?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To: hebel Wax maxaya????? Faahfaahi Su'aasha........
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date waleey faahfaahin ubaahneyn eh marwooy waxba kiiska hayska waalin.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To: hebel Walaal anigu nin waynoo sharaf leh oo talo na waydiistaan ra'yigaygii u sheegee xagaad adigu igala qabsataan garan la'yahay.........ama wax xikmad leh oo qof wayni af garto ku hadal ama ila dhaaf caruurnimada taa waa horaan kasoo gudbee hebel.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date By Jamac To Marwoy......Aragtigagagaa Waan ku salamay marwo,walaal doodaada i qancisee wax isweydiin ma xumee ma wada sheekaysankarnaa adoo raliya sis. Mise booskasi waa xirmey. Hadaan meel ka dhacey halays cafiyo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date waar yeeynan ku jiidhin inantan isxoog bidee gaadada nagu soo taagaysa oo yaaney iskaarbaha isaga kaa taagin ee ka hor leexo jaamacoow. waa la sidaa baan umalayne. marwooy inaar i amaan geli alahaa haduu ale yahay oo laguu soomo laguu salaado.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date CUMAR ABOOWE HADDII AY RUN KAATAHAY ANAA GUURDOON AH WAXAAN JIRAA 22 WAXAANA AHAHY GABADH HADDII AAD ISLEEEDAHAY MAXAA KA SI AH WALAALAHAY XAGA QURUXDA SAFKA HORAAN KA TAAAGANAHAY . masuul@hotmail.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To:Jamac Walaal waad ku mahadsantahay codsigaad iga dalbatay waanan kusoo dhawayn lahaa hadaanan meelaysnayn walaal,,,ee laakiin walaal meel baan ku xidhanahay wakhtigan la joogo. iga raali noqo walaal, waan jeclaan lahaa inaan wax kula qabto laakiin wiil somali ah sidaada oo wanaagsan baan ku xidhanahay adna waxaan kuu rajaynayaa gabadh fiican oo ku qancisa in ilaahay kula kulansiiyo. To: hebel Ku daayay hebeloow afkaygoow buus. Raali noqo walaal, dib danbe hadal iiga maqli maysid. Cafis iyo musaamax
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Jamac To Marwo ALLA yaa cizak marwo!! aad baad ugu mahadsantahay jawaabtada marka dardaarankan iga gaarsii wilkad ku xirantey:Dusha...Nabar ..ha taabsiin.. Hadadaani waa gobe..Hadalll.. Doqon ma garataaan. Sis Guul baan idiin rajeynayaa iyo inaad noqotaan labadii isku raaga. W/calaykum/
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date dee sidaa kamaan wedine marwooy ha cadhoon inaar aynu heshiino oo is gacan qaadnee ileyn meel fog ma kala jiree oo waa inagiiye kaalay huuno.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date TO:HEBEL. ABOOWE WAAN KU JECEL AHAY ADIGA MAR MAR KALIYA!!!!!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To:Jamac Walaal adaa mudan, dardaarankiina wuu gaadhay waana laguugu mahad naqay. ducadaana alle ha aqbalo....aamiin walaal. Thanks walaal. To: hebel ma cadhoon walaal ee sidaad iga dalbataan yeelay. No hard feelings bro.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date armaa laygu kaa xidhaa adigaay 15? marwo imika ma heshiinaa sidey noqon alaa oge. hoo gacanta hoo gacanta hoo.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Waryaada hee kuligeen maskaxdax ayan waalan tahiin, wiilka jawaab fiican siiya mise iska daaya ok..people please try to give a nice mature advice or else get the stepp out. damn! thank u bye AYAN
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date AYANEY ABAAYO RUNTA AYAA SHEEGTAY WAANA KULA QANACSANAHEY. CUMAR GABDHAHA SOOMALIYEED AAD AYEY U FARA BADANYIHIIN MARKA MIDA JIDKA AAD KU ARAGTID ISKALA QABSO SI WANAAGSAN OOH SHARF LEH. BYE AMAAL
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date Cumar garoob ka waran dhowr cunug oo bilaa aaba ah haysata ka waran hee sxb ma fiicnoo kuley adiga waxaa rabtaa meel aad olyda i saga badasho ok i la soo xiriir.::::::::::::::
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To: Cumar W. Salaamad dabadeed, anigu waxaan kugula talin lahaa ha degdegin! Anigu waxaan guur doon ahaa intii u hdaxaysay 1991-1997. aakhiritaankii mid aan shan iyo toban maalmood is naqaanay ayaan ku dhacay 21 jir ayey ahayd,Africa ayaan ku guursaday, wax walba oo aan karey waan u sameeyey, dahab, tacliin, qorshe reer, ayaan u dhisay way igula collowday. Waxaan la joogay haben qudha oo waxba kamaan arag. Nasiib darro qoftii way i khiyaamaysay oo waxay igu khasabtay inaan habeen walba telefoon kula hadllo haddii kale waraaqda keen, biyo kulul ayaa iigu galay godkaygii iyadoon waxay iga weyday masruuf iyo marriin nin inaan u noqdana intaan dib Africa ugu duula muddo yar dabadeed qorshahaygu yahay ayey laba jeer i wediisatay waraaqdeeda, nin wax garad ah sidiis ayaan u fekeray oo maya ayaan idhi;lacag ka badan 10,000 toban kun oo dollar American ayaa igaga baxday, dahab ayaan meel walba ka laad laadiyey isguullo qaaliya oo luuqadaha ayaan ku daray, oo kuwa gawaadhida sida loo wado ah, waxaas oo dhan way ka booday oo waxay awood u yeelan weyday inay muddo laba sannadood iyo badh ah shan jus oo qur'aan ah dhammayso. Hadal yaanan kugu daaline, shaki iyo walaac ayaa i galay aan naftayda la hadllay, ninka ragga ahina wuxay taladu ugu xuntahay markuu islla hadllo sida adiga hadda iiga kaa muuqata,waxba imaad tarin, aniga iga fuudhyeel cid kale ha tarin waxba,naago kale ayaad meesha ku qabtaa, ayey igala dhammaan weyday, aniguna wallaahay oo billaahay inaanan sidaan u guursaday aanan naag hawo guur ii qaban. Hadal yaanan kugu diline March 04,2000 oo sebti ku aadenayd ayey qoftii waraaqdeedii i weydiisatey aniguna ballan qaad iga dhacay awgeed ayaan u yeedhiyey dalaaqadeedii, oo aan la hagoogtay khasaare maal iyo cadho iyo tiiraanyo naftaydii ah, haddana anigoo single weli ah ayaan joogaa, dumarnna niyad uma hayo oo qalbigii ayaaban saafi ii ahayn, inta dumar ee aan ku gacan saydhay ayaaba iigu daran ee i dhaafay iyada daraadeed. Waxaan kugula talinayaa, walaalow ILAAHAY TALO saaro middaad oonayso ee khayrku ku jiro inuu ku siiyo, mana aha inay soomaaliya joogto ee waa habeen dhalad qadder iyo nasiib. Ninka talada calool adayga ah isiiyey inaan tashado waa aabahay ilaahay dembigiisa ha dhaafo iyo midka waaldikiiba; wuxuu igu yidhi haddii ay durdaba hadal nuuc keentay adigoon faa'iido ka arag xoolahaagiinna ku socdaan qaarnna ku baxeen, inaad aabe ku noolaato murugo iyo calool xumo adigoo nin yar ah ma doonayo mana aha, markaa tshao oo ha ku walaacin, doon buuxdaba bad lagaga teg,waxay xaq kugu leedahayna miiska u saar. Wuxuu ii raaciyey inaan sidaas idhaahaa waa igu gef laakiin aabe dhibaatada ku haysata way isoo gaadhey. Ninyahow cumar ha degdegin sahan badan yeelo Ilaahayna talo saaro, gabadh aan hooyo iyo aabe lahaynna kuguma ogi, oo dad wanaagsan ka dhalatay. Lacagta iyo maalku waxba maahan, laakiin kalsoonida iyo dunta wanaagsan ayaa wax ah.Sheekadayda waan kuu soo koobay laakiin inta aanan qorin ee dhibaato isoo gaadhey ayaa ciiddaas ka badan, markaa intan tusaale weeye, wallaahay inaanan beeb kuu sheegayn ee sidaan u qoray arrinta, haddii aad doontana waan kaaga dhcayaa sheekadoo dhan bilow ilaa dhammaad, hadda laakiin culayskii inuu iga degay ayaad mooddaa oo aan soo kabanayo xagga mas kaxda. Ilaa xilli dambe nabadeey.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date To Cumar waa idin wada salamay dhamaan Cumar aboowe maxaa dagdagtaan weli aadaa u yartahay dad kaa waaween oo weli jooga aab jiree aboowe4 macaanoow gacalka a iska boobin saan roonaaba rabiyaa ogee..
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date aslaamu calay kum dhamaantiin walaal cumar waxaan kugula talinlahaa inaadan degdegin ood ka fiirsato guur kaaga wali jaanis ayaad leedahay mida kale qof kii alle wanaajinayo ayaa wanaag san meel kasta oo uu joogo iyo cid kasta uuyahay markaa walaal illaahay isku xir oo dadaal kana fiirso guur kaaga to: marwo walaal markii hore waad fiicnayd laakiin kaftan ka ayaad badisay kala daa murwo iyo kaftan badan waa talo
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date YUSUF To Qaxar War qaxar!!! Anaa toosh ku raadinayey Garoob aan oodkac iyo naas aan barkado i siise ee ila soo xiriir Abayo Garoob caruur kortey leh dadku waa nimco ayan ogeyn! ALLow ha naga tusin doobabka gaaf wareegaya warka iga daa hee iskeen minaad wax isku haysid..
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Unrecorded Date wxaxaas ayaa shukaansi ah haye ma laysla booday, guur doon ayaan ahayy afmacaane iska hadle iyo anaa nin raba kuwaad hayseenba eride e ma nafbaad u haysaan kuwo kale. waxaan odhan lahaa ninka guurdoon ah horta intaad yartahay raaxayso caruurtaaduna 5 ama 6 ha gaadho maxaa ku dhibey saaxiib, 21 sano ayaan jiraa 2wiil iyo gabadh ayaan marayaa kala hooyo ah balhada eeg mid hooyadii waa filipino, midna waa malaysian,midnawaa thai,hadana waxaan wadaa vietnamese, markaa saaxiib nin ragi ma yidhaahdo guurbaan rabaa guurbaan rabaa, hana ceebey guska maskaa cunye
|