Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): LABO GABDHOOD ILMO ADEER ISU AH MA LA ISLA QABIKARAA ?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cilmi

Unrecorded Date
Walaalayaal ,
Salaan ka dib waxaan u baahanahay taladiina
caafiimaad qabta . Waxaan ahay nin soomaaliyeed oo daŽdiisu dhan tahay 40 jir . waxaan guursadey gabar soomaaliyeed oo aannu qaraabo nahay muddo shan iyo toban sano ah wuxuu Alle iga siiyey awlaad wanaagsan isla markaana xaaskeyga aad iyo aad baannu isu jecelnahay . Hadaba walaalayaal waxaa sannadkani ugu danbeeyey
nolosheyda ku soo biirey dareen culus oo igu cusub . Waxaa jirta gabadha aan qabo gabar ina adeerteed run ah ( labadooda aabe isla dhashay ) in aannu si aad iyo aad ah isu jeclaaney . Waxaannu ka wada hadalney sida ay inoogu adag tahay in uu guur na dhexmaro maadaama aan qabo ina adeerteed hase waxay iigu jawaabtey in xattaa ay diyaar iila tahay in aannu si qarsoodi ah isu guursano . Gabadhaan danbe aanu is jeclaaney xagga dhaqaalaha aniga ayeey si aad ah iigu xiran tahay oo si wanaagsan u dhaqaaleeya . Marka marka qaarkood waxaan ku fikiraa in jeceelkeeda ay sabab u tahay xagga dhaqaalaha ay igu xiran tahay oo aanan gabadha arrintaas darteed uga faaŽiideysan . Labada gabdhood waxaa qurux iyo aqoonba badan middan danbe oo aannu isjeclaaney . Xaaskeyga dhawr jeer baan si kaftan ku iri , ka warran haddaan ina adeertaana guursado oo aannu sidaas nolosha ku wada wadaagno hase yeeshe si kulu beey iigu jawaaabtey laakiinse waxaan hubaa xattaa haddaan si dhab ah u guursado in aysan sidaas u sii fogeen oo marka dambe iska degilaheed . Laakiinse waxaan ka baqayaa dhaqanka Soomaaliyeed waxa uu ka qabo in la isla guursado labo gabdhood oo ilma adeer run ah iyo dhibaatada berito ka imaankarta .
Su Žaasheyda ugu weyn waxay tahay weli cid aragtey ma jirtaa nin isla qaba gabdho sidaas isku ah ? Jawaabo degdeg ah baan idin ka filayaa walaalayaal dhammaantiin . Mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maymuun

Unrecorded Date
Anigaa yaabey!!!
bal 40jir yaa waaye dadka uu ka warsaneyo, in la arkay nin hor u wada guursadey gabdho ila-adeer ah, sow cajiib ma ah!!!! anga da'adyda alle aa yaqaan,ee waa 40 sano oo lagu qasaarey, haddii uuba su'aalahan oo kale jawaab u raadinayo,
saxiib alle hakuu naxriisto, ee beentaada miyaadan iska fiirin markii aad qoreysay in 40ka sano ka shifi doono darbada aad sida foosha xun isgu soo toos-toosisay, wax la buriyo been baa ugu orod yar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,Gabdhuhu haddii ay walaalo yihiin oo ay labaduna ay noolyihiin quraato meherka waa uu kuu qabanayaa laakinse ilma adeerka waa maya oo hataa haddey gabdhuhu isku Qabiil yihiin meher kuu wada qabanmaayo ilaa ay diintoodu kala duwantahay oo haddii midi ay tahay Budha Ama Christian oo tan kalaana ay tahay Muslim ama Islam oo ayna markaas ay inantan ee kuu Dhaxdaa isku Qabiil yihiin Meherka waa kuu qabanayaa ,,Ilma adeerku mid kaliye buu iyana meherka kuugu qabanayaa oo haddii inanta hore ay 17 dhasho oo Lugta bidixinna ay ku dhutineyso oo ayan caruurta iyo agaasinka aqalka looga roonyahay macnaha ay Baali tahay markaasi inan labaad oo ina adeerteed ahi hal dalaaq oo kaliye baad ku xiraneysaa oo ku aqal geysaneysaa,,, ama Adigu hadduu cimrigaagu Gaarayo sagaal iyo soddon oo ilna aad la'dahay(Cawir Eblays) ee inanta aad guursaneysana ay sagaal jir tahay meherka waa uu kuu qabanayaa adigoo markaa hal dalaakh ku fura xaaska hore oo halkii dalaakhna aad tan kale kula aqal gashaa,,oo sidaa oo kasliyaad labadooda ku wada qabi kartaa,,,,,,,,........


Allahuma inii hal balagtu
,,,,wa bilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cilmi

Unrecorded Date
To / Maymuun
Walaal sidee baad ku garatey in aan been sheegayo mise waad ila joogtey markii aan
warqaddani qorayey . Runtii hal eray oo been ah
kuma jiro hadalkeyga waana iga daacad haddii
aad i rumeyneysid iyo haddi kaleba .Mahadsanid . Cilmi

To / Neefowkiniini
Runtii ma aanan fahmin waxa aad ka hadashey
ee haddii ay ujeedadaadu tahay cay iyo
aflagaado please waxba ha ii soo qorin . Cilmi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xamardaye

Unrecorded Date
CILMI,

saaxib hadalkaadu ma xumo lakiin waxaa ku jiro waxyaabo aan is waa faqsaneen,ama aan la fahmi karin,waxaana ka mid ah guur baad ka hadleeysaa,
waxaadna rabtaa in dhaqanka somalida lagaaga eego in ay dhacday sidan iyo inkaleh,saaxib maxaa qalbiga kaa madoobeeyay,dhaqan sharci ma ahan,ee walbo waxaad tiraahdaa DIINTA maxay ka qabtaa, ma baneeysay mise way diiday?markaas ayaa jawaab lagaa siin karaa waxa aad raadineeyso,haddiise aadan alla ka cabsi aadan u soconin oo aad u socoto dhaqan ka cabsi,saaxib anaga kuguma lihin cabsi,ee iska dhex dabaalo.

nabad iyo caano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabadhsomaloah

Unrecorded Date
N.kaniini &
Xamardaye,
ILAAH HA IDIN DEESTO****************

ninkaan wax waad u sheegteen haddii uuba u baahnaa in wax loo sheego.
X/daye waad asiibtay sida uu asalku yahay,kheer allaha ku siiyo.
N/kaniini""""""'adiga sidaas ayaan kugu ogahay qofki qarka taagay""""""sii laad.
hal xiraalaha ku wad oo haka harin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cilmi

Unrecorded Date
To / Xamardaye
Walaal marka hore waad ku mahadsantahay
jawaab akhlaaqda ku dheehan tahay aad i soo siisey .Marka xiga Xamardaye walaal waan ogsoonahay in aysan Diinta iga xarimeynin in aan isku mar wada guursado labo gabdhood oo ilma-adeer ( Labadood aabood baa walaalo ah hooyooyonkoodana wax shaqo ah iskuma laha oo gabdhaha walaalo isla dhashay ma ahan ) sidaas darteed kuma jiraan muxaramaadkii ay Diinta iyo Quraanka Kariimka ah uu Alle inoogu sheegey . Sidaas waan u ogsoonahay . SuŽaasheyda waxay ku salaysan tahay xagga xigtinimada iyo ehelnimada miyeey haboon tahay in la isla guursado labdhood oo ilma-adeer ah . Walaal Xamardaye waxaa intaas ii dheer labada habloodba waxaan u ahay Adeer
labaad , midda aan haatan qabo iyo midda aan damacsanahay in aan guursado oo labadooda aabood wada dhashay iyo aniga waxaannu nahay ilma-adeer . Sababtaaan u calmadaey in aan midda labaad guursado waxay tahay in aad sidii tii hore u xanaaneeyey tanna u xanaaneeyo oo hablaha noqdaan labadeedeyda gacmood oo aannu si faraxsan ku wada noolaanno , ubadkii Alle na wada nasiiyana si wacan u wada korsano inta ajasa inoo imaaneyso ee walaal TALO ayaan u baahanahay . Mahadsanid