Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Sept. 2000): LABO GABDHOOD ILMO ADEER ISU AH MA LA ISLA QABIKARAA ?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cilmi

Unrecorded Date
Walaalayaal ,
Salaan ka dib waxaan u baahanahay taladiina
caafiimaad qabta . Waxaan ahay nin soomaaliyeed oo daŽdiisu dhan tahay 40 jir . waxaan guursadey gabar soomaaliyeed oo aannu qaraabo nahay muddo shan iyo toban sano ah wuxuu Alle iga siiyey awlaad wanaagsan isla markaana xaaskeyga aad iyo aad baannu isu jecelnahay . Hadaba walaalayaal waxaa sannadkani ugu danbeeyey
nolosheyda ku soo biirey dareen culus oo igu cusub . Waxaa jirta gabadha aan qabo gabar ina adeerteed run ah ( labadooda aabe isla dhashay ) in aannu si aad iyo aad ah isu jeclaaney . Waxaannu ka wada hadalney sida ay inoogu adag tahay in uu guur na dhexmaro maadaama aan qabo ina adeerteed hase waxay iigu jawaabtey in xattaa ay diyaar iila tahay in aannu si qarsoodi ah isu guursano . Gabadhaan danbe aanu is jeclaaney xagga dhaqaalaha aniga ayeey si aad ah iigu xiran tahay oo si wanaagsan u dhaqaaleeya . Marka marka qaarkood waxaan ku fikiraa in jeceelkeeda ay sabab u tahay xagga dhaqaalaha ay igu xiran tahay oo aanan gabadha arrintaas darteed uga faaŽiideysan . Labada gabdhood waxaa qurux iyo aqoonba badan middan danbe oo aannu isjeclaaney . Xaaskeyga dhawr jeer baan si kaftan ku iri , ka warran haddaan ina adeertaana guursado oo aannu sidaas nolosha ku wada wadaagno hase yeeshe si kulu beey iigu jawaaabtey laakiinse waxaan hubaa xattaa haddaan si dhab ah u guursado in aysan sidaas u sii fogeen oo marka dambe iska degilaheed . Laakiinse waxaan ka baqayaa dhaqanka Soomaaliyeed waxa uu ka qabo in la isla guursado labo gabdhood oo ilma adeer run ah iyo dhibaatada berito ka imaankarta .
Su Žaasheyda ugu weyn waxay tahay weli cid aragtey ma jirtaa nin isla qaba gabdho sidaas isku ah ? Jawaabo degdeg ah baan idin ka filayaa walaalayaal dhammaantiin . Mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
You lucky bastard!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cilmi

Unrecorded Date
To / Annoymous

How I am lucky bastard , please tell me your story . Thanks Cilmi