    Guleed | Friday, June 23, 2000 - 07:00 am waxaan mudo badan ku noolaa nolol aaan farxad lahayn taas oo ay keentay isku buuqsanaan iyo fakar khalad ah, sidaas ooy tahay waan shaqaystaa waxana waan bartay.laakiin farxad ma leh oo way ii goysay. waxaa iigu daran hurdo la'aan joogto. dhower jeer ayaan go'aansaday inaan wehel samaysto oon guursado lakiin sideen xaaskayga u fahnsiin karaa nolosha aan ku jiro, ma jirtaa gabar soomaaliyeed oo rabta inay caawiso wiil somaaliyeed anigoo kal;e ah oo dhiban. pls. waano fiican i sii ama talo fiican. dhibane canada. |
    Feker | Friday, June 23, 2000 - 10:33 am Dadkooooooooooooooooooodhan waakulamid eeeeeeeeeee adkaysooo |
    ykhaliif | Saturday, June 24, 2000 - 08:08 am SAAXIIB FIKIRKA WAA WAX JIRA OO BILI,AADAMKA KU- BEERAN HASE AHAATEE KOLKA AY TIMAADO FIKIR WAY- SAHLAN TAHAY SIDA LOOGA BIXI KARO. AAN KUU BILAABEE QODABKA UGU HOREEYA EE AAD KAGA BIXI KARTO FIKRKA KU HAYSTA WAA ADIGA OO ALIHII KU ABUURTAY TALA SAARTA,QODABKA LABAAD WAA INAAD BADSATAA SUNADA SALAADA KA DANBAYSA KA DIBNA AAD DUCAYSATAA BARIDAANA SIDII UU ILAAHAY KAAGA DUL- QAADI LAHAA FIKIRKA KU HAYSTA. HADII AAD U BAAHATO TALOOYIN INTAAS KA BADAN HAKA- XISHOON INAAD ILA SOO XIRIIRTID,WAXAANSE ILAAHAY - KAA BARYAYAA INUU KAA DUL QAADO DHIBKA KU HAYSTA. KHAYR BAAN KUU RAJAYNAYAA. |
    dr-trouble | Saturday, July 08, 2000 - 06:17 am comments to guuleed waad salaaman tahay sxb intaas ka dib,waxaan ku odhan lahaa sxb fikirkan waxaa kaa kaxaynaaya mid uun hadaad samayso waana adoo xadhigii ilaahay aad goysay dib isugu rakiba balana waaye in aad dagaysid ayadii aan daliishanaayo aayadan(alaa bidikrillaahi tadma'inal quluub)goodluck |
    Lataliso | Sunday, July 09, 2000 - 11:06 am To Guleed By Taliso Walaal guleed fakirka iyo cabsiduba kaligaa kuma haysato maanta soomaali badan ayaa u waashay fikirbadan owgeed walaal fikirkana wadamadan shisheeye iyo dhibaatada aan isku gaysanay ayaa noogu wacan markaa fikirka badan walaal waali ayuu isku badalaa ee waxaan kugula talin lahaa siday walaalahayga hore kugula taliyeen inaad walaal xariga ilaahay qabsato oo ilaahay isku xirto waayo ilaahay isagaa adoonkiisa dhibaatada kakorqaada mana aha marka dhibaato naqabsato oo kaliya inaan ilaahay xasuusano ee waa inaan markasta ilaahay kuxirnaano waayo daciif baa nahay oo dhibaato iskama korqaadi karno farxadna iskuma keeni karno markaa walaal naftaada tayda iyo ta walaalahayga muslimiinta ah gaar,ahaan soomaalida kula talinayaa in marwalba ilaahay lagu xirnaado ale hanoo gargaaro dhamaanteen Amin ta,aad tiri majirtaa gabarsoomaaliyeed oo dhibaatada iga caawinayso walaal waad helaysaa iinshaa alaah ilaahay iscaawiya oo isku naxa ayuu nayiri inkastoo anigu aan xaas ahay hadana mid aad guursatid oo kucaawisa inshaa,alaah waayimaysid adigana ilaahay bari mid khayrqabta inuu ilaahay kuu sahlo AAAAAMMMMMIIIIIINNN |
    Anonymous | Thursday, August 10, 2000 - 05:32 pm to guleed walal allaha kuu fuidudeeyo |
    Ilhaan | Sunday, October 08, 2000 - 10:06 pm To: Guleed walaalo guleed Ilaahay arintaada ha kuu fududeeyo waxaan kugu la talin lahaa inaad guursato. maadama aynu joogno dhulshiya ah fakar lama wayayo fayujar wanaagsan ayaan kuu rajeynayaa take care your sister |
    hebel | Monday, October 09, 2000 - 09:51 am Ani Fekerka iyo cabsida waxaa iisii dheer fiigtaaloow iyo gunaanud badan. . . Aqalkeyga dhuumasho ayaan uga baxaa kuna soo galaa. . . habeenkii ma seexdo maalin oo dhan masoo jeedi karo. . Habluhu tii aan shukaansado ba waxay tidhaah ii sheeg qabiilkaa iyo imisaad lacag haysaa. . Maalin walba gabadh baa gidaar kuleetiga ihaysa oo jeebka gacan kula jirta. . Timihii badhna wey dideen badhna basaaseen. . Calooshii waxaanan garanyen baa kasoo dhug leh oo soo giijiyay. . Ilmuhu markay i arkaan bey ka boodaan fadhiga oo shiid igu bilaabaan. . Indhahayga anoonan midna dhabarka ku hayn midna xaga hore ma socon karo. . Raga dumarkoodii wey igala qaxeenoo imika xaafadaha wareegoodii baan ka baqayaa. . Dameer ma lihi owrna warkiisa daa. . Xayraan baan ahay busaaradeytay. . Tii isoo martana naa bal Canbarka ii dhiib iyo inaan boob ku bilaabo mooyee hadday "Alla Ba'ayeey" tidhaah markiiba orodka tow idhaa baan ahoo la gaadhine. . Sxb maxaad awal tidhi? Waan isku buuqsanoo waan baqayaa? . Ala nolol wanaagsanidaayeey....Hayaaaaay! . Scodka toorey baan mar mar moodaa iney dhabarkeyga gujineyso. . . Ha lay cafiyo. |