    Wayeel | Wednesday, June 28, 2000 - 01:16 pm Walala yaal wiil iyo gabar waa maxay aroos muxuuse taraa? waxaan tagay aroos somaliyeed waxayna ila muuqatay ilaan weli nahay dad dameeya waayo waxaa isu yimid ilaa iyo 200 oo qof wax macna ahna lama siyaadin waxaan kasoo qaaday madax wareer waxaan filaayay meel degan oo aan ku kulmi doono dad lebisan faraxsan waxaan lakulmay gabdho yaryara oo marna baxaya marna soogalaya waxaan oran lhaa soomalida ku nool dibada war maan isa dhaafno aroos yada ama aan samayno tigidh lagu galo oo ay tagaan dad lamac suumay oo keliya oo layka daayo buuqaan iyo qayladaan,./........hadii aad haysaan fikrad tayda kaduwan you are feel free.......... |
    qawdhan | Wednesday, June 28, 2000 - 01:20 pm wax uu taro ma jirto ee waxa wanaagsan adigoo lacagta aad arooska ku bixinayso dadka u baahan siiya maalintaas masaakiinta ka farxiya laakiin lacagta aad fanaaniinta siinaysid iyo tan aad doolshaha ku soo gadaysid waa lagu waydiin doonaa qiyaamaha,,,,,,, |
    Manaxe | Friday, June 30, 2000 - 04:12 am Aroosku beele waaye sxb ii dhaaf, waa meelahaan ka xamaasho'e, ma anagaaba heli lahayn hablaha haddaanay ku mar marsiinyoonayn aroos baan aadayaa. |
    ILYAS | Friday, June 30, 2000 - 06:57 am AHLAN SXBAYAAL AROOS WAAA AROOS MARKII DAD AAD TAQAANO ADIGA IYO SAAXIIBADA XAASGAAGA AY JOOGAAN HADII KALE WAA MEEL AY BALO AY KAJIRTO SABABTOO AH QOFKASTA OO AAN EHEEN FAMILKA WAXBUU QARIBAYAA AYAAN UMALEEYAA LAAKIIN MAA DAAMA AAN WALI AROOSIN SU AASHAAS HALAWEEDIIYO DADKA JUST MARRIEDKA AH MIDA KALE SXB MARKII SOMALIYA LAJOOGAY AROOSKA QAARKOOD WAXAA LAGU SOO GALI JIRAY INFIITO,LAAKIIN DHALIN YARO BADAN AYAA DERBIGA KASOO BOODIJIRAY ,WAA GAAAAS SAB IYO XALWO AYAA LACUNI JIRAY KADIB CIYAALKA AAN LA INFIITEEN WAY BIXIJIREEN ,LAAKIIN MAANTA AJNABIGA DHALINYARADU CUNTO MA U IMAADAAN EEE WAA QAS IYO HAWEEEN DOOON |
    Muna | Tuesday, July 04, 2000 - 04:13 pm why not make it invitation limited by seats in the first place to start with? u r talking about ppl who u dont know but showed up, but if u do ask me i wouldnt invite some of the family! only invite ppl u want to. |
    jiijo | Sunday, July 23, 2000 - 07:51 pm to waayeel wayeel wadaayoow waaba loo baahan yahay wareerka iyo muusicada sidii qoob kacayaarka loo bilaabo adina waxaabo ku wareegsanoosaa gabdho yaryar aan nawareeriyey,,,,wayeel hadii tahay minanka is ka joog yeyan aneemiyo kugu dhecin waan qulqulay wayeelka |
    HANNAH | Friday, August 11, 2000 - 04:11 pm WAA LA IDIN SALAAMAY WALAALAYAAL AROOSYADA HADA JIRAA AROOS MA AHA WAA IS TUS TUS IYO HALAGAA SHEEGO. AROOSYADA MAANTA JOOGAA WAXAABA ISKA YIMAADA DAD AADAN CASUUMAN WALIGAANA AADAN ARAG. AROOS WAXAA LOOGU TALO GALAY FAMILADIINA IYO ASXAABTIINA. ANIGU KUMA JIRO JAMAICA AYAAN DALXIIS U AADAYAA ANIGA IYO XAAJIGEYGA. REERKANA XOOGAA AYAA HOOSTA LOO GALINAYAA HANNAH |
    Booleeye | Monday, August 14, 2000 - 12:49 am Aroos wuxuu u dhaxeeyaa mudane iyo marwadiis inta kale maxeey meesha ka sameynayaan. |
    Sumaya | Monday, August 14, 2000 - 12:23 pm Salaama Caleykum Walaayeel Walaal hadal fiican ayaad sheegtay. Hadaan Hadalkaa wax ku Darsado sida Walaashey Hannah Sheegtay Aroosyada jiraa maanta waxba kama duwana Kuwa Gaaladu sameystaan ama waa ka daran yihiin Arimahaan Dartood. Waxaana ka hadlayaa Aroosyada lagu Qabto Hotelada iyo Hall. GAALADA AROOSYADOODA AYAA WAXAAN KALAMID YAHAY? 1- Waxaa lagu qaban Hotel qaali ah 2- Wiilala iyo Gabdho kala Ajnabi ah ayaa isku dhafan. 3-Gabdha waxaa loo soo gelin Dharka Taaj 4-Wiilka ama gabadha waxay Afka isku Gelin Cake 5- Waxaa ila Ciyaaraya Wiilal iyo Gabdho weliba si fool xun. 6- Tan ugu xun waa Gabdha Futada u dhigata Camerada ama (Niiko) oo hada Dhaqan xun oo soo batay ah, weliba Camera Aduunka oo dhan lageyn, Qoflaaba oran miyaad u jeedeen ina helab waxay Raga Dhexdooda ka sameysay oo weliba Aakhirona kuu hartay oo Cajaladaasi Makhraabti kugu noqon aduunka dhan lageeyey. 7- Arooskaa oo lacag badani ku baxdo, marka laga soo dareerano Cunto ay Arooskii iyo Aroosadii Cunaan waayaan next day. 8-Deny Farabadan oo lago Credit Angency ku raadin after three months. 9-Allaah oo Caradiisu meeshaa ka dhacdo iyo Sino marka meeshaa laga soobaxo Wiilba gabar luuq la,aado. 10- Bilo kabacdi oo la kalo tago saa waa Guri lagu aas aasay Allaah Cardiis iyo Niiko. |
    Anonymous | Tuesday, August 15, 2000 - 12:05 pm heey intaad soo sheegtay wax xun wax fiican waa ku jiraan aniga arooskayga(wali ma guursan) waxaan dhigan lahaa 1- waxaan xiran lahaa taaj 2- waa ciyaari lahaa heesi lahaa camerana duubi lahaa 3- isku qasnaanta mushkilad ma laha hadaan la isku dhagdhagayn oo jidka waa la wada maraa yaakheey habeen walba la aroosaayo ee masayrka iska dhaafa. soomalidana waxay ku xun yihiin privacy ma laha qof walba xor waaye ee dadka amaan siiya. |
    NASIR | Thursday, October 19, 2000 - 09:03 am TO HANNAH I ABSOLUTELY AGREED WITH U BY SAYING DA REAL EXPLANATION. ANYWAZ WHOEVER GETS U IS THE LUCKIEST MAN IN THE PLANET COZ ATLEAST U KNOW THE REALITY ABBE. |
    Anonymous | Thursday, October 19, 2000 - 11:13 am Aniga waxa ay ila tahay in uu aroosku fiicnyahay in la samaysto,waxaase jirta dhibaato wayn oo badanaa ku dhacda dadka isaroosanya taas oo keenta in ay khasaaraan kharhkii badna iyo hawshii mudada dheer laga shaqaynayay,Mid iyo labtoona maha inta ay sidaasi ku dhacday. Hadba waxa fiican in la helo hab ka casrisan ama ka nidaamsan oo kan hada isdhexyaaca ah ee hadana kharshka badn lagaga baxo. Wiilsha iyo gabdhahan ha iska qaataan wakhtigooda waayo qolokastaa way smayastaan maalinta farxadooda xataa carbat ay dadkeenu ka daba dhareeriyaan. |
    ugbad | Monday, December 04, 2000 - 02:33 am aniguba waxa aan u malaynayaa in arooska u yahay waste of time waayo marka aad meel tagto waxa lays waydiiyaa maxaan ka soo faaiiday lakin arooskii hada marka aad ka soo baxdo waxa aad faaiday malaha waa qaylo.taas oo ay waliba dheertahay cay lagu cayayaa oo la odhanayo naa eeg waxa ay xidhnayd. aniga waxa aan samaysan lahaa aroos dumar qudha ah with fanaaniin iyo camerad gurigaygna aad iyo aad baan u sharxi lahaa lakiin hotel and all other things is waste of time moneyetc |
    A.222 | Monday, December 04, 2000 - 04:16 pm Sumaya Runtaad ka sheeg tahay, waxna ma dhaafin. waxaas ku fahmi kara qofkii markii horaba ku taagnaa caqligiisa. Kiise awalba dabeyl raaca ahaa, maxuu kaa fahmaa dad kabahood buu ku jirayaane. Qaarkoodse waxey baraarugin markii xanuunku taabto. |