Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): Ila Taliya somaliyey meelwalba aad joogtaan naagteyda aan ruuxega ka jeclaa oon toban sano isqabnay sadax caruurna ay ii dhashay ayaa shaley markey qurbada soo gasheyna nin ayey iga raacdey
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Sunday, September 03, 2000 - 10:01 am
walaalayaal qofwalba oo somali ah oo aqrinaaya
qisadaan igu dhacday waxaanka codsanayaa in uu ugudbiyo qofwalba oo somali ah ama u dawaco fadlan
QISADA:- Tobansano kahore gabadhaan isku iskool ayaan aheyn waxaan wadda dhiganjirney sh.hassan.barsame muq,jeceel ayaan isku guursaney
aad ayey ii jecleed anigana sidoo kale markaan isguursaney kadib dagaaladii ayaan waxaan u soo qaxney nairobi,ken.kenya ayaan waxaan ku wada nooleen lixsano sadax caruur ayeyna igu dhashey 1996 ayaa waxaa ii soo baxey resboonsar aniga iyo labo gabdhood aan dhaley aniga iyo ayada waantashaney xaalada nairobina sida qofwalba uu ogyahay aad bey uxuntahay waxaana ku go,aansaney aniga iyolabadeyda gabdhood in aan usoo baxno USA ayada iyo halgabarna aan hadhowti aan soo dibiro anan dayacin. intii aan USA joogay halmar ama halbilna biil la,aan ma dhigin iyo wixii dheerad ah ay rabto ayaan u diraayey,marka waxaa dhacday sidii aan USA aan ku keenilahaa ay igu adkaatey waxwalba waan isku deyney,markaas kadib ayaan waxaanla hadley yar muqalas ah lacag ayaan udirey waxaana la keeney holland marka waxaan is dhahay naagtada hadda weykuu soo dhawaatay holland tag warqad nikaax soo samey ee USA ku soo labo viso uxarey ee USA kenso.aniga iyolabadeydiigabdhood waan baxney holland ayaantagney guriga walasheeda ayaan ku degney ayada xerada qoxootiga ayey ku jirtey laakin guriga walasheda ayaan wada joogney halka qamiis kaliya ayey xerada u doonaneysay stamp, labamaalinkadib markaan holland joogney ayey i tiri ninkeygiyow waxaan ku weydiisanaya cafis intii holland aan joogay ayaan dhowr jeer macsiyeystay shedaan ayaa iga tan badiyey,run ahaantii dareenka oo dhan ayaa iga tagey laakin waxaan dhahey wixii dhacey waa dhacey waana ku cafiyey illaheyna u toobatkeen ee hada iyo waxii kadambeyo iisoo noqo rerkeena aan dhaqano sadax caruur ayaa naxtaalo USAna umanaqanaayo holland ayaanba kula degayaa markaas ayey ila timid i fur noolal kulama qaybsankaro nin godabweyn aan ka galay ayaad tahay sidad ii amintey iyo sidaad ii dhaqaaleysay iyo sidaad dacat iigu noqotay iyo sidii aan kuu qayaanay ayaan noolal kula qaybsankarin waxaayna ii racisey ninkeyga matihid intaan xerada aan ku jirey ayaan wiil isbareaney wiilkaas ayaan isla soconaa markaas ayaan dhahay haddii isla socodlee uu yahay aadan i dhaheynin waan isqabnaa walaaley ii soo noqo owlaad ayaan isku dhalney owladkelana waa kaga bahanahey xataa waxaan u gaarey haddii aad uur leedahey anigaa korsanaayo oo ceebtada asturaayo,marka walaaloyaal naagtan aad ayaan u jeclahay waxaana mooda la,aanteeda in aan noolaankarin wax walbana waan u gaarey waxayna ii soo istaagtey i fur ninkaas kale ayaanracayaa,qof aanla hadlina maleh wala ehelkeeda walaaleheeda saxibadeeda saxibadeyda qof aymaanta ay warkamaqleysana maleh qof ayxushmeynayso oo maanta hadal ay kamaqleyso maleh marka anigana jini ayaa igu dhicirabo mahurdo cunto macuno aniga oo dhanwaali ayaan ku dhawahay daacada aan u ahaa iyo siddii kalsoonida aan u saartey ayaa horteeda taalo iyo wanaaga aan u diyaariyey, marka ilmihii ay dhashey xataa weydiiday oo wado ayey i tiri,marka hadda USA ayaan u soo laabtay aniga iyo caruurteyda ayadiina
haltalaaqo ayaan ku soo furey 5days ago waxaan sameeyo ma,aqaano jini ayaa igu dhacooyo naagta aad ayaan u jeclahey waligey kuma fikirin waad is fureysan ama nin ayeykaa raceysaa marka walaaloyaa
ila soo taliya waano ayaan idika rabaa somaliyey
talefankeeda waanhayaa magaalada ayku nooshahay
xerada ay ku jirto magac iyo addresba waan hayaa
xataa waxaan hayaa ninkii ay iga raacdey telefankiis iyo magaciis meeshoodagan yahay fadlan
somaliyey wax haleyla qabto talo iyo waano iina soo duceeya wiil dhalinyaro ayaan ahay oo wadaad ah illah ka baqaayo ee arintaan iyo jeceelka ayaa
iga tan badisey fadlan ila soo xariira

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DR-TROUBLEBOY

Sunday, September 03, 2000 - 10:46 am
COMMENTS TO NINKA DHIBAATAYSAN
SXB MARKA AADBAAN UGA XUMAHAY DHIBAATADA KU GAARTAY WAANA SHEEKO LA YAABLEH AAN WALIGAY TAN KA HOR AANAN MAQLAN,SXB HADDAY KU TIDHI SIDAAS U YEEL MA WAAYEESID GABAR KUGU RABTO SADEX,WALAAL IYADANA MID AAN LAASAN DOONIN AYAY ISKU DHIIBTAY SIDA MUUQATA WAADNA ARKI DOONTAA IYADA OO KU DHINAC HAYSATA WALAAL ILAAH TALO SAARO KUNA LAABO USA KHAYRNA WAAN KUU RAJAYNAYAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Dr. Truth.

Sunday, September 03, 2000 - 06:03 pm
Dear Anon:
Nolosha dhinac kale ka fiiri. Aduunka intaa joogeeso waa waqti yar waxaana kuu fiican inaa ku noolaato nolol aan dhib iyo buuq lahayn marka qof qof kale laga raacay uguma horeesid ugumana danbeesid ee waxaan kugula talin lahaa laba mid. Qoftan faraha ka qaad aduunkana dhinac ka gal, waxaa heli kartaa boqolaal gabdho Soomaaliyeed oo dhibkay kuu geysatay kaa daaweeya. Ama tan labaadi waa waqti sii. Ninkaan si fiican ha isu dhex galeen kadib waxaa laga yaabaa inay aragti\o dhinacyaduu ku xunyahay ayadoo ku raali galinaysana ay usoo noqoto caruurteeda iyo ninkeeda.

Qof adag noqo jecelka laguu sheegayana waa inta lagu jecelyahay ama agagaarkeeda ee nafta mashquuli too kalana ku qabo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hassan

Sunday, September 03, 2000 - 10:43 pm
To Anonymous,
Saaxiib anigaan kula hadlaya ayaa haweentii aan tobanka sano qabay, aadna aan u jeclaa, iina dhashay labo caruur ah ay boolis ii keentay habeen barkii. Waxaa la iga saaray gurigii iyadoo dhaxan iyo baraf jiro. Gabadhii waxaan ku furay hal dalqo laakiin jeceylkeedu marna igama dhamman, sidaa awgeed waan u soo laabtay oon ka codsaday inaan isku laabanno markaas ayey ii sheegtay iney wiil jeceshahay oo ay guursaneyso sababta ay guriga iiga bixisayna ay ahayd arrintaas awgeed, caruurtiina waaba ay ii diiday inaan xitaa soo booqdo. Sidaas markey dhacday ayaan waxaan aaday Afrika waxaana soo guursaday gabar 18 jir ah oo aad ii cajab galisay ilaa haddana aan isqabno.
Maanta waxaan isku leenahay caruur waxaana ku noolnaahay nolol farxad leh oo aan buuq lahayn.
Saaxiib waxaan kugula talinayaa raadso gabar wanaagsan oo diin leh iskana illow naag macsiyeysatay, waliba adigu caruurtaadi ayaad haysataa nin iska dhig oo iska illow haweentaas ku xumeysay iskana cafi.

By Hassan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HUDA

Monday, September 04, 2000 - 02:13 am
to anon

walaal jabka waa lagula qabaa Walaal nin ayaan waxaan is qabnay sideed sano waxaana u dhalay afar caruura sadex waa iga dhimatay aniga oo uur leh ayaan wadanka australia imid waxaana ku dhaley gabar waxaan isku taxalujiyey in aan odaygeyga soo dhoofiyo anigoo dhibaato badan maray waxaan keenay kenya oo lagu xiray waxaan u diray lacag lagu soo daayo waligayna masaariiftiisa qiil qiil magalin dhibka aanb ka maray lagama sheegayn karo taasna waxaa keentay jacelylka aan u qabey markii uu soo bixi lahaa ayaa mid balaayo qabta holand ka timid oo lix dhashay wuuna iga raacay waxaan isku dayey in aan dhaho war reerka da ji oo sida ka daa balse waa igu gacan sayrey gadib go aan ayaan gaaray ilaahna waan baryey in ilaahay labaDA TALO TII ROON I SALON SIIYO SIDII BAAN KU KALA TAGNAY WAANA KA RAYSTAY MARKA WALAAL NIN RAGA BAA TAHAY NASIIBNA LEH OO CARUURTIISA HAYSTA ISKA ILOW OO ILAAHAY WEYDIISO MID KA KHAYR BADAN TII HORE ANANA WAXAAN LEENAHAY AMIIN


SIS HUDA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kulmiye

Monday, September 04, 2000 - 04:39 am
Waxaa Canada jira naago aad u badan oo nimankoodu USA/middle East ka shaqeeyaan inay niman saaxiib layihiin. Naagtii ninkay saaxibka la tahay ka hesha halka wax oo ay sameeneyso waa inay ninka nabadeey ku dhahdo.

Sidoo kale niman badan oo USA ka shaqeeyo oo Canada xaasaska uga soo tegey inay ayaguna naago kale la raaxeystaan. Soomalida kala nool waxaan kula talin lahaa AIDS iska baara hana trust gareen nin ama naag aad laba waddan ku kal nooshihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUCOQABE

Monday, September 04, 2000 - 08:04 am
LAA XOWLA WALAA QUWATA ILAA BILAAH
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUHU.
WALAALAHAYGA SOOMAAALIYEED WAAD SALAMANTIHIIN SALAANTA KOR KU XUSAN BACDA SALAAM, WAXAAN LA YAABAY SIDA AY SOMALIDU U BAABA'DAY WAXAANSE IS WEYDIIYEY SOMALIDU MA SAAS BAY AHAYD MISE QURBAHA BAA UGA DARAY, WACIYAADU BILAAH, WAXAAN FILAYAA DHIBTAN AWELBA WEYNU QABNEY BALSE ILAAHAY HAINOO NAXARIISTO.
HADAAN ISKU DAYO IN AAN WAXYAR KA IDHAAHDO ARINTA WALAALKEY ANONYMOUS.
WALAAL WAXAAN KU ODHAN LAHAA HADAY JIRTO ARINTA AAD SHEEGTEY GABDHO WANAAGSANI WAA BUUXAANE INTAAD CALOOSHA XIDHATID GABADH KALE GUURSO ISKANA FIIRI HAL ARIN OO KELIYA WAANA DIINTA WAAYO NINKU AFAR ARIMOOD BUU GABADHA KU DOONTAA WAXAASE UGU FIICAN TA DIINTA LAGU DOORTO, GABADHUNA NINKA KU DOORATO LABA ARIMOOD OO AH AKHLAAQ IYO DIIN.
ILAAHAY OO KELIYA BAA OG QOFKA DIINTIISA BALSE ADIGUNA WAAD DAREEMI KARTAA SIDA QOFKU U DHAQQMAYO MARKAA RAADI GABADH AAD IS LEEDAHAY ILAAHAY IYO RASUULKIISA BAY U AAMINSANTAHAY SIDII LOO FARAY IN AY UN AAMINTO, LANA XIDHIIDH BAAN WELIBA KU ODHANLAHAA GABADHA HUDA AH EE IYADANA DHIBKU KU DHACAY HADAY AVAILABLE TAHAY WEEYE, WALAASHAY RAALI NOQO HADAAN KHALAD GALAY INA CAFI.
SIDAAS BAYNU ISKU OGNAHAY INSHA ALAAH
ASALAAMU CALAYKUM
WAANIYE AMA DUCEYSANE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

difaaca hablaha

Wednesday, September 06, 2000 - 02:24 am
wey ku gu macaantahay waxaana jeclahay in raga soomaalida dhan sidaa loo wada galo waxaana aaminsanahay gabadhaas in aay haysatay dhibaatadey kaaga tagtay waayo hadaana waxba ku sameyna kama aysan tagteen ala fiicanaa wax raga ka aarsada haweeno markaad timaadaan yurub ka aarsada raga sababto ah afrika ayeey silac ku qabeen ee ma waxeyna aarsaniin baa
ragu naaga ajaanibi ah bey ka raacaan hablaha soomaaliyeed ee maxaa looga hadli waayey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shadia

Wednesday, September 06, 2000 - 03:58 am
Difaaca Hablaha:
Orod oo dhakhtar maskaxda u tag. Ciil aad u qabto nin ku xumeeyey daraadi ayaa ninkan dhibaataysan iyo dhamaan nimanka Soomaaliyeed kula dhacaysaa.

Walaal anonymous. Ka tasho qofta ilaahay dumar waa badiyaye.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayaan & Beella

Wednesday, September 06, 2000 - 05:12 am
To Qofka isku magacaabay "difaaca hablaha"
Haddii aan nahay haweenka soomaaliyeed waxaan ku leenahay wax iskula har. Ragga soomaalidu wey na dhaleen weynu guursannay, weynu dhalnay, weyna
inala dhasheen. yaa ku raba haddii aad nimmanka soomalida xumeysid.

To Shadia
Walaasheena shadia waad mahadsantahay, jazaakallaahu kheyran. Inaad waxgrad tahay baa ka muuqata fikraddaada.

To Anon
Walaal allihi ku abuurtay aamin, gabhaha soomaaliyeed ee qiimiga leh ee meel kasta caalamka ah jooga ka daydayo mid wanaagsan oo diin leh iskana illow haeweentaa iyada ah.

By Ayaan & Beella

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WAANIYE

Wednesday, September 06, 2000 - 05:36 am
suaal, anonymous. maxaa kugu dhacay dad badan baa kula taliyeye maad u jawaabtid waxa aad damacsan tahay. waxaan filayaa waad ka tashatey gabadhaas.
waxaana Ilaahay kuu weydiinayaa mid kheyr qabta in uu ku siiyo, AAMMIIN AAMIIN.
ASALAMU CALAYKUM
WAA DUCOQABE, WAANIYE

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaalkaa

Saturday, September 09, 2000 - 09:43 pm
Asalaama caleeykum.

walaal aad ayaan uga xumahay wixi kuugu dhacay
aniga waxaan kuugula talin lahaa taa inaad ku noqoto mar kale ha ku fikirin waan ogahay aad ayeey u dhib badan tahay inaad iloowdo ruux aad jeceshahay, laakiin fiiri dantaada iyo danta caruurtaada.Guurso gabar kale oo aad ku iloowdid
aduunkaan weey buuxaan gabdho Soomaaliyeed oo
rabigooda ka baqaya oo edeb leh kuwaa raadso.Naagtaa waa naag go'aan mar hore kaa gaartay (kaa tashatay) ee walaal iska naftaada ha
cadibin taa dhibkeeda ilaah baa kaa leexiyey ilaah
baa quraankiisa ku sheegay "casaa an tuxibuu shey'an an yakuunu lakum sharran, wacasaa an takrahuu shey'an an yakuunu lakum kheyran"
(Shey aad ha jeclaanina waxaa laga yaabaa inuu shar idiin yahay,sheyna aad ha u nicina, waxaa laga yaabaa in uu iddin fiican yahay) mara walaal
waxaa laga yaabaa inaad hesho gabar baari ah oo malabka ka macaan ee rajada ha dhigin oo ha is waalin (salaadaada iyo baryada rabi badso taas waa
tu adduun iyo aakhiraba khasaartay.
wasalaama caleeykum waraxmatullaahi wabarakaatoh.