Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Tali Walaal - Ask The Experts: Archive (Before Oct. 29, 2000): MAXAA GABDHIHII WADA GAROOB KA DHIGEY:
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Wednesday, September 13, 2000 - 12:50 pm
Waxaa layaab leh waxaa jirta inaan la kulmey gabdho badan oo soomaaliyeed markii hore waxay yiraahdeen waxaan nahay gabdho laakiin markii aan isla gaarney inaan is guursano ayey midwiliba lasoo baxdey sirtii u qarsooneyd oo tiri anigu gabar maahi waa leysoo furey
Waxaan garan waayey in gabdhihii dhamaadeen iyo in aaney dibadaha joogin gabdhihii
laakiin mahaa gabdhaha xiligan garoobta ama carmalka u badiyey waaba yaabe
waxaan ahaa wiil soomaaliyeed oo ku wareerey sidii uu gabadh ku heli lahaa mustaqbalka ay wada qeybsadaan
sidaa iyo nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Wednesday, September 13, 2000 - 10:06 pm
asalaamu calaykum

sababta waxaa waaye ninmanka somalida ayaa maqlay waxbaa la furaa marsay gabdhi ay bil qabaanba furayaan lol laakiin waad helaysaa gabaradiga. ee waxaan ku waaydiiyay adigana ma nimanka somalida kalaad tahay misa gabartaad guursatid nolashhad la qaysanaysaa? lol lol
cafwan kama wado xumaan hadaan qadnahayna waad isixi kartaan waxaan ahay bili adan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nabadkunool

Thursday, September 14, 2000 - 03:44 am
TO: khadijo
WAlashiis waad iga qoslisay lol
waxaan ku awaydiyey kuwa garoowka ah maad ku jirtaa.

To:Mohamed
hadii aan wayo aragnimadayda kaga waramo dumarka aad sheegtey waxay u badan yihiin labo Qaybood oo kale ah
1-kuma intii ay tumasho iyo raxaysi galeen ka dibna halkaa ku wayey gabarnimadoodi kuna andacooda in la soo furay iyagoon maligood la guursan.
2-kuwa si sharaf leh loo guursadey laakiin habkii ay u dhaqan lahayeen ninmankooda garan maayey oo taas sabaab u tahay dhaqankii wadankeena iyo midkan qurbaha oo iskaga darsamey{dhaqandooris uu ku dhacay}.

Ugu danbaytii waxaan ku oran lahaa hadii aad doonayso gabar somaliyeed oo wali bikro ah labadan talo midkood yeel.
1-raadi gabadhaha da'dooda ay ka yar tahey 19 jir ee qurbaha jooga.
2-somaliya u raadso gabar(somaliya ka soo guurso}

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Thursday, September 14, 2000 - 10:13 am
asalaamu calaykum

maya iam still young

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ifraax

Thursday, September 14, 2000 - 11:49 am
To Mohamed

Marka hore salaan. Marka xigta Gabdhuragoodiibey wayeen

Takele been baad kusheeg tey naag soomaliyeed oolasoo furey baa inan iskuga key dhigtey

Takale Garoob baan ahey waanan kufaraxsanahey inaan ka baxo dhibaatadan kujirey.

Ilaahey waxaan kaaga rajey nayaa inaad lakulanto inan fiican.
Mahad sanid.

To Nabadoon.
waxbahaka sheegin dumarka somaliyeed
markaad raga la talineysa don't tell them to be child abuse.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabar xaas ah

Thursday, September 14, 2000 - 05:34 pm
assalaamu caleykum.
Wax yar ayaan ku darilahaa taladii walaalkay nabad ku nool.Waan ku raacsanahay labada qeybood oo uu u kala saaray in ay sababaan garoobnimada gabdhah soomaliyeed.Laakiin taladii waxaad ilaawdey midkale oo ah hadii uu nin diinleh yahay wuu helli karaa gabar fiican(asturan)oo dadii aad rabto ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Thursday, September 14, 2000 - 05:58 pm
To: Khadija
Aad ayaad ugu mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad taladaada iigu deeqdey
runtii aad ayey u wanaagsan tahay inuu qofku helo talo ku wanaagsan mushkilada heysata
waxyaalaha aad sheegteyna way jiraan aad ayaan kaaga mahadcelinayaa taladaada walaal
waa mohamed oo kuleh thanks Illaahay hakaa abaal mariyo sida aad iila soo talisey byeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Thursday, September 14, 2000 - 06:03 pm
To Ifraax


walaal aad ayaad ugu mahadsan tahay
sida aad isugu deydey inaad illa soo taliso
laakiin marka aad leedahay gabdhuhu ragoodii
ayey waayeen taas kuguma raacsani waayo ragii waa diyaar ee waxaan jirin sida aan horeyba usoo sheegey midii ay doonayeen
taas oo noqon lahayd midii uu noloshiisa mustaqbalka la wadaagi lahaa
wasalaamu caleykum
waa walaalkaa mohamed sidaa iyo nabad gelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Thursday, September 14, 2000 - 06:09 pm
To: Nabad ku nool


Aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida qiimaha leh ee aad isugu soo hagaajisey maqaalkaaga
walaal taladaadu aad ayey u wanaagsan tahay
waana ka fiirsan doonaa waxa aan yeelayo
Illaahay ayaan kaaga baryayaa inuu kaa abaal mariyo taladaada aad iisso jeedisey iyo waqtigaaga qaaliga ah ee aad isoo hurtey
waxaan kuu rajeynayaa inuu illaahay kheyrkeeda
ku siiyo wasalaamu caleykum
waa walaalkaaga Mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Thursday, September 14, 2000 - 06:22 pm
To: Gabar xaas ah


Walaal waad mahadsan tahay marka hore
marka labaad waxaan ahay wiil soomaaliyeed
oo muslim ah waxaana doonayaa sida aan horey u sheegey
gabar soomaaliyeed markaa waad ogtahay in soomaalidu 100%ay tahay muslim
sidaa darteed waxaan kugu oran lahaa kelmada ah
hadii uu muslim yahay meesha ma soo gasho
wasalaamu caleykum
waa walaalkaa mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Thursday, September 14, 2000 - 06:30 pm
To: khadija


Marka hore salaan walaal

marka xiga waxaan kuleeyahay nimanka soomaalidu waa minankiinii gabdhaha soomaaliyeed markaa hadii ay qaldan yihiin qaladkooda waa sheegi kartaa laakiin inaad tiraahdo ma nimanka soomaalidoo kalaad tahay haa nin soomaaliyeed ayaan ahay walaal
xaga furiinka illaahey baa iga og anigu kuma oranaya qaladka dumarka ayaa leh raga ayaa lehna malihi ee waxa weeye aruntu maxaa dumarkii garoob kawada dhigey taasna jawaabteeda weli imaad siin
waxaase aan kahelay walaalahayga kale ee soomaaliyeed ee halkan talada iigu sooqorey
Adiguna waad mahad san tahay
su'aal waxaad tiri anigu waan yarahay taas macnaheedu waa maxay?
wasalaamu caleykum
walaalkaa mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleekha

Friday, September 15, 2000 - 05:21 am
Marka ugu horeysa waan ka xumahay in gabdhaha soomaliyeed laga dhigo kuwa takooran oo hadey dhacdo in mid gabarnimadeedii lumiso lagu caayo laguna naco ma la is weydiiyey in uu jiro wiil bigro ah? ( hana i oranina wiil dhibaato ma leh oo taas waa dhaqan la mid ah key ku noolaan jireen asxaabtii wanaagsaneed oo ku dayashada laheed diinta ka hor wey aasi jireen gabdhahooda kadibse wey ka tageen caadadaas) mise diinteenii wacned oo ilaah noo soo dajiyey baad badaleysaan? sow macsido isku si wiil iyo gabarba danbi ahan diintu uma aragto wiil iyo gabarba marka wiilasheenii soomaliyeedow iska daaya macsida waad heleysaan gabdho wacaneeeeeeeeee..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Friday, September 15, 2000 - 11:32 am
aslaamu calaykum

maxamed waan yarahay maxaad kawada ayad i waydiisay . anigana bal an adiga ku sii waydiiye wan yara hay waxa laga wado mataqaanid miyaa. anyway waxaan ka waday garoob ma ihi oo wanba yarahay waqti aan garoob noqodo ma gaarin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hebel

Friday, September 15, 2000 - 08:39 pm
Armaa Canbarkii la af garan la' yahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Saturday, September 16, 2000 - 05:01 am
comments to suleikha
waa runtaa walaashiis ma jiro wiil bikro ah,maxaa gabdhaha loo raadiyaa mid bikra ah kaliya?miyaysan iyadaba raaxo ubaahnayn ma labaatansano ayay xirxirnaan kartaa ilaahbaa na lehe?
caddaaladda yaanan laga tagin!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Saturday, September 16, 2000 - 07:20 am
asalaamu calaykum

walaal ilaahay u soo noqo oo waxad ku hadlayso ka fiirso way jiraan wilal badan oo xaranka iska ilaaliyo iyo gabdho badan oo xaranta iska ilaaliyo marka inaada tiraahdid maaha ma labatan sanay xirxiraan karaan. bal aan ku waydiiyo suaal ya kula fiican kuwo xaran iska ilaaliyay iyo kuwo xaran sameeyay,.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ama

Saturday, September 16, 2000 - 07:24 am
asalaamu calaykum

hebel maxad ku hadashay adeer ama edo ama hooyo ama aabe ama inadeer ama waryaa ama nayaa ama abaayo ama aboowe ama ama ama ama ama ama mama mama maama mama maam ama somaliyay somali somali somali somali somali somali i cafiya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Saturday, September 16, 2000 - 03:01 pm
To Dr
walaal hadalka aad ku hadleyso ka fiirso
soomaalidu waxay ku maahmaahdaa hadal aan laga fiirsan iyo caano aan fiirsi loo dhaminba dhuuntey waxyeelaan
waxaan ku oran lahaa illaahay ka baq
dumarka iyo raguba waa iney iska ilaaliyaan xaaraanta iyo macsida labadoodaba waa laweydiinayaa aakhiro
asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Saturday, September 16, 2000 - 03:09 pm
TO KHADIJA:


Asalaamu caleykum salaantu waa waajib saaran qofka salaan kadib aad ayaad ugu mahadsan tahay sida aad u tusaaleysay Drka inuu illaahay ka cabsado
mida kale waxaa wanaagsan in leys waaniyo marwalba illaaheyna loosoo noqdo
sida aan hadalka u dhigey ama u qoreyna waxay ahayd maxaa gabdhihii garoobada kawada dhigey ee maaheyn maxay macsida u sameeyeen
ma oran gabdhuhu way macsiyeysteen ee waxaan iri gabdhihii waxay u bateen garoobo oo arki meysid hadii aad raadiso gabar bikro ah waayo aniga ayaa aad iyo aad u dooney ilaa iyo hadana raadiskeedii ayaan ku jiraa sidii aan ku heli lahaa gabar soomaaliyeed oo weli gabar ah
walaal waad mahadsan tahay taladaada iyo waanadaada
wasalaamu caleykum
walaalkaa mohamed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

colaad

Saturday, September 16, 2000 - 04:49 pm
gabdhahoo dhanbaa?hadayse jiraan kuwo haray maxaad u raadsanweydey kuwaas?hadii kale dhibkaaga xadid oo sheeg in aad raadinayso gabar gabar ah oo halkaan xiriir kugula yeelata ayana waa fikrad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, September 16, 2000 - 07:37 pm
Waxaan ahay gabadh somaaliyeed oo dadiidu tahay laba iyo labaatan jir. Aad diinta uguma fiicni laakiin waxaan jecelahay inaan ku dhaqmo, waxaanan jecelaan lahaa in aan laa kulmo wiil ssomaaliyeed oo aad diinta ugu dhaqma igana caawiya sidii aan u baran lahaa, haddii eebe gartana anu kawada hadalo guur. Waxaa suurtooda gabdho badan oo aniga ila mid ihi inay ka cabsanayaan siday rayigooda u dhiiban lahayeen marka la eego dhinaca guurka. Markaa waxaan jecellahay in aan boggan furo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Sunday, September 17, 2000 - 06:27 am
To anonymous

Asalaamu caleykum waraxmatu laahi
waxaad ka hadashey dantaada wayna fiican tahay inuu qofku dantiisa sheegto markaa waad heleysaa wiil soomaaliyeed oo diinta yaqana kuna dhaqma hadii ay daacad kaa tahay laakiin horta halkee ayaad joogtaa taas ayaa muhiim ah
mida labaad wa runtaa waa laga yabaa iney jiraan gabdhobadan oo ka xishoonaya iney dantooda ka hadlaan ama ay sheegaan waxa ay doonayaan
taasina waa wax dumarka lagu abuurey waxaan marlabaad kuleeyahay isa soo sheeg halka ad joogtid si qof walba oo daneynaya uu kuula soo xiriiri karo sidaa iyo nabad gelyo
walaalkaa mohamed wasalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nabadkunool

Monday, September 18, 2000 - 02:30 am
TO:mohamed
A/calaykum
Salaan ka bacdi walaalkiis adaa mudan ilaahay ha kuu fududeyo arimahaaga aduun iyo aqiraba.

TO:khadijo
salaanta islaamka (a/calaykum) ka bacdi walashiis waan kula kaftamayey ee TAKE IT EASY.ee i cafi walaal.

TO:Ifraax

salanta islaamka (a/calaykum)ka bacdi
walashiis aniga kula talin walaalkeen mohamed in uu guursado caruur,laakiin waxaa kula taliney in uu guursado gabar qaangaar ah.
sida aad og tahayba (child abuse)ma aha sida ay diinta islaamka ay qabto hadii ay gabadha qaangaarto(caado u timaado),ee iska ilaali in aad qadato cadooyinka reer galbeedka ee wax u dhimi kara caqiidada islaamka ah.
hadii aaaan qalad u fahmay waad i sixi kartaa,
ilaahay anagoo dhan jidka toosan hanu hanuuniyi AAAAAmiin AAAAAAAAAAmiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mahad

Thursday, September 21, 2000 - 02:09 am
Ku:Mohamed
Salaan kadib, su aashaada maxaa goroobka ubatay ah walaal dumarka ragaa fura ee ayagu isma furin ragii waxaa lagu arkay dul qaad xumo walaahi hadaad arki lahayd wax gar aanu galnay gabdha wax lagu furay waad yaabi lahayd walow xalafku labada qof haduu dhamaado laysfuro. Mida kale waxan kugula talin lahaa in aad guursato gabdha garoobkaa waxa ku jira barakoin aad ku dagto ayeyna u badantahay.
Ku: Anonymous, waa rayi fiicane waxan ku oran lahaa anigu xaasle iyo labacaruurle ayaan ahay wali guurdoona baryahan danbe dadkii dabi ayey kadhigeen guurka labaad marka anagana hanalaga warhayo illaa afar in aan gaarsiino ayaana jeclahay garoob iyo gabarna baabku waa ufuranyahay
Nebadey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DR-TROUBLEBOY

Friday, September 22, 2000 - 09:33 am
COMMENTS TO MOHAMED AND KHADIJA
DHAMMAAN SOOMAALIDA MARKA RUNTA FARTA LOO SAARO AYAY MALE IYO ILAAH KA CABSI U BAYDHAAN ILAAH HADDAAN KA CABSO ISMA AYNAN QALQALNEEN,ILAAH HADDAAN KA CABSANO 12SANO QORI ISKU AYNAAN HAYSANEEN.AAN USOO LAABTO QODOBKAAN RABAY INAAN KA HADLO HADDAAN ILAAH KA CABSANO DUMARKA MAYNAAN DHUFFAANEEN,INTAYNU SUNIHII NABIGA KA LEEXANNO FIRCOONI MAYNAAN DOONANEEEN TAASOO SOOMAALIDU UTAQAAN BIKRO BALSE AYSAN AHAYN BIKRONIMADU WAA XUUB HOOSE MAAHAN DABARKAN SARE,DABARKA SARE WAA MID LAYSKU WAXAYKARO IN KABADAN 10JEER.
ILAAH KA CABSADO(RAGGA)(NIMANKA)INTAAS 100 BIKRO SEEJISAAN YAANAN HADANA BIKRO LADOONIN....
MAHAMADOOW INA'ADEER GABDHUHU WAYISKA DOONAYAAN IYABA ILEEN ILAAH KA CABSIGA WAXAYNU INAQAAN SALAADOO LA TUKADO SOON,SAKO 10SANO MAR LA BIXIYO XAJKOO MARKAYNU GANACSI USOCONO AYNU SOO YAR MARNO...............LAAKIIN NABIGU WUXUU YIDHI(INNA TAQWAA HAA HUNNAA) INTUU SHAFKIISA(LAABTA)GARAACAY SADEX JEER................
I'WILL BE ON LINE GUYS

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Friday, September 22, 2000 - 09:40 am
asalaamu calaykum

walaal waan ognahay waxaas dhan laakiin hal sual aan ku waydiiyo adiga ma waxad rabtaa inay gabdhaha sinaystan? misa ilaahay ka baq hadii la dhaho waa ceb? any way ilaahay ha noo naxariisto.wax kalan dhaho ma garanaayeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DR-TROUBLEBOY

Friday, September 22, 2000 - 09:41 am
MAXAMED AAN KU WAYDIIYEE ADIGU GABADHA AAD DOONAYSID MA'UQALANTAA?WAXAAN KA WADAA MAZINAYSATAY WALIGAA????
KHADIJA
HADDAAD ILAAH KA CABSANAYSO YAA XAQ KUU SIIYAY ANOO NIN AH INAAD ILA HADASHO?ILAAH INTAAD KA CABSATO ....CODKAAGA HOOS UDHIG.....MEELNA FADHIISO..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADIJA

Saturday, September 23, 2000 - 09:59 am
asalaamu calaykum

walaal yaa kugu dhahay ma banaaba inay gabar nin la hadasho? suaal kale aan ku waydiiyee ma codkaygaad maqlaysaa waa maya wayna fiicantahay innan waxii qalad ah iska celino. marka walaal hadaan kugu xad gudbay iska kay cafi walaal. raali noqo100% take it easy.walaal khadija

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Saturday, September 23, 2000 - 11:03 am
TO DR troubleboy
Waan kusalaamey marka hore marka labaad adigu waadigan dadka wacdiyayee horta ma isu fiirsatey magaca aad sidato maba aha magacyada ISLAAMKU
la baxaan marka aad dooneyso inaad qofwax tusaaleyso adigu waa inaad marka hore isa soo saxdaa oo aad qaladkaaga muuqan kara aad soo hagaajisaa
mida kale gabadha haku dembaabin yaase kugu yiri dumarku raga lama hadli karaan
waxaad u baahan tahay inaad diinta dib ugu noqoto
intaas ayaan ku oran lahaa
sidaa iyo dood wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Saturday, September 23, 2000 - 12:14 pm
comments to khadiija
waalaga fiican yahay in gabadhu lahadasho nin haddaad daliil u baahan tahayna waa laguu keeni huunno.
comments to mahamed
waxaan maqlaa malcolm aa islaamay wuxxuu la baxay al-fulaan ibnu alfulaan,john aa islaamay wuxuu la baxay omar .......badalaada magaca miyay tahay mid laabta ku xidhan?maya.
saaxiib magacayga maahan taan ka hadlaayno diinna iima sheegaysid sxb,haddaad diin taqaan kama aadan hadasheen wax yaalahan oo kale...seef la bood hanoqon qunyar sxb...
I love dood....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Saturday, September 23, 2000 - 12:18 pm
comments to mohamed
marka danbe aad soo jwaabaysid waxaan rabaa jawaabta su'aashaan kolkii hore ku waydiiyay.
aan ku xasuusiyo waa su'aal ku qoran qoraalkii aan qoray 22..........allah ka cabso ..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Tuesday, September 26, 2000 - 08:11 am
To dr trouble boy
Marka hore salaamu caleykum
marka labaad sida aan horey kuugu sheegeyba islaamku magacyo ayey leeyihiin magacyadaas oo lagu garto qofka islaamka ah
marka aad leedahay hebel baa islaamay oo loobixiyey magac islaam
waasax qofka kaafirka ahi hadii uu islaamo inuu qaato magac muslim
laakiin suaal kale ayaa halkan taalo
adigu waadigan magacii islaamka bedeleye miyaad islaamkii ka baxdey
waayo sida aad sheegtey marka gaalku diinta soogalo macac muslim ayuu qaataa
adigu mawaxaad qaadatey magac gaal oo diintii ayaad ka baxdey waa suaal adiga ayaana isku furfurey suaalahaas oo dhan adiga ayaana lagaa doonayaa sidii aad uga baxsan laheyd
anigu waxaan ahay muslim i am proud to be a muslim .
so i will wait your answer byeeeeee
Alhamdu lillaah
illaah baa mahad dhamaanteed iska leh sharafna nabadgelyo iyonaxariisi korkiisa ha ahaatee rasuulkeenii mohhamed ayaa iska leh
dood wacan
byeeeeeee for now

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saalax

Saturday, October 14, 2000 - 06:13 am
gabdhaha yaan la waabsan raguba waa wada garoobo.
waagii hore waxaa jiri jirtay in wiilka iyo gabadha is guursanayaa ay yihiin bikro, lakiin wakhtigaan waa u dhamaatay wax bikro layiraahdo haba u darnaato dibadaha. gabdhaha jooga dibada waxay arkaayaan gabdho saxibo leh kadib way kacsadaan. markaas bay waxay raaadsadaan wax wasa ayagoo badanaaa ay bikro jabiyaa rag aan somali ahayn, hadii aan nahay raga somaliyeed oo aanu aragnay gabdhahayaga in balaayo wasayso baa waxaa qasab nagu noqotay in tii soo kacdaaba aan ku boodno oo ku leefno, waayo gabdhihii somaliyeed 85% beertay galayaan oo waxaa wasaya ajnabi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DR-TROUBLEBOY

Saturday, October 14, 2000 - 04:39 pm
COMMENTS TO SAALAX
SXB KAN U SHEEG(MOHAMED)RUNTA,INTUU ARLA OO DHAN SOO GUBAY BIKRADA DOONAAYA.
COMMENTS TO MOHAMED
SXB BOODBOODKA DHAAF MAGACAYGU MAAHAN WAXAAN KA HADLAYNO WAXAAN KA HADLAYNAA WAA NIN GAROOB AHI INUU BIKRO RAADSHO WAA KHALAD WAXAAD U WAYDAYNA WAA ADIGA OO AH GAROOB,SXB WAQTI YUUSAN KAAGA LUMIN RAADINTA BIKRO EE ISKA RAADSO SXB-BADAHAAGII HORE.
TAN KALE AAN DHAHAY HEBEL BAA ISLAAMOO ISXAAQBUU LA BAXAY,AAAN KU SU'AALEE WAADIGA ISK DHIGAY XARIIFKEE MAXAAD DALIIL U HAYSAA IN QOFKII ISLAAMAA UU MAGAC ISLAM LA BOXO?
MAGACYADA ISLAAMKU WAA MAXAY?KUWAN CARABTA MIYAA LEE?
JOHN HADDII LAYDHOHO ISLAM MA AHAAN KARI MIYAA ANOON LA BIXIN CUMAR FAARUUQ IYO MAHAMED AXMED BOQOLSOON IYO ALI SAALAX AALA NAHYAAN.
YAABBAA LEEDAHAY LAAKIIN HALKANAAN GANBAR GAABAN KUUGU FADHIYAA WALAALKIIS.
ILAAHBAA MAHADLEH ISIIYAY WAQTIGAN IINA SUURA GALIYAY INAAN KU BURSADO,NAXARIISI NABI MAXAMED CALAYHISALAATU WALAAM.
WAAN KU SUGAA MAWQIFKAYGANA WAAN KU ADKAHAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

storyteller

Saturday, October 14, 2000 - 08:18 pm
Horta anigu waxaan la yaabaa maxaa hadii gabar la furo seemberi iyada qaladka loo saaraaa? maxaa gabarta garoobka ah looga dhigaa gabar reerkii dhaqanweeyday? aniga waxeey ila tahay in rageena qaarkkod eey eeda lee yihiin taasna waxaa tusaale u ah:
1- rag badan oo aan jaadka afka ka qaadin oo dhoowr maalmood marqaan ah bal kaas yuu nin u noqonaa?
2- waxaa jira kkx kale oo iyaga aaminsan ineey naagta guriga maxbuus ku ahaato iyagana eey soo baashaalaan, hadeey ahaan laheeyd: banooni soo dheelid, club aadid, aroos aadid iwm.
iyo kuwo aananba masuuliyad qaadi karin oo aqoonin macnaha guurka. waxaan kusoo dhameeynaa sheekada yaan garoobka iyaga lee qaladka la saarin sidii (nin iyo naagtii is furaba naagtaa qaldan, wixii xunba xaawa lee miyaa?

wixii raba in la heshiisiiyo aniga ha ila soo xiriiraan, maadaama aan ani dad badan soo heshiisiiyay lol

peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wiilka sanadka

Saturday, October 14, 2000 - 08:23 pm
to storyteler

qof yahay waaba kaa shekiyee adi garoob maa tahay?

don't get me wrong sis just asking.
peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

storyteller

Saturday, October 14, 2000 - 08:25 pm
To: wiilka sanadka

hell no i'm not garoob and i'm not a sis too fool.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muqayil

Saturday, October 14, 2000 - 08:27 pm
heey yo storyteller or whatever ur,, cut ur bullshit and don't insult brothers.

to me ur fictionteller dude,,,,,,,,

peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

storyteller

Saturday, October 14, 2000 - 08:32 pm
TO: muqayil

why r u upset bro? r u muqayil who have no time 4 his wife? or did she already left from u? lol

anyways i expressed my point of vieuw so if that has hurted u, there is nothin' i can do about it.

i'm out like MJ. i mean micheal jordan lol@@@

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, October 15, 2000 - 05:34 pm
comments to storyteller
waad salaaman tahay ugu horayn,intaas ka dibna waan kugu raacay ra'yigaagii ahaa yaan la saarin khaladka naagta kaliya ee waxaa jira rag fara badan oo dhaqan karin reenkooda,balse hal wax ayaan kugu khilaafay abaayo kaasina yahay number-kaagii labaad odhanaayayna qaarbaa aaminsan in dumarku maxbuus ku yahay guriga iyagana(ragga)aadaan banooni dheel ,club iyo aroos....iwm,marka abaayo dumarku xagay aadaayaan banooni dheel,club iyo aroos inay ka soo dheesho miyaa ?gabar gurigeeda laga waayay abaayo waa foolxumo gurigaa khayrku idiinku jiraa.
comments to mohamed
ku aawayna?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, October 15, 2000 - 05:56 pm
comments to mohamed
su'aashaadii aan kaaga jawaabo sxb.
markii nabiga(scw0lasoo diray waxaa laga soo dhex saaray qoomkiis oo ahaa kuwo mushrikiin ah caabudana wax ay iyagu gacmahooda ku samaysteen kuwaas oo isla markaa la'odhan jiray,cabdullaahi,cumar,cabdulmudalib,cali..iwm,saan kor ku xusayna ay ahaayeen mushrikiin markii ay islaameenna kuwoodii ayay hayteen,bal aan soo qaadano nabiga(s.c.w) aabihiis waxaa la'odhan jiray cabdullaahi wuxuuna ahaa mushrik kuna dhintay mushriknimadii marka maxamadoow magac badalaadii wax islaamka lagu haayo maahan waa wax yaalaha dadku iska jeclaadaan,ninkastaana awood ayuu uleeyahay inuu magaciisa badalo laakiin islamnimadu waa wax qalbiga ah sidaan hore ugu sheegayba anoo daliishanaayay xadiith-kii nabiga(s.c.w)ee uu yidhi"inna taqwaa haa hunaa,isaga oo laabtiisa garaacay sadex jeer"marka sxb waxaan umalaynayaa inaan su'aashaadii kaaga jawaabay iyadoo dhan,balse taydii ayaa ku sugaysa.

comments to salax
waxaad tidhi gabdhihii ajnabi ayay raaceen waxaan ku waydiiyay adiguba sow maadann raacin?
aynu dhammaan ilaah ka fogaanaye aynu unoqono wadada xaqqa ah daynana dhaliilida qaarkeen qaar kale dhaliilayo.
ilaahay dhammaan hay nahadeeyo,ilaahay ayaa xadiisul qudsi ku yidhi"adoomahaygiiyoow dhammaantiin waad lunsan tihiin,anaana dhaafa danbiyada ee iwaydiista danbidhaaf aan idiin danbi dhaafee.....ilaa aakhul tadiith"
marka dhammaan ilaah aan u noqono...
byyyyyyy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FREEMAN

Monday, October 16, 2000 - 02:23 am
TO:MOHAMED!!!
Waxaa garoob kawada dhigay ii maan la'aan!!!
FREEMAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

storyteller

Monday, October 16, 2000 - 10:24 am
i'm a man drtroubleboy,,,,,,, a big man aight,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, October 16, 2000 - 12:26 pm
Salaan ka dib
Hadii aad guur doonthay,oo aad waliba aad rabto gabar aad noloshaada la qaybsato,ha u eegin in ay garoobtahay iyo inkale.
sabbata aan sidaa kuu leeyahay waxa aytahay,lama hubo in gabadh bikrad ah oo aad marak horaba ku dooratay in aanay waligeed wax arag kuu buuxin karato waxa aad rabto.
Habalahan somaaliyeed ee aad ku sheegayso garoobta amaba ah ha moodin in gidigood khaldanyihiin oo khalad ay galeen lgu soo furay,qaar baa nasiibkoodu xumaaday oo rag aan u qalmim ku hugoobay kadibna lakalatagay.

Fadlan labada ka dhexraadi tii kuu qalanta hadii aad daacad tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

siman

Tuesday, October 17, 2000 - 03:39 pm
to:mohamed horta maxamadoow hadaad si daacad ah gabar u raadineeyso alaha kuu sahlo gabar aad iyo aad u fiican oo aad is fahantaan. teeda kale gabdhaha umada wada badna garoob qaarka aad aragtayna waa kuwo ama rag xumeeyeen oo aay dhiqi waayeen,kuwo iyagu ku xumaaday ragoodii oo la furay, iyo kuwo calafkoodii dhamaadayba, marka gabdhuhu ma wada aha garoobe calafkaaga alaha kuu sahlo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, October 17, 2000 - 11:14 pm
runtii waa sheko caja'iib baddaan lakiin
su aashan iga jawaab: ma weeydisay ineey gabadhu
la furay laguuna furay ISBITALKA,?????
adiga meqaad horeey uso fuushay???
misee adiguba bigraad aheeyd, marki ay kula kulantay inanta???
hadaaba aniga horey ula kulmay dhibatada haysata gabdhaha,waxaan run ahaanti la kulmay gabaar,
aay caadadaa ku istaktey ee marki uu dhaqtaku furay dhigeedi la celin wayeey adigana wxaad ka hadleysa mid luguu furay adigon dhibmariin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

storyteller

Wednesday, October 18, 2000 - 12:48 pm
lol anonymous see camal halaguu fura aa abaa ani maxaan qabanaa marka la ii furaayo,,,, weli keeyga ma jilcin lol,,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

warka cadeeye

Saturday, October 21, 2000 - 02:52 pm
to mohamed
walaal aad u mahadsantahay waxaana kaa dareemay inaad tahay nin gayaan raadis ah laakiin waxaa ku gu jira baqdi ee gabdhahaan ku latalinaaya waliba qofta leh wali waan yarahay oo garoob magaarin isku rog oo runta u sheeg ilayn runtu raga kama nixisee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Sunday, October 22, 2000 - 09:18 am
comments to storyteller
sxb raali ahoow,i didn't mean it.
byyyyyyyy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SOMALI

Sunday, October 22, 2000 - 09:48 am
Ya;ll reer aqiraad..freakz

To Mohamed
How do u know, about what u have suggested ya lost freak?

Or nigga ya trying to act like ya saw everybody..peace of trash.

Next time ppl when u want to suggest something, suggest something that is reasonable and argueable....instead of destroying the Somali Women's name......ya made us all......bitchez......ya fucking GAY LORD.

AND WHAT EVERYBODY DOES IS THERE DAMN BUSINESS....BETWEEN GOD N THEM...NOT UR DAMN ...CHICKEN LEGZ AZZ...BUSINESS......AIGHT.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali g

Monday, October 23, 2000 - 04:31 am
to mohamed.Walaalo waxaan ku waydiinayaa maxaad u jedaa hadii aad rabtid gabar edab leh ama wacan doonta mid yar ama ku noqda somalia.Markaa micnahaagu waa inan kasta oo london jootaa waa isku mid.Aan kuu sheego london waxaa ku nool hablo ciida ka badan oo haysta edab.Hase ahaatee adogu miyaanad lehayn hablo aad ama walaalo tihiin ama aad wax isu tihiin. Miyay yagu ku xumaadeen wadankan.Waa run oo imika hablo badan oo xumaaday way jiraan lakiin wali way buxaan ku wo dhaqankoodi iyo diintodiba haystaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Tuesday, October 24, 2000 - 02:43 pm
To somali g
Horta salaan ayaan hawada kuusoo marinayaa salaan kadib aad ayaad ugu mahad san tahay taladaada iyo sida aad waqtigaaga qaaliga ah iigu hurtey
Sida aad u jeedidna waxaa halkan ka hadley gabdho badan oo aan fahmin macnaha weyn iyo ujeedada ka danbeysa maqaalkan aadka u dheeraadey
laakiin waa kuwaas iyo kuwo kale oo fara badan kuwa hablaha soomaaliyeed qiimahooda iyo sharaftooda ku ciyaaraya
hadii aad sideedaba dooneyso inaad qof jawaab siiso adigoo aan aflagaadeyn ama caayin ayaad u jawaabi kartaa laakiin gabdhihii xishoon jirey
sidaa wiilasha ulama hadli jirin ama hadalkoodu sidaa uma taagtaagneyn
Qiimeyn iyo sharaf ayaa leysku dhaafaa suaashaada ah miyaaney gabdho kula dhalan wey ila dhasheen wayna wada guursadeen oo weyga asturan yihiin
mana aha hadii aan idhi maxaa gabdhihii garoobka ka dhigey waa wax jira wel8i suaashaas qof sidii ay aheyd uga jawaaba weli mahayo.
dhamaantiina waad ku mahadsan tihiin sida aad isugu deydeen arintaas
inaad jawaab kasoo bixisaan
S a laan dhamaan
intiina sida sharafta leh iila soo talisey
wasalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WIIL-SOOMAALI-AH

Tuesday, October 24, 2000 - 11:25 pm
Waa war kooban


raganaga soomaaliyeed markaan islaynay oo aan ragii iska dilnay macnadaro ayaa dumarkanagii banaanka ku soo dheceen oo ay garoob iyo mid rag wayday noqdeen.

EE WARYAA EEDA BEEN TAA ISKA DAA OO WARKA RUNTA KASHEEGA OO GABDHAHA HA WAABSANINA OO HANDADAAD BEEN AH OO AYDAN AWOOD ULAHAY MEESHA HAKENINA.


RAGII LAYAQAANAY NOQDA OO SOOMAALIYEED DUMARKANA RAADSADA.


GABDHA HA TOODA DHABHAHAAN U DAAYAY.

WASSALAAMU CALAYKUM WARX MATULLAAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xirsi

Wednesday, October 25, 2000 - 01:28 am
TO; Gabdhaha Somaliyed,


Waad salaman tihiin dhamaan,

talabaad gabdhaha garoob inay noqdaan waxaa ugu wacan guurka degdeg ah oon marka hore laga fiirsan, marka talo ka fiirso ninka aad guursanayso, ninku toban guri haduu ka burburo dhib saas ah ma gaarayso, laakiin waa gabadha ta ladhahaayo waa garoob hadday nin kala tagaan.......

waad salaamantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dr-troubleboy

Wednesday, October 25, 2000 - 01:01 pm
comments to mohamed
sxb jawaab gaaban aan kaa siiyo su'aashaadii ahayd
(maxaa gabdhihii wada garoob ka wada dhigay?)
jawaabtuna waa (ragbaa sidaa u galay aad ka mid tahay).
peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

storyteller

Wednesday, November 15, 2000 - 12:48 pm
i'm a man

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wasakh

Tuesday, November 21, 2000 - 10:31 am
i don't give •••• who you are loser.
why don't you get lost.