    Axmed Yare | Friday, September 15, 2000 - 02:20 am Waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo ku nool Yurub. Waxaan is guursanay gabar Soomaaliyeed qaraabo koraadna nahay. Gabdha ma xuma oo waa qof la dhaqan karo haba kululaatee. Illaahay wuxuu na dhexdhigay caruur qurux badan oo indhaha lagu dhameyn karin. Waxaan gabadha wada noolnahay in ku dhow toban gu'. Gabadha hooyadeed ayaa wadanka nala joogta oo weliba meel aan naga fogeyn degan. Dabeecada iyo dhaqanka habartu waa mid qalafsan. Dabeecadan waa mid lagu yaqaanay laakiin waxaan is lahaa hadey gabadhu ku jeceshahay habarta isma arki doontaan. Islaanta waa qof jecel iney ku maamusho sidii caruur oo kale. Waxay isku daydaa iney hor-istaagto inaan cid kale booqano ama nala soo booqdo. Waxay jeceshahay inay gabadhu subaxdii u timaado habeenkiina kasoo hoyato. Wehel la'aani ma heysoo gabdho badan oo ay dhashay ayaa la jooga. Haday Islaantu gurigayga joogto, telefoonka way ku demisaa haduu soo diro qof iraadinaaya. Anigu waxaan hadal wanaagsan aheyn kuma dhaho, hasayeeshee, iyadu wax iilama harto. Hadaba walaalayaal maalinba maalinta ka dambeysa arinta wey sii xumaaneysay. Aniga iyo xaaskeyga dhaqankeenii wuu xumaaday Islaanta darteed. Dhibaatadaan waxay taabatay caafimaadkeyga. Waxaa igu dhacay dhafar, wel-wel farabadan, wadna xanuun. Qeyb nafetyda ka mid ah ayaa waxay ileedahay "maadaama aad dhibaatadaa faraha badan la kulantay maad kala nasataan adiga iyo reerkan" hasayeeshee, qeybta kale ee nafteyda ayaa waxay ileedahay "Xagee ayaad uga tageysaa caruurtaadan quruxda badan oo weli wadan gaalo jooga". Hadaba Soomaaliyey maxaa ila gudboon inaan sameeyo. Go'aanka kama dambeysta ah waa mid aniga ii yeela, laakin waxaan rabay talo iyo tusaale waxaad heli kartaan inaad igu caawisaan. Laga yaabee inuu jiro qof soo maray dhibta i heysata mid la mid ah. |
    mudan | Friday, September 15, 2000 - 06:14 pm walaal axmedyare arintaada aad ayaan uga xumaaday''runtii ahadii la fiiriyo xag dhaqan iyo xag diinba kuma maamuli karto''maxaa yeelay sodohdu maaha inay qoyskaaga soo faro gashato''maadaama ay hooyadeed tahay gabadha aad qabto ha u sheegto runta oo ha dareensiiso'' in laka mudan yahay'ciso//oo ha iska dhaafto waa hooyadeeye'sideen yeelaa?sidii soomaalida badan kood aay ku dhaqmaan.ogowna inay diinta dhigayso ''alwaalideeyni ixsaanak ilal axsaan'''ooaayna kugu lahay inay noloshaada ciriiri galiso haday intaas kaa diido xaaskaaga u sheeg inay nolosha kala taga ah ay dhibaato leedahay''tusna inaad go'aan gaari karto mudo yarna ka maqnaaw''wabilaahi towfiiq |
    Hooyo halimo | Saturday, September 23, 2000 - 06:34 pm Ku:Axmed Yare Salaam Calaykum I feel sorry for you, but let me tell you one thing, This problem is not unique. A lot of people either husbands or wives suffered this kind of harrassment for their in-laws especially the mothers. My advice to you is; Sometimes you have to make sacrifaces and in this case if you really llove your family you have to sacrifice your self to them. Waxaan uga jeedaa somaalidu waxay ku maahmaahdaa "Ninkaad weyeyso Eygiisa ayaa la wiyiyaa" which meeans ifyou love someone you have to respect even his dog. In your case your mother-in-law is the grandmother of your beautiful children and keeping this in mind, Let it go. I know it is hard but try your best and I can undeerstand it is not easy to take that much interference or disrespect but beleive me two wrongs does'nt make right. Ogow Qaladka Qalad laguma Saxo, Qofka kugu gefa haddii aad waanaag tustid isaga ayaa marka daanbe isku xishoonaya.I am sure she will later realize her mistake and leave you alone. Please dont leave your children no matter what. I am a mother of five daughters, and a future mother-in law. and I am very sorry to hear the story of this kind of a mother who labels a bad picture to the mother-in-laws generally. Good luck |
    mahad | Monday, October 02, 2000 - 09:50 pm waan ku salaamay walaal ahmed yarre.waana aqristay sheekadaada .walaahi waxaa tahay nin aad iyo aad u caqli badan .intaanan ra, yi ama talo kaa siin arrintaada.waxaan rabaa inaan kula xiriiro hadii aad rali ka tahay?arimaan ku haysta midka darran ama u dhawdhaw ayaan i qabsay midkii shalay i haystay wuxuu ii noqday jano.marka aan kuu sheego sheekada igu dhacday koley meeshaan kuma soo koobi karo laakiin waxaan kaaga sooqabanayaa inta ugu muhiimsan.waxaan is guursanaygabar somaliyeed.oo aad u qurux badanjirtana 18sanno waa sanadkii 1996dii waxaana deganaa hollandgabadha hooyadeedna waxay degenayd germany.gabadhaasna indhayga waan ka jeclaa ila hada.waxaa dhacday markii horre in ay hooyadaeed igu xujeyso aroos xadka ka baxsanwaxyna ahayd qaf ilaahay barakeeyey waxay ii sheegtay inteynaan gabadhiba ka wada hadlin mustaqbalkeena inaan maamada kala tashto arooska waxayna itiri waa inaad keentaa lacagtii arooska oohadaan si kasto u shaqeeyo aanan awoodin qiimaha ay ii sheegtay.aan kuu soo gaabshee markaan maamadii is mari waynay waxaan gao aaan ku gaarnay aniga gabadhabainaan isa soo nikaax sanokadibna aan kala xaajoodo aabaheed inkastuusan joogin qurbaha kadibna sidii ayaan samaynaywayna noo hir gashaybalse maamadii inkastoon xataa aan xaalmariyey wali igama harin ee way ii aamustayilaa gabadhii ay ilmo caloosheeda galeen .waxaa dhacday maalin aan shaqo ku maqanahay inay ayada iyo wiilasheeda ay imaadeen gurigayga horayna ay u wateen ilaa iyo germanywaxaa dhacday markii ay tageen xaga in lagu bilaabay dil iyo in ilmahayga la soo rido!!!laakiin ma noqon oo ilaah dile ayaa dhintowaxay isoo wacday anoo yaaban habeenkii saq dhexe anigoo murugaysan oo meel aan u raadsho garan laiina sheegtay inuu dhiig fara badan ka socdo.ka dibna waxaan ugu tagay ayadoo suuxi rabto oo aaneey hadli karin ba.halkaas ayaan kula orday isbitaal.ilaahay amuurtiis waa ii nabad galay ilmaygii.sidaas ayaana isaga dhaafay maamadii iyo wiilasheedii.waxaa dhacday markii mudo laga soo wareegay.gabadhiina ay u hartay dhalmadeedii bil ayaa lasiray oo hadana lawatay.waxaa dhacday in markii aan u tagay oo aan dhahay maxaa lagu haytaa xaaskeyga ayaa maamadii iigu jawaabtay aroos ama sadexdeeda imaqashii halkaasoo loo wada dhamaa tolka gabadha iyo keygabamarkaas waxaan goaansaday inaan furowaxaana igu gacan sayray faamilkii aan ka dhashay oo iyiri hadiiba gabadhaad jecleyd oo waliba ubadkeena sida u furi mayno aroos ee waa loo dhigaahadiiba uu arinku yahayba aroos.sidaas ayaan arooskii aanku dhigay ayadoosagaalbilood ah.habeenkii danbana waxay ii dhashaywiilaad u qurux badanwaxaan islahaa dhib danbe halkaasaa kuugu dambaysa.mase noqontalo gacantayda waxay ka baxday markaan arooska dhigaylabo week kama soowareeginanigoon heysan waxaan cunugayga sariir ugu soo gado ama aandhar aan isbitaalka uga soo saaro aanan heysan oo wax alaale waxaan heystay ay habartu habeen kaliya ku tumatay ayey waxey itiri waxaa dhimanshaash saar oo loo wacaayo faadumo qaasin dheg uma dhigin danahaygaan raacdaymarkii aan ka soo saaray is bitaalka oo aay ila joogtay sitmaan ayaa habartii timidwaxaan is dhahaayey waxay u wadaa gabadheeda wayo waa qof umula oo hadana lagu soo qalay ilmaha waxayba wadataa qori dablehwaa ay isku kaaya dirtay gabadhii oo ay ku tiridadkii oo dhan waan balanshay oo waan u digayoo xataa faadumo qaasin ayaa joogto germanymarka waa inuu keenaa lacag ninkaaguama aad iraacdaa ama inkaarmarkey sheekadii halkaas marayso ayaan waxaan dhahaywalaaley maad mida ku heysato fiirisdmaxaa faadumo qaasin wax kuugu daray.maamadana waxaan dhahay waxaan kaa sugeynay kaalmo ee inaad naka goyso ma aha waxayna iigu jawaabeen israaciarooska ama iskaana raacidalaaqadii ugu horeeysayna halkaasay ku baxday........saaxiib anaa kuu soo gudbin doona |