    Ismail | Monday, September 18, 2000 - 03:18 am Somaliyey gabar ayaan is guursanay waxaan ak wada hadalnay caruur iyo wax walba intaan la is guursan lakin hada markaan is guuranay oo aan aqal galnay ayey igu tiri 3 sano ilmo ma dhalaayi ana waxyaabahaan u guursaday waxaa kamida inaan arko ubad xalaal ah oo aan dhalay. Qoftu sheekaday igu xumaysay waxayna tiri lagama yaabo inaan 3 sano ilmo dhalo ee maxaa talo ah. markii hore diyaar ayey aheyd lakin markay isoo xero gelisay oo aan guursaday ayey igu balaaratay. Akhyaarey qofta waan jeclahay lakin shuruudo aan markii hore la isku ogeyn ayay igu xirtay ee maxcaa talo ah. |
    Anonymous | Monday, September 18, 2000 - 04:41 am To ismail tell her brith control is haram so is she planing on not getting pregnant or try to talk to her she is a women and she will come around |
    gabar | Friday, November 17, 2000 - 03:54 am maxaay kuu guursatey hadeeysan caruur rabin neecawsi lee miyey kaa rabtey sidii gaaldii. waxay ila tahay arintaas in eysan yaree loona baahnaa in aad horey ugu wada hadashaan hadii aadna isku ogeyn arintan oo ay wax cusubkaaga dhigtey aboowe weey kaa gardaran tahay weeyna ku sirtey |
    suhuur | Tuesday, December 05, 2000 - 02:39 am suhuur walal hadii aanaydaan sidaa isku ogayn waa khald lakiin aniga waxa iga yaabisay horto bal marka hore may is tijaabiso in ay waxa dhalayso iyo in kale waayo adiga oo aan waxba dhalin ma samayn kartid. ta kale sanad la garay lakiin 3 years gurigu waaba boring with out kids. unless ay waxa dhigato ma sheegin |
    A.222 | Wednesday, December 06, 2000 - 03:16 pm U sheeg in caruurtu yihiin ubixii aqal, oo sare u qaadaan jecelkay ku wada joogaan labada isqabta. Dadka carruurtu u joogaan, hadday kala caroodaan ma kala aamusnaan karaan saacado badan, waayo caradooda waxaa jajabiya rabmad ka dhalata caruurta, ama ficil ahaan bey ku baabi'iyaan sida ayagoo hooyo dharkeeda aabbe korka ka saara ama boorsadiisa galiya, kadibna hooyadu hadal ku furto,"Iga sii dharkeyga boorsadaa, wax lagaala soo dooney garan maayee". Asaguna hadal uga sii doondoono,"Oo goormaad ku ridatey" iyo wax la mid ah ilaa qosol la kala qarsanayey soo dhaxgalo sheekada, kadibna la isku eedeeyo, adaa bilaabey iyo adaa bilaabey iyo nagaba daayoo hadda iyo waxii dan ah. |
    farxiya | Friday, December 08, 2000 - 05:40 am u sheeg inaad naag kale guursan doontid ku dheh anigu ilmo ayaan rabaa inaan dhalo hadii ilaah isiinaayo marka adiga waan ku jeclahay iska joog ilmo la,aan aniguse waan guursanayaa bal arag waxay sameyso ileen naag naag baa lagu cabsiiyaaye |
    Ismaaa | Friday, December 08, 2000 - 05:41 am Horta gabadhaadu amy ogtahay in ilmaha ala keeno ooy dhali lahayd hadii ale u qoray? mase ogtahay in laga qaado kanser kaniinkaas/ mase ogtahay in ay dhali karto markay goaansato iyo inkale,, alaha waafijiyo xaqa gabadhaada.... |