Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Rag isgurayee!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Garad Biiqey (Public user)

Unrecorded Date
Salamu alaikum,

Qisadani waxey kadhacdey somaaliya gaar ahaan dooxada looyaqaan nugaal godan oo magaalada Taleaax dhanka Waqooyi kaxigta.

Nin ayaa waxaa ladiley Abihiis. Markii magtii lakala qaatey, oo wiilkii nin hano qaad ah noqdey ayaa waxaa dhacdey in wiilkii ey Laftuu kadhashey guubaabiso, Wiilkii agoonka ahaa ayaa waxaa lagu yiri war wiilyahoow aabahaa usoo aar! oo ninka aabahaaa diley soo dil.

Wiilkii sidii loo guubaabinayey ayuu maalintii danbe wuxuu kaxeystey Faras wuxuuna qaatey Qoti (buntuq) maadhiin ah, ragii qaraabada ey ahayeen waxey yiraahdeen war waakukaa ee ninka soo dil.
Wiilkii markii uu faraskiisa kaxeystey ayuu wuxuu tagey ninkii gurigiisii, markaas ayuu wuxuu hubsadey in ninkii gurigii kamaqan yahay, kadib ayuu wuxuu ogaadey in guriga aan lajoogin markaas ayuu gurigii galay oo wuxuu cabey caano Karrur ah, MUDACna wuu kasoo xadey.

Wiilkii ayaa soo noqdey isagoo mudicii wata kadib ayaa waxey weydiiyeen inuu ninkii soo diley , wiilkii wuxuu kujawaabey MAYA ma aanan Soo dilin, Markaas ayeey waxey weydiiyeen wuxuu sameeyey, Markaas ayuu wuxuu tusey Mudacii oo uu yiri RAG IS GURAYEE!.

Waxaan rajeynayaa in arin lagu qoslo ey tahay!.

Garad Biiqey

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WARSAME (Public user)

Unrecorded Date
TO:Garad Biiqay

Saaxiiboow hadalkaaga ma aanan u fahmin sida aad uga jeedid macnano iima samaynin, Waxaan jeclaan lahaa in aad ii jilcisid haddii aad awootid,
Waxaan u fahmay wiil fulay ah oo la dirdiray oo soo baqday, mana ila aha inay tahay wax dad ka qoslisiin kara,Waad ku mahadsan tahay dadaalkaada laakiin JILCI hadalka Saaxiiboow.


Mahadsanid..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hasan

Unrecorded Date
TO. Warsame
Waanka xumahay Inaad sheekada ka dhacday!!
Arinkani waa sheeeko dhacday, Hadaad wax-fahmi wayday Hooyadaa ulatag hakaa caawisee.

good luck with that, and dont forget to ask your
mother too.