Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): WAXAAN KA BAQAYAA IN ILAAHAY NAGU FARAFAREEYAAN OO ASKAXEENA GURO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAM (Public user)

Unrecorded Date
SALAAMU CALAYKUM.

Waxaan rabaa in aan halkan idiinku soo gudbiyo sheeko gaaban,taasi oo ka dhacday waqooyiga soomaaliya.Waxa jiray nin reer baadiye ah ama reermiyi hadba sida aad u taqaaniin oo la odhan jiray jaamac,ninkaasi waxa uu tagay magaalada hargaysa isagoo soo booqanaaya walaalkiis iyo caruurtiisa uuadeerka u yahay,jaamac mudo aad u dheer ma uusan arkin magaalo, markii uu magaaladii yimid ayaa waxa uu maqlay dhalinyaradii oo sheekaysanaaya kana hadlaaya,satellite, ama dayax gacmeed uu maraykanku uu hawada sare u diray,jaamac sheekadaasi aad buu ula yaabay manuu waydiin dhalinyaradii ee waxa uu ku laabtay miyigii ama baadiyihii, markii uu gaadhay ayaa waxa uula kulmay saaxiibadii si ay u kala war qaataan waxaana la tagay maqaaxi ka mid ah maqaaxiyihii tuulada ku taalay,jaamacna sheekadiisii ayuu bilaabay joonyadii sonkorta ahi waxay maraysaa intaasi oo kun-----saaxiibadii oo warka ka guraya......waayahay ,bariiskiina intaasuu marayaa....waaayahay...maraykankiina waxa uu tagay dayaxa...warsame oo sheekada dhagaysanaayey ayaa yiri...waxaan ka baqayaa in ay nimankaasi ilaahay nagu farafareeyaan oo dabadeedna ilaahay askaxeena guro.
waxa weeye sheeko yar oo dhacday...dont mind