Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (Before Janury 23, 2001): Odey qaatey passport nin indho La'
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Waaxid

Saturday, December 23, 2000 - 11:47 am
Asalaamu calaykum

Mar mar qosol qosolka waa la tuurtaa, laakiin caado lagama dhigto.

Waxaan maqley in nin oday ah uu Sacuudiga u safrey marka wuxuu qaatey Passport nin il la'.
Markii ninkii uu airport-gii ka degey oo uu qolyahii immigration-ka ku soo dhowyahay buu ninkii il isku qabsadey si uu isaga dhigo nin il la', nasiib daro ninkii ishii passport-ku la'aa maahee il khalad ah buu isku qabsadey.
Askarigii mar passport-ka buu fiirshaa marna ninkii buu fiirshaa isagoo la yaaban farqiga indhaha ee u dhaxeeya ninka iyo passport-ka.

Ninkii askariga ahaa wuxuu ninkii weydiiyey ishee la'dahay? Ninkii wuu fahmey in uu il khalad ah isku qabsaday, askarigii oo u jeeda buu inta ishii sii daayey tii kale isku qabsadey!. Askarigii Sacuudiga ahaa qosol iyo yaab buu sarojooga ka dhacey markuu arkay ninka indho adaygiisa.
Askarigii wuxuu yiri wadanka inaad gasho waan kuu ogolaan laakiin waxaan u yeerayaa saraakiil kale ee ku soo celi waxaad ugu samaysey.
Wadankii sidii baa loogu ogolaadey.

Bal indho adaygaa ka warama?!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, December 23, 2000 - 05:36 pm
ninbaa xaaskiisi uga timid meel fog iyadoo aad ushakisanayd inuu ninkaas gabadh ay jaar yihiin la socdo ama ay waxka dhexeeyaan haseninkaassi aad ayuu daacad u ahaa, way wareertay wax ka dhexeeyana way garan wayadey garanwaydey maalintii dambe ayeey yaraseexatay waxaay kuriyootay inay ninkii iyo naagtii isku qabatay iyaga oo sheekaysnaya markay, toostay awaxay uqaadatay inay waxaani dheceen, cadho ayeey kusugaysay naagtii