Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (Before Janury 23, 2001): NINKII LASOO DUUGEY OO KUSOO NOQDAY REERKII SHALEYTO SOO DUUGEY
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

COONKA

Sunday, January 21, 2001 - 01:17 pm
MAXAMUUD iyo ADEERKIIS

Maxamuud wuxuu ahaa nin baadiyaha ku nool. Wuxuu soo aadey Adeerkiis oo magaalada xamar kawaan ku lahaa. Muddo gaaban kaddib, Kawaankii Adeerkiis ayaa shaqo laga siiyey, oo waxa laga dhigay ninka u xilsaaran bireynta ama gowricidda xoolaha. Maxamuud wuxuu qabey cudurka suuxitaanka layiraahdo hayeeshee Adeerkiis war uma heyn arrintaas. Maalintii dambe waqti galab ah iyadoo la joogo ayuu maxamuud afka ubur kasii daayey oo af afna u dhacay. Muddo kaddib nuuxsiba waa laga waayey. Adeerkiis oo yaabsan ayaa yiri maxaa la sugayaa marxuumka wuu dhintaye maa lasoo asturo. Sidii ayaana Maxamuud lagu soo duugey.

Goortii dhulkii mugdi noqday ayaa laba nin tuugo ah qabrigii usoo dhaceen oo Maxamuud oo weli suuxsan go'ii ka diirteen. Maxamuud isagoo qaawan oo qabri dhex jiiffa ayuu soo naaxey. Intuu meeshii tuugadu soo qodeen kasoo baxay oo luuq luuqyada isku soo laabay illeen waa nin qaawane ayuu soo fariistay meeshii isaga iyo Adeerkiis sii mari jireen aroortii shaqada markey u socdaan oo Booc Booc meesha ku yaaley hoostiisa isku laabay. Adeerkiis oo kawaankii kusii socda waa kanaaa.

Maxamuud isagoo is leh waad qaawan tahaye cid kale yaaney ku maqlin ayuu yiri, Adeer waa Maxamuud ee maro igu qabo. Odoygii oo naxsan, dabadiina dib ugu carartay ayaa afka quraan saaray isagoo weli aaminsan waxa la hadlay inuu yahay reer aakhiraad.
Maxamuud ayaa mar kale ku celiyey oo ku yiri war Adeer ma dhimane waa anigii ee shaalka iisoo tuur.
Odoygii orod uyuu is dhigay. Maxamuud xageebuu ku harayaa wuu qaawan yahaye, cagtuu cagta u saaray. Odoygii iyo maxamuud oo isbursanaya ayaa dad kale ku yimid. Maxamuud geed ayuu isku dhambiiriyey, Odoygiina laba luuq ayuu ka laabtey oo kawaanna ma aadine si deg deg ah gurigii ugu noqday. Goor barqadii la joogo ayaa dhowr nin oo dhallin yaro ah meeshii soo mareen. Maxamuud halkii ayuu ka qayliyey oo ku yiri war xalay bey dharkii iga furteene wax igu tuura. Sidii ayuu gurigii ku yimid isaga oo la xusaayo.


This doesn't have any clan or tribal flavour, however I know some of you might complain against the long passages. Oh, Well, It is my first.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

babilon

Sunday, January 21, 2001 - 05:01 pm
good one bro.