Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Saliid Cab!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

A Yare (Public user)

Unrecorded Date
Nin dabiib ah ayaa qofkasta oo u yimaada oo u
sheegata sida loo hayo wuxuu oran jiray waxaad
cabtaa saliid.
Maalin baa waxaa u yimid nin uu ka lumay
dameer, markii uu u sheegayna wuxuu faray in uu
saliid cabo!.
Ninkii isagoo la yaaban waxa iska quseeya saliid
la cabo iyo dameer dhumay, ayuu si cago jiid ah
ka cabay saliidii.
Goor saqdii dhexe ah ayaa xanuun qabtay oo ay
calooshii gadgadoontay, intuu sariirtii isku
celin waayay ayuu banaanka usoo baxay, kadibna
wuxuu aaday duurka- taasoo caado u ah dadka reer
miyiga ah in ay saxarada reerka kala fogaadaan,
hase ahaatee intuu kusii dhex socday duurka ayuu
wuxuu arkay dameerkiisii oo duurka daaqaya- ka
bacdi ayuu soo watay dameerkiisii isagoo faraxsan.
Maalmo ka dib ayuu u tagay ninkii dabiibka ahaa
si uu ugu hambalyeeyo ku guuleesiga taladiisa!!!.