Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Halkoo Maleexaana aa na dhibay
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hudoow (Public user)

Unrecorded Date
Siyaad Barre oo booqasho ku jooga magaalada Baydhabo ayaa dad badan ku soo urureen meeshii uu ka khudbeeynayey. Isagoo hadalkii wada ayaa waxaa ku soo farabaxsaday nin reer Baydhabood ah oo ka mid ahaa dadkii goobta joogay. Wuxuu dhex jiiray dadkii ilaa waardiyeyaashii ay ku celiyeen Siyaas hortiisii , waa qeyliyey oo yiri madaxweynaha in aan arrin ka codsado ayaan rabaa. Siyaad markii uu maqalay ayuu yiri war bal soo daaya. Maxaa daran buu yiri, ninkii oo dhib wajigiisa ka muuqdo oo hinraagaya ayaa si tiiraanyo leh u yiri " AAbbe Siyaad halkoo Maleexaan la dhaho aa na dhibay ee naga qabo"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Barqad (Public user)

Unrecorded Date
To Hodoow

Taasi hada ma wax macno ah ayeey samaynaysaa ?
...Wax micno leh haba yaraatee maadan sheegin.
hadal xikmad leh qor ama iska aamus

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qaldaan (Public user)

Unrecorded Date
GOORMAA SOMAALIYA KUUKU DANBEYSAY!
WAX LAGU QOSLO QOR, AMA MEESHA KA BAX.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hudoow (Public user)

Unrecorded Date
Barkhad & khaldaan waxaan qiyaasayaa in murtida sheekadu idin dhinac martay. Gundhigga sheekadu waxey aheyd in ninka reer Beydhabood uu dadka Mareexaan ka eedsheeganayey isagoon war u heyn in Madaxweynuhu isla dadkaas yahay. Sheekada waxaan qosolkeeda u daayey akhristaha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Asad (Public user)

Unrecorded Date
to. Hodoow

probgandada jooji - sidii horay laguugu sheegay hadal murti & maaweelo leh qor.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hudoow (Public user)

Unrecorded Date
Bal tanna ka waran Asad nin Jareer ah oo ciidamada ka tirsan ayaa naag Qaldaan ah ku guursaday Waqooyi, wuxuuna u sheegay in uu Hawiye yahay. Reer waqooyi wey ka qaateen. Maalin danbe ayaa, iyadoo makhaayad laga shaaheynayo ninkii iyo nimankii uu gabdha ka qabayna joogaan si kaftan ah Askari kale oo arrinka la socday ku yiri Waryaa Muudeey horta yaad u dhalatay, Muudeey: Hawiye.
Askarigii: oo yaad ka tahay
Muudeey: Daarood

No hard feeling guys,
thanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zaki (Public user)

Unrecorded Date
Waxaan degnaa Sherkoloda agteeda aniga iyo ciyaal badan oo jardiino fadhina baa waxaa noo yimid nin reer markaas baadiyo ka soo galey. Ninkii agteena buu soo fariistey, wuxuu yiri "Wax ma idin weeydiin karaa" waxaan ugu jawaabney "haa".
Ninkii wuxuu yiri "waxaan raadinayey nin aan qaraabo nahay oo meeshaan la iigu sheegey, waana nin Urmidig ah". Waxaa meesha fadhiyey yar qolo aan hada xusuusan oo reer Jubada hoose ah oo laf ka mid ah qabiil kiisa la yiraahdo Urbidix, yarkii wuxuu ugu jawaabey "yaakheey adiga magaca ha ku cayaarin qabiilka ma aha Urmidig waa Urbidix oo anaa ah".

No hard feeling this is true story guys

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

axmed

Unrecorded Date
min fadlak saaxiib waxay abuuraysaa fitnoisticmaalka magac qabiil sidoo kale waxaad dareemi kartaa in aanu qofna ka raali noqonay isticmaalka dhalashadiisa hab qosol waan ogahay in aadan wax cilo ah ka wadin laakiin mar kasta dhinaca kale ka fiiri

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

subxaanyo

Unrecorded Date
TO:zaki
waryaa mesha waxba kuma haysid ka bax mooryan yahay canbuula cunka badan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

.

Unrecorded Date
Zaki
subxaanyo

fadlan waxaan idinka codsanayaa inaad sheekada halkaas ku xirtiin sababtoo ah subxaanyo waxaa meel uga dhacday nasab keyga aan ku faano oo urmidig waxaa ka dhalatay hooyaday urbidixna waxaa ka dhashay aabbahey ee fadlan iska daa hana cayn, Zaki waxaad kaftan iyo wax lagu qoslo ama laysku caayo ka dhigeysaa raashinkii aan ku soo koray (Cambuulo)oo aad ku sheegeysaa inuu yahay quudka moorayaanta walaal taasi waa figrad qaldan waxaan ka dhashay dad ehelu-diin ah waxaana raashinka ugu jecelnahay cambuulada ee faraha ka qaad