Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): MADOW WAGADLOOW WALLEE LAGU SHEEG
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Madar (Public user)

Unrecorded Date
Beri baa waxaa jirey nin taajir ahaa oo ku noolaa bariga dalkeenna. Ninku wuxuu ahaa nin aad u dheer, xooggan oo aad u qaab weyn,saddex lugoodna ahaa.
Waxaa ninkaasi dhib ka heystey sidii uu u heli lahaa naag uu guursado oon ka dhimman. Ninkaan markastoo uu naag doono oo xoolo ka bixiyo oo loosoo xereeyaba wey ka geeriyootaa.

Maalintii dambe waxey sheekeysteen nin waayeela oo indho la'. Ninkii buu arrintiisii u sheegey, odeygii baa yiri maxaad u maleyneysaa inay naaguhu kaaga dhintaan, markaasuu yiri ineysan alaabteyda iyo jirkeygan weyn aaney xamili karin bey ila tahay. Odeygii waxuu yiri naag gaaban oo madow oo foolxun, wegdana leh aa ku anfeceysa ee raadso.

Ninkii rag buu direy waxii la raadiyana la hel naag astaamahaas leh oo reerkoodii ku guumeysoowdey oo ey wax ka guursada waayeen. Xoolo badan buu qoftii ka bixiyey ka dibna waa loo soo xereeyey. Sidey caadadu aheyd dadkii xabaashii bey sii diyaariyeen, balse qoftaan subax walba deyrkeedey iska xaaqaneysaa oo faraxsantahay. Maalintii dambaa nin raggii arrinta wax ka ogaa ahaa gabyey,wuxuuna gabeygii kusoo gooyey MADOW WAGEDLOOW WALLEE LAGU SHEEG. The End.