Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Ila Qosol - Jokes (Current): Qiso dhab ah. oo ka dhacday tuulo dudun la yiraahdo.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Been orod

Tuesday, April 10, 2001 - 01:53 pm
Laba wiil oo qiyaastii 20-jiro ah ayaa 12-rati oo dhaan ah oo ay meel fog ka soo dhaamiyeen waxay keeneen magaalo la yiraahdo dudun oo ka tirsan gobolka mudug. Iyagoo awrtii dhaaminaya ayay waxay arkeen magaaladii oo halmar ay askar wax qafaalaysa skuweer ka qabatay, labadii wiil midkood ayaa kii kale wuxuu ku yiri waryaa haddii labadeenaba la ina qafaalo awrtuna meeshaanay ku bi'i reerkiina meeshaad ogayd buu haraad ugu dhimane talo keen, kii kalaa wuxuu yiri aniga iyo askarta afwayne isu kaaya daa, markaasuu inta macawistii tuuray oo surweelkii cali-falaaxa ahaa isku reebay dacdii ceelkana ku galgashay oo isagoo wasakhi ka buuxdo inta garangar ciyaal ceelka agtiisa ku ciyaarayay ka dafay habba dhinac ula orday.
Raggii magaalada joogay oo dhan baa geed la isugu keenay isna habba wuxuu soo agmaraa isagoo garangartii cayrsanaya markaasay askartu waxay ku tiraahdaa war qofkaan waalan yaa naga qabsada.
Ninkii sidii buu qafaalkii kaga baxsaday markay tageena awrtiisii buu isku dabtay.
Raggii markii xaruntii askarta la geeyay ayaa nin walba waxaa la bilaabay in la diiwaan geliyo si askari loo qoro, yarkii kale ilaa wuxuu ogaa sidii walaalkiis ku baxsadaye makii la yiri magacaa ayuu wuxuu dhaafin waayay cabdi markii laga quustay ayaa la yiri xagee ku dhalatay suuye yaa oghee, waxaa la yiri war yaa tahay suuye sootaan mar hore kuu sheegay inaan cabdi ahay subaxdii danbaa la yiri war naga sii daaya kani iskuma sanbanaana e.

Sorry sheekadu waa middheere.