Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Gabadhii fuquburaale aysan qabin laga tumay""
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Loverboy

Unrecorded Date
abaayooyin iyo abooweyaal bari ayaa gabar magaalo kusooo kortay ayaa waxay aaday hooyadeed oo baadiye ku noolayd maalin maalmaha kamid ah ayaa gabadhii waxay damacday inay soo qubaysato marka xiligna waa waqti kulul.gabadhii intay biyo qaadatay ayay waxay aaday duurka dhexdiisa say usoo qubaysato marka waxayk ag qubaysatay dudun.
duduntana waxaa ku jiray bahalo kadabshiir ladhaho oo ooman kabacdina gabdhii markay qubayskii bilawday ayaa bahaladii oomanaa kasoo baxeen duduntii oo ksoo ordeen gabadhii oo qubaysanaysa
kabacdina gabrtii markay aragtay bahaladii ayay carartay ayadoo qaawan .kabacdigeed habartii hooyadeed ahayd oo guriga la fadhiday niman ayaa aragtay gabadheedii oo qaawan oo ordaysa banaanka marka bahaladana lama arko oo waa yaryar yihiin
marka habartu waxay mooday in gabadha jiniyo k kaceen markaasay k tiri nimankii ay lafadhiday gabadhayda ii soo qabta way waalataye...markaasaa nimankii ayaa gabadhii cayrsaday kabacdigeedna waysoo qabteen marka habrtii hooyadeed ahayd ayaa tiri gabadha jiniyo ayay qabtaaye halaga tumo markaasaa gabadhana haday tiraahdo hooyo waan fiicnahay hooyadeed waxay dhahdaa jiniyada ayaa been sheegaya ee hala tumo marka waxay u qabtaa waxa hadlaya inay yihiin jiniyo ooo ayna been sheegayaan calakli xaal gabadhii sidii loo tumayay
markay daashay ayay waxay maqashay hooyadeed oo dhahaysa wadaadayaal kabaxa gabadha .markaasay gabadhii waxay tiri waan baxaynaa markaasaa lawaydiiyay xageed ka baxaysaan? say tiri madaxa
markaasaa hooyadeed tiri jiniyadu been ayay sheegayaan oo madax kama baxaane tuma gabadhii waa loog sii daray dilkii markaasay markii danbe waxay waxay dadkii tmaayay waydiisay xageen kabaxnaa ?markaasaa lugu yiri faryarayda kabaxa ,markaasay gabadhii waxay tiri faryarayda ayaan hada kabaxaynaa markaasaa hooyadeed tiri mardanbe masoo noqonaysaan .waa gabar ladilay eh ma mardanbe ayay dhahaysaa waan sooo noqonaynaa .........
bro/sis mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ami

Unrecorded Date
Loverboy waa sheeko cajiib ah walaalkiis waa isku dhaceysaa aad ayaana ugu mahadsantahay sida sharafta leh ee aad sheekada noogu sheegtay

Keep up with the good work

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amaal

Unrecorded Date
he he heh eh...,
This was the most beautiful story that I have ever heard, waad ku mahadsantahay aboowe,