    C/J | Unrecorded Date Wal-wal laga qabo dhibaatooyinka uu keeni karo bilawga qarniga cusub 2000. Waxaa duqa magaalada ee Muqdishu, mudane Guure, uu u xilsaaray guddi baarta waxyeeladda 2-da kun “Y2K”. Gudiga waxay isugu jiraan indheer garad aqoon u leh af-ka soomaliga iyo suugaanta casriga. Shalayto ayaa raadiyaha Af-gooye waraystay niman ka tirsan asxaabta loo xirsaaray 2-da kun. Waxay sheegeen in hub badan ay ka midyihiin AK-4 ama “Kalashnikov” loo yaqaano uusan shaqayn doonin wixii ka danbeeya saqda dhexe dhammaadka 1999-ka. Sidoo kale waxay ka warameen loo xirsaarayaasha in miinooyin badan marka la tuuro ay ku soo noqon doonaan isticmaalaha. “Wali kama dhicin taariikhda cusub ee Soomaaliya in nin dhalin yaro sita qori AK-4 in uu gaayoodo, waxay noqon karaan waxyeelooyina 2-da kun” sidaas ayuu yiri mudane Colow oo ka tirsan gudiga. “Taasna waxyeelo wayn ayey u keeni kartaa dalka” ayuu raacshay mudane Colow isaga oo aad u wal-walsan. Arrintaas waxay keentay in suuqa Bakaaraha oo lagu kala iibsado AK-4 iyo miinooyinka RGDS-5 ay qiimahooda hoos u dhacaan. Dad badan ayaa ku mudaaharaadaan dawladda Ceelgaabta iyaga oo waydiisanaya in wax laga qabto dhibaatada. Muuse aw Warfaa oo u xilsaaran “2-da K” dalka Somaliland ayaa sheegay in dhammaystireen muxaaradooyin uga socday xaafadda Tumbuluq ee ku taal Hargeysa. Mudane Muuse wuxuu ka faalooday in “Y2K” uusan saamayn doonin S/land. sababtoo ah S/land waxay isticmaalaan hubka ay ka midyihiin Lixle Gaab kuwaas oo Axmed Gurray ku dagaalami jiray. Hubkaas oo ka soo gudbay qargigii 20-aad, sidee ayey dhibaato u keeni karaan bilowga qarniga 21-aad ayuu yiri mudane Muuse. Waxa uu jaalle Muuse sidoo kale carabka ku dhuftay in ay badaleen habka isgaarsiinta taas oo ay ka danbaysay markii culimo badan oo qaadka cunta ay ogaadeen in uusan shaqayn doonin sanadka 2-da kun, kaas oo marki hore ahaa “ass based coomunication system” dameero ayaa hilibka qaadi yiray oo geeyn jiray maqaayadaha ugu waawayn waddanka sida Dooro-libin-layaasha. Tijaabooyin badan waxay tuseen in dameeraha ay afka saareen Jabuuti wayna garan waayeen jidkii ay mari jireen waligood. Hadana waxaan ku badalnay ayuu yiri Mudane Muuse “camel based system”. Yuusuf Axmed oo isaga u xilsaaran Y2K project magaalada Boosaaso ayaa sheegay in uusan wali fahmid meesha u wax ka bilaabi lahaa iyo sida dhibaatooyinka looga hortagi lahaa. Mudane Yuusuf oo ahaa waagii hore odayaasha magaalada, sida la sheegana da’diisa kor u dhaagtay in aan la ogayn noolaana waagii lug lagu tagi yiray Cadan. Ayaa waxa uu ka cawday in dawladda dalka Boosaaso ay xil iska saarin “2-da K” haddana waqtiga ayaaba noo saamaxayn in aan xitaa kalluunka bad-baadsanno ayuu sheegay. Waxaa la waydiiyey waxa ay dawladda ka qaban kartay. Wuxuu ku jawaabay “Waxaa la rabay in shaqadan la siiyo dadkii aniga iga da’waynaa oo dhawr qarni soo noolaa, kuwaasoon hubo in ay lisan jireen dinisaariyaha “ Waxaan aqbaartaan kasoo xigtay Raadiyaha af-gooye www.afgooye-radio.som Wasaaradda warfaafinta ee dalka Gaalkacyo www.gaalkacyo.warfaafin.gal Yuusuf Axmed, iskuduwaha qorshaha 2000 ee dalka Boosaaso. Muuse aw Warfaa, indheergarad u xilsaaran y2k project ee dalka Somalia land www.somaliland.net/2da.k.htm. C/J |
    Asha | Unrecorded Date Nacas dhareerah muxuu og yahay . war hadad naf leedahay gurigaaga hagajiso.Xafadi waxay xaafad ugu wareegta wa Xasarad. Somaliland wey idin nacday. Uf bay idin tidhi, sankay idinka qabsatay Marka iska dhiga warkeeda, danihiinana qabsada. Ax ya masakiin, feel sorry for you guys still talking about Somaliland. |
    somalia | Unrecorded Date Qabiil qaran ma noqdo. |
    Madar | Unrecorded Date What the hell is she talkng about?, is Asha serious about what she says, if so, she must be sick. This is meant for humor, and I personnally think this guy is funny and creative. It is great, I love it. Especially,when you know that those somali elder men have no clue what soever about the Y2K. That's what humor is all about. So, if you don't get it(Asha) please don't twist the fun. Thanx C/J I really enjoyed reading it. |
    Raaxeeye | Unrecorded Date sheekadu way qurux badnayd ..Ashina way yara taraartay......Madarna ...isagu hadda waxaabu dalacay in uu ka noqdo....xaakin..boggan. meel walba waa joogaa...ninka sheekada qoray halkaa ka sii wad saaxiib soo yara koob sheekooyinkaagana..nabadeey |
    Madar | Unrecorded Date Waraa Raaxeeye, marka hore waa salaamantahay saaxiib. Marka xigana runtii boggaan waan ku raaxeeystaa oo after busy day waxuu ii yahay madadaalo, sidaasaana laga yaabaa keentey inaad magaceyga meel walba ku aragtid. Balse ninyahow sheeko walboo lasoo qoro qoreheedu waxuu jecelyahay in comment laga dhiibto. Qisa walbana ujeeddey leedahay, haddiise ujeeddadeedii laga leexdo waxey meeshu noqoneysaa hadal wadkii galey. Sorry if I upset you or Asha, but I was just expressing my opinion just like you did, so, no hard feelings okay. Thankx. |
    g-gode | Unrecorded Date saaxiib sheeko wacan oo wanaagsan baad halakan noo gusoo gudbisay runtii abwaan baad tahay waana ku mahadsantahay halkaaga kasii miis |
    C/J | Unrecorded Date Salaama dhammaan, War waan ka xumahay dadkii sheekada si xun u arkay. Ulajeedadaydu waxay ahayd shaaciro. Inta u bogtayna waan sii wadi doonaa ramadaanka ka dib. :-)) Ramadaan mubaarak. |