Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): TORONTO TAXI
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sarmaale

Unrecorded Date
by. Sarmaale.
Nin wadaad ah ayaa waxuu yimid Garaash Tagaasida lagu kireeyo, oo waydiistay in la shaqaaleeyo. Ka dibna waxaa loo sheegay inuu bilaabayo subaxdii shaqada, waxa uu codsaday in gaariga loogu keeno gurigiisa kadibna uu darawalka habeenkii isaga geeyn doono gurigiisa. Ninkii garaashka lahaa ayaa yiri waxaa gaariga la wadaysaa Jaamac oo ah nin qaadka cuna, isla markiiba wadaadkii waxuu yiri war maad iga dhaaftid balaayo qayisha gaari ma la wadi karee, waxaase loo sheegay in hadii uu shaqo rabo uugaarigaas wado. Waxaana la waydiiyay in uu sheego Taleefonkiisa si loo soo waco waqtiga gaariga loo keenayo. Wadaadkii waxuu yiri taleefoon ma lihi, gurigaygana waa guri gaaban oo aan gambaleel irid lahayn, laakiin marka la gaaro waqtiga salaada subax waxaan ahay diyaar oo looma baahna in la i soo waco, waxana lagu balamay in waqtigaas uu irida soo istaago. Waxaa la isku ogaa sidaas, subaxdii intii uu waagu baryin ayaa ayadoo ay tahay 5:30 am waxaa hal mar soo baraarugay wadaadkii oo ay hurdadii la tagtay, asagoo go'ii uu ku jiifay qaba ayaa hal mar orod iridii uga soo baxay, isla waqtigaas ku dhawaadkeed waxaa marayay gurigiisa meel cabaar yar u jirta tagsiile kale oo raadinayay qof la yiri xaafadaas ka qaad. Wadaadkii markuu arkay Tagsiga meesha maraya ayuu intuu gacanta u taagay, iridana iska furay yiri 'war iga raali ahow hurdaa ila tagtee 5 daqiiqadood i sii' Tagsiilaha oo qayilayay Magoolna ay u dheeraysnayd ayaa yiri no problem. 10 daqiiqadood ka dib waxaa soo baxay wadaadkii, tagsiilahii ayaa yiri xagee u soconaa? Wadaadkii waxuu yiri gurigaaga. War gurigayga maxaad ka doonaysaa? Wadaadkii ayaa intuu qayliyay yiri 'waxaas oo kale ayay ahayd markaan ka afeefanayay in aanan taksi la wadin balaayo qayilaysa oo marqaansan. Taksiilahii ayaa yiri 'war marqaankayga ka baxee intee rabtaa? Al xaasil ayadoo qir ay arini marayso ayaa waxaa yimid taksiilahii kale oo raadinaya wadaadkii. Wadaadkii intuu gaarigii hore kasoo degay ayuu yiri war balaayo wada marqaansan ma dhex gali karee u gee taksiga ninkii lahaa mana rabo shaqo...............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHiikh ali

Unrecorded Date
Shekadaan aad ayey uu dhertahay
marka waan daalay mana qoslin ;
Ee ila qosol waa la soo gabshaa yaa salaam"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Yes, this story is little bit long but, it really made me laugh. Thanks man.