Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Ali mahdiyow saaxiibow warkeyga waad diidey(Martiini)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Martiini

Unrecorded Date
Markii •••••• xamar laga saarey ayaan tegay xama,r si aan dowlada cali mahdi wasiir ugu noqdo.
maalin maalmaha ka mid ah ayaa talo u soo jeediyey Cali taladaas oo ah in uu wadamada aduunka wareego si uu aqoonsi ugu soo raadiyo dawladiisa.markii aan intaa iri ayuu Cali xanaaqay wuxuuna yiri Martiiniyow ma waxaad rabtaa in lay afgambiyo markaan dibada aado waxaan iri Caliyow ha kaa saarto.

HIII;;;;;JJJJIIII::::::::HAH:::HAH;;;

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

G***

Unrecorded Date
Martiini

Iska daa in aan qoslee, bishimaha xitaa ma kala qaadin...sheekadaadana waxaan umalayn shinbiraha oo qur ah ayaa ku qosla.

Waxaan kaa sugnaaba waa sheeko macaan, murti & qosolna leh.

G***

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jama

Unrecorded Date
Runtii waa sida qofka iga horeeyey sheegay, Martiniyoow tani sheeko qosol leh maahn ee mid kale bal soo fakar.

Kaaf!!!!!!!!!!!
Kala dheeri

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hopeless

Unrecorded Date
In aan rajo leenahay aan umaleenaayey laakiin adiga hadaad wasiirnimo isku sharaxday waa noo dhamaatay, sheeko qosol leh xataa ma sheegi gartid. martiini you really suck dude.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Martiini

Unrecorded Date
Waxaan caan ku ahey dhalin yaroy ama Saaxiibyaalow waxaan qoro iyo waxaan sheego iney murto leeyihiin
hadaad ku qusli weydiin murtidaan u tago dhaqaatiir waxaa idinku yer Q. Marka aniga xageyga ma ahan cilida.

hiii ....ho...ho...ho..ho..h...ohio

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Run ahaantii dad badan ayay madaxda, siyaasiyiinta iyo taliyayaashii Soomaaliyeed sheekooyin xiiso leh ay dhexmartay, markaan Martiini wuxuu inoo billaabay muwduuc fiican, ee ayaan sheekada lagu xirin ee bal qisaskii Siyaad Barre ha loo galo iyo kuwii ka sii horeeyayba.
Bal tan iga qabta:
Ina Cabdalla Xasan ayaa wadaaddadii dhulka Soomaalidu degto joogay isugu yeeray, wuxuuna waydiiyay: Illaahay cid aan ahayn ma ka yaabtaan ama ma ka baqataan?
Wadaaddadii waxay ugu jawaabeen : Xaasha, ha ka yaabin. Illaahay uun baa laga baqan karaa!!! Cid kale oo adduunkan korkiisa laga baqan karaa ma jirto.
Wuxuu ku yiri: Haddaba berito aniga ayaa idin casuumay ee ii kaalay:
Wuxuu sameeyay deyr weyn, wuxuuna meel dhinac xigta ka dhisay aqal Soomaali weyn.
Wadaaddadii buu kulba mid u yeeraa: Sheekh Hebal Sheekh Hebel Sheekh Hebal.
Markii uu sheekhii ugu horeeyay soo kacay, ayuu u kaxeeyay xaggii aqal Soomaaliga oo uu geliyay, wuxuuna fariisiyay meel uu ugu sii talogalay, wuxuuna siiyay hilib badan, hase yeeshe, markii uu ka soo laabanayay, ayuu mindi dheer soo qaatay, wuxuuna dhexgeliyay baaldi weyn oo dhiig ka buuxo. Isagoo mindidii iyo gacantiisiba dhiiggu ka dareerayo, ayuu ka soo baxay aqal Soomaaligii, wuxuuna u yeeray Sheekh kale: Sheekh Hebel Sheekh Hebel. Sheekhii magaciisa loo yeeray, oo luguhu gariirayaan, ayaa soo luuday, isagoo isa sii yaasiimay, nafna ka quustay, inuu meeshii Sheekhii hore la fariisiyay, isna la fariisiyay.
Markii uu aqal Soomaaliga ka soo baxayay, sidii oo markii horena sameeyay ayuu haddana sameeyay oo gacanta soo gashaday baaldigii dhiigga ahaa.
Sheeko yaan idinku dheeraynine, wixii sheekh meesha buuxay may sugin inuu magac kale u yeerayo, ee way kala yaaceen. Faras baa xittaa laga daba fuulay oo la gaari waayay, si loogu sheego in aanay arrintu sida ay moodayaan ahayn, cida laynayn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Martiini

Unrecorded Date
To Anonymous
Saxiibow waxey aheyd sheeko xeeso leh iyo murti labadaba kasii wad meeshada.
lakiin marka danbe soo qor naaneestaada ama magacaaga saxiibow
hi... hoo..... hii.... hii...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Anigu martini lama yaabin waxaan la yaabay ka sheekadii ama qisaskii WIILWAAL mid ka mid ah Sayidkii ku sheegay.....Ee waliba sida xun ee aan dhammaystirnayn uga sheekeeyay ....raadi saaxiib xaqiiqda...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caqliilow1

Unrecorded Date
Sidaa tiri waayee ninyahow sheekadaas waa sheeko WIILWAAL , markaa ha la yaabin waa gadaal ka gaar goob dumis ee.

Kan kalee Martiini isku sheegeyse inuusan waxbo meesha ku heyn uu noo sheegey. Get a life guys.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jiinow

Unrecorded Date
To. Martini aad iyo aadaa u mahad santahay nooh
aadaan ugu qosley ma ahee wali qolaa aaa lii cii
caa aaa buu yaaaa wqaaaaaaa
saaxiiboow qisadaan aadeey uqosol badan tahay
walibana murtiyeey leedhaya
oo caki mahdi wuxuu iska dhigaa nooh nin madaxweyne ah dal xukumo
wuxuuna awoodi waayey inuu maamule xaafed xamar
ka mid eh indha adkaa oo madax nimo jeclaa
aryaa Caydiidaaba Beydhabo heystay
bal kaneeyto maxaa laga af ganbinaa
MARTINI SAAXIIBOW QISADAAAN MID LAMID EH NOO SOO
QOR NOOH AADAANA UMAHADSENTEHEY


XIYAWAANADAAN KAA DABA HADLAAYANA WAXBA MA FEHMAAN
EE DHEG HA U DHIGIN

MARTINI WE LOVE YOU

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Baraako cabdow

Unrecorded Date
saxiibayaalow waxaa dhacday inta siyaad bare wadanka heestay ayuu wuxuu booqasho ku tegay shangaani,markaasaa mid qabqablayaasha kamid ah istaagay oo yiri kacaanaa nooyimid waa 1960 waa ulu jirni usna waa is ka baxay kacaan kale aa 1960 yimid waa ulu jirni usna waa iska baxay kacaankayna barakeesan 1969 aa ula jirnaa usna waa iska bixi doonaa! maano cadeey adiga istaag kacaakayna barakaysan ka hor maxaad ahaan jirtay sharmuuto hadana hooyooyin!lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Martiini

Unrecorded Date
to Jiinow

Jiinow saxiibow marka kowaad aad iyo aad ayaa u mahadsan tahay marka labaad waxaan ku qancay sida wax garadka ah iyo somalinimada ah aad igula fahantahay qisada waxey ka hadlaeyso.
dad ayaa u qaatay in aaan aniga cali mahdi caaynayo balse ma ahee waxaan ka wadey sida ay somalida maanta u fekareyso in ay maanta sheekada joogin


jiinow aad iyo aad ayaad umahadsantahay saxiibow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

keynaan I

Unrecorded Date
To: dhammaan walaalaha Soomaaliyeedoow!

Runtii salaan kadib, waan arkaa dadaalka faraha badan ee aad ugu jirtaan sidii walaalahiinna soomaaliyeed uga farxi laheydeen, ulana qeybsan laheydeen ra'yigiina kala duwan iyo shucuurtiinna. Balse su'aalo ayaa ka taagan waxa la qorayo muxuu qofka soomaaliga ka faa'iideysan karaa, maxayse ku saleysan yihiin, ujeedda ahaan ma waxay weerareysa qofka ra'yi ahaan mise shaqsi ahaan?

Dhalinyarooy! ma ogtihiin sideedaba in halgan badan ay soomaalidu soo mareen ilaa laga soo billaabo XILLIGII XORNIMO DOONKA iyo ilaa iyo haatan? Mase la socotaan in dad aan talin jirin marka ay taliyeen, ay tageen dad aan tegi jirin nolol ahaan iyo geeri ahaanba?

Dhallinyarooy! ma ogtihiin in ilaa iyo haatan in Soomaaliya magaceeda wasaqeynayaan dad aan WADDANINIMO u qalmin rag iyo dumarba?

Dhallinyarooy! ma ogtihiin in muddo badan aan weynay wiilal badan oo dhallintii Soomaaliyeed, haddana beri ka maalin u halgami laheyd XORNIMADA SOOMAALINIMO buuxda ay naftoodii idil ku waayeen QABIIL difaac ilaa iyo maanta sida badan?

Dhallinyarooy! ma ogtihiin in sababaha dagaallada sokeeye keeneen JAHLI, JAAD, IYO QABIIL? mase ogtihiin QABIILKU in uu yahay cudur dilaa ah kana daran cudurrada maanta ugu xunxun ee adduunyada sida, CANCER, HIV, IYO KUWO FARA BADAN? ma looga bixi karaa daawo ahaan DIINTA ISLAAMKA, AQOON, DAACADNIMO, MIDNIMO, IYO KALA DAMBEYN YAR IYO WEYNBA DADKEENNA OO IDIL DHEXDOODA?

Dhallinyaroow! ma joojin karnaa XANTA, NAXLIGA, XUMAATADA faraha badan ee aan u geysaneyno dadka Soomaaliyeed meel walba ha joogaane, ha xumaadaan ama ha wanaagsadaan?

Dhallinyaroow! ma laga yaabaa inaad AF-LAGAADO ii geysataan waxyaabaha aan qoray adligood?

Dhallinyaroow! haddii aan qaldamay, ma laga yaabaa in aad i cafisaan ALLE ka sokoow iyo ALLE dartiis?


Mahad, Naxariis, iyo Nabadgelyo dushiinna ALLE ha ku maneysto walaalaheyga qiimaha iyo qaayaha badnaayoow waa walaalkiin Soomaaliyeed, kuna nool Mpls, Mn, USA-da


Keynaan I.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamm4396

Unrecorded Date
To jiimo iyo martiini sxb waxaad aqrisataan shekada kuqoran page ka ay ugu waceen Ali nafto sababta aan idiin leyahey nawaxeey tah in aysheegey so kuwa adin kokale ah shekadaas waxaa qorey nin ka layira Ahmed S mar kaskabacadi isugu kaya kena page kan waxaan ula jeda halaga arko warkiina halkan.
Intas iyo is aragdan be.