Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Qamradu qeer ma laha
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Nin qamro cabi jiray baa maalin wuxuu is yiri gurigaaga casri ka dhig. Nasiib daro lacag uu wax weyn guriga uga badalo ma uusan haysan. Waxaa maalin ku soo dhacday inuu badalo albaabka sida uu u furmo. Dadka xaafada la degan oo dhan albaabka marka la furo guriga gudihiisa ay u furmaan, kiisa wuxuu ka dhigay inuu dibada u soo furmo. Sidii caadad u aheyd habeenkii buu baxay oo bahashuu qac isku soo siiyay, waqto doobe ah uu guriga yimaaday. Albaabka markuu is dhahay fur maba furmo, wuxuu la rafaadaba xaaskiisaa soo kacday oo caawisay. Albaabka dhankiisa uu u soo furmay macalinka feer uu naagtiisa ku bilaabay, naayaa "maxaa xiligaan banaanka ka sameysneysay?"