Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Al-fallaax
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QalbiNura

Unrecorded Date
Beri ayaa iskuul Jamal CabdiNasir anagoo koowaad dugsiga sare ah, acarabina intii qur'aanka lagu dhigtay in ka badan aan aqoonin ayaa waxa dhacday maalin sidan:

Macalinku wuxuu yiri yeeris ayaad qoraysaan la soo baxa qalimaan iyo waraaq. Kabacdi wuu bilaabay yeeriskii... wuxuu yeerinyaa shaqaalaha iyo waxa ay kala yihiin oo laakiin afcarabi ah.
Waxa ka mid ah wuxuu yeerinayo "Al-Fallaax"
Anagu wax kale ayaan u naqaan alfalaax, markaa qosol ayaa loo daataa markuu sheegaba ahahaha!!!
Macalinkii oo yaabban oo garanla' waxa aan ku qoslayno ayaa u yeeray kaabagalaaskii...(kaabagalaasku waa wiil wadaad dhalay oo carabiga naga badiya)
waxa la waydiiyay waxa ay ku qoslaayaan wuxuuna u sheegay inaan kalmadda alfalaax ku qoslayno.
Macalinkii oo wali aan fahmin ayaa waydiiyay waxa aan u naqaan alfalaax.

Kaabagalaaskii wuxuu ku jawaabay

"Al-fallaax yacni Al-gorgara"
ahahahaha

Gorgaradda dumarku hoosta ka xirtaan ayuu ujeedaa
ahahahaha