Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Ila Qosol - Jokes: Archive (August 2000): Ar yaa yaa, yaa qosol rabya..............................mehan imaada
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rijaal

Sunday, July 23, 2000 - 01:28 pm
Bari ayaa baabuur sida bal oo maraya meel u dhow magaalda Afgooye ayaa gaddoomay. waxaa gurmad xoog leh oo Taraafiko hogaaminayso ooga yimid magaalada Xamar. Maadaama baabuurka bal ka buuxay dadkii waxaa ku fariistay balkii. Taraafikadii ayaa balkii kala tuurtay si dadka looga soo saaro. Nin ka mid ah dadkii bal hoostiisa laga soo saaray ayaa wuxuu yiri: Ar taraafikona sal daridan ku nacay. xaad balkaan isugu darteen shuraakuu ahaaye. ax axax axa xa xaaxaxax


enjoy for now

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar

Monday, July 24, 2000 - 02:14 am
gah gah gah gah shuraakuus ahaa yaah!
nice one rijaal......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

axmed

Monday, July 24, 2000 - 05:57 am
rijaal


that is cool, keep up the good work

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rijaal

Unrecorded Date
waa baa wiil iyo aabihii ayaa maalin walba waxay mari jireen xeebta liido ayaga caano beec ah wata. Wiil kii iyo aabihi waxay isku afgarteen in gaalada ay caddaysay badda ak ku dabaalanayaan maalin walba.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa wiilkii wuxuu aabihiis ku yiri "Aabbo si aan u caddaado waxaan rabaa in aan biyaha ku dabbaasho". "Hayebo igaarkeey" ayaa odaygii oogu jawaabay wiilkiisii.
Hase ahaatee wiilku dabaal ma aqoon. Biyihii ayaa liqay. Odaygii markuu arkay wiilkii in baddu marna liqayso marna uu soo baxayo ayuu wuxuu ku yiri wiilkiisii:

"IGAARKEEY! MAHA AGTAADA AH FUUQSO OO FUD KASOO DHEH"

Enjoy for now

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rijaal

Unrecorded Date
Bari baa meel magaalada Gaalkacyo dhinaca koofurta ka xigta waxaa lagu iibinjiray hubka iyo rasaasta. Nin ayaa qori suuqaas ka soo gatay.

Hase ahaatee sida loo rido ma uusan aqoon. Qorigii oo xabbadihii ku taaganyihiin ayuu latagay.

Ciddisii markuu uu tagay ayuu hal xabbad riday. Dadkii oo dhan ayaa isku soo baxay. Waxay ku jawaabeen "ar jeer wacanaa. Ar mar kale u naq". Hase ahaatee qorigii waa dhici waayey. Ninkii wuxuu yiri "Ar dhici waa". Nin kale ayaa wuxuu yiri "Ar Caddaan joolaxaa ummada jirrab ehi ugee". Caddaan Joolax markii loo tagay ayuu wuxuu yiri" Ay dhanka buuran is xiji oo dhagta qabo" "Ar dhici waa" ayay ku yiraahdeen. Caddan Joolax wuxuu haddana yiri "Ar dhanka dhuuban is xiji oo dhagta qabo" "Ar dhici waa" ayey ku yiraahdeen. Caddan Joolax wuxuu yiri:

"AAR HADDDAAAN GARTAY! MIDHII DHACDAY DHIISHEEDIIYAA KU JURTA"

eNJOY FOR NOW