We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
| | Unrecorded Date Anigoo ah Khalif A Dirir ayaan waxaan baafinayaa dhalinyaradii Xaafada Madiina gaar ahaan Aarikada iyo Farmasiye Fahmo oo ku yaalay jidcada u dhawaa silaka Ameerikaanka markaa fadlan qofkii daganaa halkaa hayla soo xidhiidho emailkuna waa Buhodle@hotmail.com ama dirir99@yahoo.com waad mahadsan tahay.
|
| | Unrecorded Date HI! Magacayga waxaa la yiraahda Sharmarke isla markaana waxaan ka mid ahay dadkii daganaa melihii aad kor ku soo sheegtay ka mid ahaa dhalinyadii "kubada" u cayaari jirtay xafadaas ee la oranjiray "JUBBA" hadii aad wax ka garaneyso. Waxaana aan daganaa siliga Amerikanka.
|
| | Unrecorded Date Waryaa sharmaake waan garanayaa Kooxdii Juba oo kubada ciyaari jirtay marmarna aadi jirtay Xeebta Jaziira waxaa waan garanayaa wiil sharmaake la'odhan jiray markaa inaad tahay adiga iyo mid kale ma'aqaan wiil layiraahdo Jamaal Maxamed iyo farxaan magaranaysaa? ila soo xidhiidh iina soo dir emailkan hoos ku qoran. Buhodle@hotmail.com mahadsanid
|
| | Unrecorded Date Reer Madiina Salaan Dhamaantiin Waxan raadinayaa dhamaan asxaabtii aan isku classka ahayn 8X-Cali Xuseen ee deganayd Farmishiyo Fahmo agtiisa qaas ahan Aamino Yusuf, Aamino Cismaan, Ubax, Cayni, Shugri, Jerry. Hadaad aragtaan qoraalkan iisoo jawaaba. Ubax and Jerry last heard and seen in Kenya.
|
| | Unrecorded Date Jawaab celin to khaliif. war ninyahow koley ma u maleynayo isla markaana ma aqaano in qof kale oo sharmarke la oran jiray inuu xaafadayada daganaa, calaa iyo xaal waxaan u maleynayaa iney sidaas ahayd balse ninyahow anigu waan ku garan waayey, waxaanse kaloo ku waydiinayaa dhalinyaradii aad la socon jirtay amabase aad isla socon jirteen ma ii sheegi kartaa hadii aan wax ka garan karo iyo hadii kale.Ragii aad kor ku sheegtay waxba kama xasuusto.
|
| | Unrecorded Date Walaal sharmaake run ahaan dhalinyarada kumaan jirin laakiin waanu isnaqaanay hadii aan kaaga sheeko qaar kamida waxaan aqaanay Qaamay iyo C/salaam markaa kuwaas ayaan hada kaxasuustaa ii soo jawaab
|
| | Unrecorded Date WAR WAX BAARBE DHIGAN JIRAY MA IDINKU JIRAAN??
|
| | Unrecorded Date sxb aniga ayaa ahaa dhalinyaradii dugsi sare baaare.kahorna waxaan ahaa dhalinyaradii x.x.giire ee kudheganaa baaarbe isu keey sheegba bal inaan ku garto
|
| | Unrecorded Date WARYAAYA ANAA REER MADIINO AHAAYE OO DHIGAN JIREY DUGSIGA MACALIN ABSHIROW IYO SCHOOL SIYAAD CLASSKA 7AAD HADAABA CIDII IGARANEYSA IGALA SOO XIRIIR MAXD10@HOTMMAIL.COM WAXANAN JOOGAA DALKA INGIRIISKA
|
| | Unrecorded Date Salaamad dhamaantiin, halkan waxaan ka salaamayaa dhamaan dhalinyarradda reer Madiina waxaan ka mid ahay dhalinyaradii reer madiina ee deganaa aargadda agteeda, waxaan ka baxay dugsigii Ali xuseen, kadib,a waxaan ku wareegay Sare wadajir, ilaa intii dagaalku ka dhacayey xamar, haddaba waxaan doonayaa inaan idin waydiiyo gabadh dhigan jirtey labadaa dugsi deganeyd xaafadda ubax kuna magacdheerayd ladan abdirahman awil, walaal dhamaantiin waad salaamantihiin, wixii information ah iigu soo dira emaylkan, osman haji abdi akabe kuna magacdheer Kaiser, waxaan ahay ex-madina, ciyaal aargadii iyo ciyaal juba labaddaba. osmanakabe@hotmail.com ama oali@adnoc.com
|
| | Unrecorded Date jawaab celin Muna, walaal muna waad salaaman tahay salaan kadib, waxaan doonayaa inaad informationka aad na soo weydiisey kaaga jawaabo, sidoo kalana waxaan jacelahay inaad iiga jawaabtid suaalahayga wixii aad ka garantid. Amina Yousef, maalintii subixii xamar dagaalku ka bilowday ayaan ugu tagney gurigeedii aniga iyo laba hablood oo kala ahaa Ladan Abdirahman Awil iyo gabadha aad raadineyso Aamina Cisman, salaan kadib, waxay noo sheegeen iney Waqooyi iyo hargeisa u kacayaan, intaas ayaan gabadhaas kaaga sheegi karaa, gabadha kale ee la yiraahdo Aamina cisman waxay ku qabatey Itoobiya, kadib markii loo sheegay in walaalkeed dhaawacmay, kolay qaar kaloo reerka ka mid ahna, waxbaa gaadhey, warkaa waxaa lay sheegay inigoo jooga kismaanyo. Shurki Abshir waxay ku nooleyd Kenya waxaan guursadey Wiil ay ilmaadeer yihiin, sidaa ayaa laygu yiri. Walaal Muna kuma garan adiga balse dadkaad raadineyso ayaan gartey, balse hadaad dadkan wax ka garatid ii soo sheeg. (1) Ladan Abdirahman Awil (2) Mursal (3) Abshir (4) Mohamed Shiekh (5) Saeed Qaldaan (6) Ahmed Mareexaan (7) Xamdi iyo dhamaan cidii aad garaneysid , walaal waa ardeydii Kariska u gali jirtey Ali Xuseen, Sidaas iyo nabad galyo oali@adnoc.com ama osmanakabe@hotmail.com
|
| | Unrecorded Date to kaisar waalagu salaamay walaal salaan akabib dadka aan soo sheegatay waxaan war kahayaa AXMED mareexaan oo iigu wardembeysay baardheere somalia 1996 waxaan kawadaa axmed mareexaankii kujirey ciyal faay ina adeerkeyna weyaan hadaad ninkaa kawado waalaguu haayaa anigga hadaan isu ka sheego waxaa la iyiraahdaa max'ed canjeex degenaa xaafada ciyaal JUBBA jidcadaha agtiisa jaaw
|