Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Baafin - Missing Persons: Archive (Before Mar. 13, 2001): Waxaan raadinayaa gabar magaceeda la yiraahdo "Sahra Ololdiinle"
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed I.

Sunday, December 03, 2000 - 08:23 pm
Sahra Ololdiinle waxaan wada dhigan jirnay oo ka wada baxnay dugsiga dhexe(waa markuu ahaa dhexe e)Sakhaawudiin sanadku markuu ahaa 1977kii. Sahara waxay xamar ka deganaayeen xaafada Hodan gaar ahaan agagaarka carwda cusub gurigooduna saarnaa
laamiga kaasaboblaare ama wadada shaqaalaha tagta.
Waxaan waqti hore ku maqlay inay degantahay magaalada Kitchener Ont Canada, hadaba cidii garaneeysaa fadlan halkan iigu dhaaf aqbaar.
Waxaan doonayaa inaan idin xusuusiyo in gabadhan oo ay u badan tahay inay xaas tahay aanan dooneyn in aan dhibaateeyo reerkeeda, My intentions are good ones which is only to touch base with her.

Mahadsanidiin dhamaantiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Monday, December 04, 2000 - 01:24 pm
WALAAL

Anigu ma garanayo gabadhan laakiin waxaan kuu rajeeynayaa inaad la kulanto waa waqti aad u dheer
waxaanse la yaabanahay sida aad isu garandoontaan markaad is aragtaan.
GOOD LUCK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayaan

Friday, December 08, 2000 - 10:26 pm
Walaal Salaan Aniga Ayaa aqaana Sahra iyo reerkoodaba waxay hada degen tahay Vancouver, Canada Waxayna leedahay Laba Caruur ah markii igu danbaysay Waan ka xumamahay hadii aad filaysay inay weli gabdh tahay I hope this wiil be of help to you.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed I.

Monday, December 11, 2000 - 10:01 pm
Walaal Ayaan aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay
aqbaarta aad halkan iigu dhaaftay, Hase yeeshee waxaa ka sii wanaagsanaan lahaa adiga oo ii dhaafa address ama telefoon ama cid kale oo aan kala xiriiro.
Haddii ay dhacdo in mar labaad aad soo booqato halkan fadalan ii dhaaf war yar hufan, mar kalena aad baad ugu mahadsan tahay aqbaarta aad ii dhaafatay.
Mohamed I.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed I.

Wednesday, December 20, 2000 - 07:00 pm
Walaalayaal
Ciddii wax war ah ka heeysa "Sahara Ololdiinle"
fadalan iigu soo dira Emailkan:
DAH145@HOTMAIL.COM

Mahadsanidiin
Mohamed I.