Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Baafin - Missing Persons: Archive (Before Sept. 29, 2000): Waxaan baafinayaa dhamaan Reer Waaberi Afisioni,21 October, agagaarka misaajidka Muuse Boqor
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Salaan dhamaan dhalinyarada Waaberi iyo nawaaxigeeda ku noolaa
Cidii ku nool ama ku noolaan jirtay xaafadaha aan kor ku xusay please igala soo xiriir kaafia@yahoo.com
Aniga waxaan ku noolaa beerta agteeda meeshii lagu ciyaari jiray kubada cagta, waxaan ka baxay dugsiga hoose dhexe 21October.

xiriir wacan meel kasta oo aad joogtaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Asad (Public user)

Unrecorded Date
kafia gacaliso waan kusalaamay calashaan waabari darteed ani waa asad oo daganaa via leeybeeria

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
kafia waa kusalaamay walaashiis aniga waxaan daganaa xerada gudeheeda dabcan waxaan qiyaasaa waxaad daganaydeen farmashiyaha agagaarkiisa sidaan qoraalka kadareemayo.
jaaw ismaqal danbe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaafia (Public user)

Unrecorded Date
WOW! reer Waaberi!

Asad and Anonymous waan idin salaamay Abooweyaalow waan fiicanahay aniga idinkana qeyr ayaan idin rajeynayaa waad ku mahadsan tihii inaad boggan soo gashaan oo aad baafintayda dhinac igala qabataan. Asad and Anonymous e-mailkayga waakaas ila soo xiriira hadii aad awoodaan aniga iyo reerkeena waxaan joognaa USA dhib ma jiro.

Asad Via Liberia Alkula, C/llahi Farax, Saalim, cali siigaale, Kaynadiid wad taqaanaa bay ila tahay well kama dheeri meeshaas koley:-)

anonymous aboowe xerada dhexdeeda waxaan ka aqaanay oo kaliya Reer Nuur Aadan, Reer Luga-yare iyo reer Juqraafi, reer Maxame Cartan inta kale ciyaal 21 wejiyadooda hadaan arko waan soo qaban karaa.

Xiriir wacan walaalayaalow bogan sidaan u furay kuma soo noqon oo waxaan islahaa waa la baabi'iyay well hadaan arkay I hope inaan xiriirno iskana war hayno insha-allah.

Fasal ayaan u cararaayaa nabadeey wiilasheena:-)

Kaafia

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MASUUL (Public user)

Unrecorded Date
salama calaykum kaafiya and asad waxaan dhigan jiray 21 October laakiin waaberi ma daganayn waxaana la lod ahaa hadaad taqaanaan HAYKAL JOHN GAARANE EELAAY, ABOKAR IYO DHALINYARO FARABADAN OO AAN HADA ILOWSANAHAY HADDII AAD TAQAANAAN WALAALAYAAL ILASOO XIRIIRA E-MAILKAYGA WAA MASUUL@HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kaafia

Unrecorded Date
Hi Masuul

Gaarane deris ayaan ahayn waan kasaayaa oo waxaa igu maqaalo ahayd inuu joogo Dalka Yamen magaalada Cadan I don't know the other two guys.

Bye
Kaafia

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdi Caziiz

Unrecorded Date
Salaan dhamaan dhalinta waaberi.
Magacayga waxaa la yidhaah Cabdi Caziiz waxaana aan deganaa Reer san Libaax dhinacooda ilaa iyo 1969-kii.
Waxaan ka baxay dugsiga hoose/dhexe ee 21 October 1981-kii. Kadibna waxaan Reerkayagu u guuray Casa-Popolare 1983-kii. Laakiin weli waxaan la socon jiray Ciyaal waaberi.
Mahad Rooti
Axmed Jebiye
Iyo dhalin kale oo faro badan.
Cafiif@aol.com
Salaama Calaykum
Cabdi Caziiz

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
hi dhamaan reer waaberi
waxaan deganaa masaajidka agtiisa waa masaajidka muse boqor
waxaan ka baxay jamaal cabdi naasir ,laakiin dugsigii hoose waxaan dhigan jiray jigjiga ama ganjeelada hadba saa u taqaaniin
waan ku faraxsanahay in aan arko reer waaberi oo is radinayo.
asha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
hi dadaka xerada deganaa ma taqaniin wiil la dhaho hassan xiito iyo c/risaq daroogo hadii aad taqaaniin ma ii sheegi kartaan meeshay ku danbeeyeen.
asha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faal-Gurey

Unrecorded Date
Salaama Calaykum.
Anonymous Xasan Xiitaha kii oo iskoolka Badda dhigan jiray maahoo? Oo dugsiga Macalin Baxraan hortiisa deganaa? Eedo Seenab wiilkeeda?
Cabdirisaaq Daroogana, Cabdicasiiska Eeyga maa ka wadaa isagaa Daroogo la dhihi jiree?
Oo Cabdi Talyaani, Cabdi Abuukar Hiiliye iska soo hor jeedeen iyo Cismaan Madaxeey isku dhegenaayeen?

Akhyaarta Waaberi salaan sharaf dheh horta mida labaad ma ii faaydiinoo?
Ciyaal Waaberi saaxiibo run aan eheen oo isku Ciyaal Banooni ah. Ani Ciyaal 4waarto aan ahaa.
Jidka taleex.

banaadir@prodigy.net

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
hi faal gurey
waa ku mahadsan tahay inaad isku dayday inaad ii hesho dadkaas laakiin aboowe ma aha kuwaa sheegaysid , wiilashan waxay deganayye xerada
bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdicaziiz

Unrecorded Date
Waraa faalgurey waa cabdicaziiz saaxiib isoo dir Email Cafiif@aol.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

omar

Unrecorded Date
waxaan raadiyaa gabar daganeyd waabari beeta akteeda oo la dhaho DEEQO AHMED ALI walaal adinkaa reer waberi isla hadii aad taqaanaan igala soo xiriiri somali2@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Haa walaguu yaqanaa Hassan Xiito oo reer Afisioni ahaa waa Xassan Ahmmed Shiikh oo waxaa la dhashay Showkax, Nuune ,Abdinasir, Abdifataax , waxaana loo yaqaana reer Ambio.
Xassan xiito Canada uu joogaa. sidaas ula soco asha walaaley .
bye,bye.sis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

habon

Unrecorded Date
To anonymous waa ku salaamay waana ku mahadsantahay sidaa iigu soo sheegtay hasan hiito ma u sheegi kartaa in halkan laga baafinayey waxaan rabaa inaan la xiriiree ama hadii uu E-mail adress leeyahay i soo sii
bye walaakiis.


To faal gurey
walaalkiis bageka kale ee reer waaberi aa ku arkay adoo leh asli curi ninyahow dad aa isoo xasuusisay asli curi deris aa ahayn aboowe intee ku danbeeysay oo aabeheed duq muuse la dhihi jiray xataa soomaaliya markii la joogay ma arki jirin.
bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAMED HUSSEN

Unrecorded Date
saxiibayaal reer waaberi,

aniga waa faaya magacaygana waxaa la dhahaa maxamed xuseen xagaafe afisyooni iyo waaberiba wwan daganaa markii hadii aad war isku haysaan aniga emailkaygu waa kukuman@sprint.ca wada xariir wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wabari

Unrecorded Date
waaaaaan idin salamay aqiyaarta, all waabari people, waabari 4ever,Love and piece to ya all,
hi all .aqiyaarta waan idin salamay,, war wax reer eeriya tareebiyaano,muuso boqor daganaan jiray ma idinku jiraa,,mail me, amad23@hotmail.com cioa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Luuley

Sunday, August 20, 2000 - 06:00 pm
Kafia:
Macaaney waxaa dagnaan jeri masaajidka Muusa Buqur
aktiis, Daris waxaan aheyn reer Musa Khalid
waxaan xasuusta reer Dhalbaas iyo reer Shariif
waa iga salaamantahey macaaney.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

haboon

Tuesday, September 12, 2000 - 06:52 am
hi luuleey
abaayo anigana meesha aa sheegaysid aan deganaa
bal isku key sheeg waxaaba laga yaabaa inaa tahay gabdhihii asxaabteydee.
reer muse khaalid wax badan ma noo dhexeyen iyo reer dhalbaasba.
bye
haboon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cayuuni

Sunday, December 31, 2000 - 06:28 am
to: all ciyaal wwaberi
waan idin salaamay, akhyaareey wiilal iyo gabdho waxaan idinka codsayaa hadii aad taqaanin wiil la dhaho SHAMSIDIN oo degenaa iskool waaberi cusub agtiisa, oo ay walaalo ahaayeen yackoogii macalinka ka ahaa iskool waberi cusub, hadii aad garaneysaan ila soo socodsiiya akhbaartiisa, aniga waaberi ayaan degenaa jiray laakiin waxaan u guurnay shingaani, anoo yar saa ma u xasuusto hada,waxay daris ahaayeen Cumar aa dhaleey oo fanaanka eh iyo reer muuso qoobey ama BAASHOW iyo BAAXASAN cidda aabahood dantistaha eh. fadlan yarkaas qofkii kasaayo, halkaan ha iigu soo jawaabo. thank you.