Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Baafin - Missing Persons: Archive (Before Mar. 13, 2001): Waxaan raadinayaa ardeydii 8aadka ugu dambeeyey (1989/90) ee dugsiga hoose dhexe ee Yasiin Cusman gaar ahaan 8B.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zazy

Wednesday, February 21, 2001 - 05:18 am
s/c

Haddii aad ka mid tahay ardeyda aan raadinayoo igala soo xariir boggan ama:
zahra@freemail.it

Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ruqiya

Wednesday, February 21, 2001 - 07:12 pm
To ZaZy
marka hore waad salaaman tahay
salaan ka dib walaal
waanna ku farxay mar alla markaan arkay
ama maqlay qof leh waxaan dhigan jiray yaasiin
Cismaan. Walaal aniga waxaan dhigan jiray
Yaasiin Cismaan koowaad ilaa todobaab sanadkii
1990ka ayaan waxaan ahaa 7aad sideedaadkana
waxaan ka kasi jiray gabar la dhihi jiray
Sundus haddii aad garanayso gabadhaas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zazy

Thursday, February 22, 2001 - 02:13 am
Ruqiya
Waan kaa qaaday salaanta ee adigana iga gudoon salaan diiran.Aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay, waan ku farxay jawaabtada.
Haa waan aqaanaaa sundus maxaa yeelay waxaan ahaan jirnay isgu galaas.
Macaaney ma ii sheegi kartaa xagey ku dambeysay?
Ina soo sheeg haddi aad taqaanid qofkale.
Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ruqiya

Saturday, February 24, 2001 - 01:39 pm
To;ZaZy
walaakiis waad kaa gudoomay salaantaada
waadna ku mahadsana tahay
ZaZy horta anba Sundus waxaan ku aqaanaa
walaasheed aan isla dhigan jirnay isku fasal
waxaanna ahayn loodadka idinka hooseeya
7 T aan ahayn. walaal markii iigu danbeysay
ayaa waxaa laygu sheegay inay joogeen
Italy, ayaga iyo Tirii hadaad taqaano ayadana waxay dhigan jirtay 8Blabadoodaba
waxaa laygu sheegay Italy.
Laakiin waan ka xumahay wax address ah kama
hayo wiil kalina waan xasuustaa oo
la dhihi jiray Xasan Jilacoow
asna markii iigu danbaysay aan ku arkay
nairobi, Kenya asna sidoo kale nasiib xumo
wax adderss ah kama hayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

boss

Saturday, February 24, 2001 - 09:20 pm
hi all
waad ku mahadsantihiin aroorinta aad aruurinaysaan ardaydii schoolkeena,anigu waxaan ahaa ardaydii dhigan jirtay i990 faslka 7b waxaana la i yiraahdaa mahad yre waana ku faraxsanahay inaan soo galo bogaan,walaal ruqiyo isku kay sheeg waxaa laga yaabaa inaan ku garto maadaama aan 7aado isla ahayn,7t waxaa dhigan jirtay walaasheey gabar ah oo la oran jiray layla hadaad garanaysid sidaas iyo xiriir wacan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ruqiya

Sunday, February 25, 2001 - 12:18 pm
To Boss
waad salaaman tahay mahad yare
walaal salaan ka dib
waad ku mahadsan tahay soo booqashada
aad soo booqatay bogaan
walaal ii sheeg bal Layla ayo
magaceeda oo sadexan ii sheeg walaal
inaan gartaa laga yaabaa.
Mahad yare waxaan ku weydiinaa hadaad
ahayd 7B ma taqaanaa Caaliya Cabdulle Canshuur
gabadha la dhihi jiray ayadana waxay dhigan
jirtay 7B iyo Nimco hadaad taqaano
aniga 1aad ilaa lixaad waxaan dhigan jiray
B 7aad lee la i keenay T bal haddii aad intaas
aad dhigan jirtay yaasiin cismaan si fiican
isugu kay sheeg inaan ku gartaa laga yaabaa
Laylana hadaan ani ga garan waayo gabar kale
ayaa magaalada ila joogto oo ayadana
dhigan jirtay7T ayadaan weydiinaa haday xusuusato.
is maqal danbe oo wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

boss

Sunday, February 25, 2001 - 07:12 pm
TO:RUQIYA
walaal waan ku salamayaa
salaan kadib aad ayad ugu mahdsanthay jawaabtii qiimiga badnayd ee aad isoo siisay,walaal gabdha waxaa la yiraahdaa layla axmed cali waxyna ahyd 7bwaxyna joogtaa hada magaalada mpls.mn,usa,waan garanayaa nimco oo si fiican ayaan u xasuustaa walaal hada xagee ayeey ku danbaysay nimco,walaal iisoo sheeg hadaad ogtahay,walaal anigu waxaan daganahay gobolka montana.usa,walaal adigu xgee joogtaa bal isoo sii warkaaga waxaa laga yaabaa inaan ku garto,waxaa magaalda mpls jooga yar 7b ahaa oo la yiraahdo,c/rashiid sidaas iyo xiriir wacan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zazy

Sunday, February 25, 2001 - 11:49 pm
S/C
Walaal Ruqiyo aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay jawaabtii aad ii jawaabtey. Waana ka xumahay in aadan heynin adresska Sundus maxaa yeelay dagaalkii ayaa iigu danbeysay.Tariig aniga xataa waan is maqalney mana ku noolo Italy ee wexey ku nooshahay England. Wiilka aad ii sheegtay ma xasuusto si fiican ma iigu sheegi kartaa.

Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ruqiya

Monday, February 26, 2001 - 04:36 pm
To Boss
waad salaaman tahay
salaan ka dib walaal Layla
weli ma garanin laakiin gabar kaloo
ayadana aan isku class ahayn oo hadda
joogto mnpl MN ayaa ii sheegtay gabadhaas
layla inay jirtay laakiin ma xasuusto walaal.
Mahad yare walaal aniga hadda waxaan joogaa
Fargo, ND waa meel u jirta mnpl sadex saacadood
Mahad aan isku kaa sheego ma xumee qof aad ka
xasuusato classka T ma jiraa? bal ii soo haday
jiraan qof aad classka T ka xasuusato haday jiraan, Nimco waxaan keliya kugu soo
sheegay inay dhigan jirtay classka 7B
micnaha si aan u ogaado inaad dhigan
jirtay iyo in kale .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ruqiya

Monday, February 26, 2001 - 04:42 pm
To ZaZy
salaan wacan Abaayo
salaan ka dib abaayo
Xsan jilacoow kaliya ayaan ku kasi jiray
wiilkaas waxa loogu sii daro ma aqaan
ooh Sundus adaaba iiga war danbeeyey
aniga maalinta ay iskuulka noogu
danbeeyey ayaa ayada iyo walaasheed oo Samiira
la dhihi jiray iigu danbaysay.
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

boss

Thursday, March 01, 2001 - 03:07 am
to ruqiya
walaal salaan kadib,iga raali ahow ayaamahaan waan yara mashquulay,walaal T waxaan ka xasuusataa dhowr wiil sida c/nuur,bidaartey,mahamed qani,iyo wiilal kale gabdhaha iyaga sidaas uma sii xasuusto,laakiin hadi la isoo xasuusiyo waan garan lahaa ayaan u malaynayaa,walaal sidaas iyo xiriir wacan,
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ruqiya

Thursday, March 01, 2001 - 06:08 pm
To,Boss
salaan wacan
mashquulka waa laysku wada qabaa walaal,
keligaa ma aha malagula yaabaayo.
aboowehiis hadda waxaan xoogaa yar
kaa soo xusuusinaa gabdhaha dhigan
jiray T Niciimo, Sahro, Hodan, Deeqo,
Siciido, Ifraax, Shamso, Fardowso,
iyo kuwo kaloo badan. hadaba intaas
yaad ka xasuusataa ii soo sheeg.
weliba aniga hada kuwo badan ayaan
xasuustaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

boss

Thursday, March 01, 2001 - 07:44 pm
to;ruqiyo
walaashiis waan ku salaamay,abaayo waxaad moodaa inay magacyadi isaga kay dhaxdaadteen oo aan kala garan la`ahay gabdhihi sababta oo ah waxaa ka soo wareegay wakhti dheer,mana ahayn anigu 7t laakiin gabadha ayaan waydiinayaa intaas oo dhan,adigu 7b wax ma ka xasuusataa,teeda kale markaad U.S.A timi CID maa noqotay xay tahay su`aalaad raaxada iiga qaadee,kaftan abaayo hadaad ka xasuusato 7b ii soo sheeg
mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ruqiya

Friday, March 02, 2001 - 07:51 pm
To, Boss
salaan wacan
ciida laba beri ayaa ka dhiman
ciid wanaagsan marka ugu horeysa.
walaal su'aalahan badan waxa iga keenay
waxa waaye wax buufis la dhaho hadaad maqashay
ayaa igu dhacay dagaaladii ka dib
sow, ha u bixin
hahahahah i like it xay tahay.
gabdhahaas mid ka mid ah ayaan ahay hadaba.
j

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

boss

Friday, March 02, 2001 - 09:21 pm
to;ruqiyo
walaal salaan kadib aad ayaad u mahadsantahay,ruqiyooy su`aal aan qabaa,su`aashaas waxay tahay meehsaan ardadii kala dhuntay ee schoolkeena maa la ururinaayay mise ardadi caqligooda aa la fiirinaayay oo hal xiraale aa lagu tijaabinayay,waan kuu sheegay waxaan ku iri gabdhihi hada sifiican uma xasuusto hadaad is sheegtid maxaa ku jaban,mise waxaa khasab ah in lagu soo xasuusto,ruqiyo lakadnimada iska daa is cadee qofyahay,waxaas oo dhan kaftan waaye yaah
byeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ruqiya

Sunday, March 04, 2001 - 10:14 am
To boss
salaan wacan
walaalkiis waxaasoo su'aal kaftan lay
iga aheed sow don't worry .
waxaad igu leedahay isku kay okay
aniga waxaa lay yiraahdaa Ruqiya sheikh
Abuukar waxaan dhigan jiray 7T.
hadaba Ciid wanaagsan adiga iyo dhamaan qofka
soo booqda pagekan.


ZaZy
salaan wanaagsan
Abaayo Ciid wanaagsan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zazy

Sunday, March 04, 2001 - 11:43 pm
Ciid wanaagsan
all of you

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

samiiraa

Sunday, March 04, 2001 - 11:54 pm
ciid wanaagsan

marka hore iga gudooma salaan qiimo badan.
waxaan idiinla socodsiinlahaay aqyaarta kalaaska 7b dhigan jiray, inaan walaalana nahay sagal hadaad xasuusatiin, iyo waxaan idin raadinaaye oo kale shiine oo holland jooga.

wixii dhiman waad iga maqli doontiin.
take care all