Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Baafin - Missing Persons: Archive (Before Sept. 29, 2000): MAANDEEQ YAA ARKAY?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin (Public user)

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Waxay ahayd mid Ilaahay qurux iyo joog u dhaliyay. Waxay ahayd mid aan har iyo habayn ku hadaaqo. Markii iigu dambaysay gacal iyo geesi baa garabkeeda joogay. Markii iigu dambaysay madab dhalaalaya iyo muunad qurxoon bay lahayd. Waxaa iigu dambaysay iyadoo joogta caradii geeska Afrika. Waan u hiloobay arageed waan jamtay muuqaalkeeda waana u dayrsaday dugsigeeda.

Waxaa la ii sheegay in ay dar xun tahay oo dayacantay. Waxaa la ii sheegay in ay gurtay oo gabow ka muuqdo. Cadho iyo cudur aan la aqoon baa ku dhacaa la igu yiri. Waxaan maqlay in ay rafaaday oo ay rifan tay.

Mayee way dhimatay bay qaar igu yiraahdeen. Dad baa ku dhaartay in ay aaskeedii joogeen. Qaarna waxay yiraahdeen rafashaan ku ogayn ee weli naf baa ku jirtay. Waxay igula taliyeen in aan samro oo waxay yiraahdeen samir iyo iimaan aakhiro waa loo wada socdaa INAA LILAAHI WAA INAA ILAYHI RAAJUCUUN.

Aniguse buur iyo bali, geed iyo god iyo xitaa haamaha waan ka baaray welise ma quusan oo laabtay iiga taal. Cilmi Boodhari anaa ka daran haddii run la sheegi oo MAANDEEQ maankaygay gadatay.

Waxaa la yiri wiil yar oo qaaday oo qaad cunaya iyo oday waashay oo waran la ordaya iyo mariid mid sitoo qabqable la yiraahdo iyo kuwa koodh xidhoo dagaal ooge loo yaqaan iyo kuwa koombo sitoo dunida yaboohsada iyo kuwa diiday mooyee aan wacyi gelin iyo arxan laawe hooyadii gablamiyay baa MAANDEEQ raaca.

Aniguse weli ma quusan oo qiiras nahayow qalbigaa i gubanaya. Qaran baan raadinayaa iyo Qawmiyad si mar kale MAANDEEQ aan gablay iyo wareegto ugu ciyaaro. Waxaan rabaa in ciil tiroon ciidan u noqdo. Waxaan rabaa in aan ilmada iska tiroon wax tabco. Waxaan rabaa in ay mar kale MAANDEEQ dunida looga mash-xaradoo la maamuuso.

Mase garanayo meel ay jirtee walaalow ma aragtay MAANDEEQ?

In Ilaahay kuu liibaano MAANDEEQ ma aragtay?

Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HILAAC (Public user)

Unrecorded Date
WALAALKIIS MAANDEEQ ADIGA KALIYA MAHAN INTA U OYNAYSA HADALKAAGA QIIRO AYUU I GELIYEY EE MAANDEEQ MA DHIMAN WAA NOOSHAHAY WAASE IL DARANTAHAY ILAAHAY AYEYSE CAAFIMAAD IYO NABAD KA SUGAYSAA RAG AAN QIIMAHEEDA AQOON AYEY U DHAXAYSAA ILAAHAY AYAAN KA RAJAYNAA INUU GACANTOODA KA SOO FURTO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaali-Doon (Public user)

Unrecorded Date
To: walaalkiin

Qayladhaanta Maandeeq iyo qaranka Somali olalaya.
Qaar baan kala jecleyn oo ka quustey waa hore.
Qaarna sidaada oo kale qorshe iyo qabanqaabin ku jiraan.
Qaarna waa hore iibsadeen oo qeybsadeen hilbaheedii.
Qaarna qiiqii lagu kala kacay qaxar iyo qarar soo jafayaan.
Qaarna xabaal bey u qodeen oo qiiro wadananimo iyo qaran daayeen. Qaarna magaceeda qaaliga ah bey jinsiyo qalaad ka qaateen oo.
Qaadirka awooda lahaayoo qiimaheedii iyo qarankayagii dib u soo celi.

Waa dhanbaal furan oo nin walba dhankaa wax uga dar oo uu sii dhiib Soomaali kii kuugu dhow.

Soomaali-Doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdul adam (Public user)

Unrecorded Date
salaam

Walaakayga dayacanow, war baan kuu hayaa MAANDEEQ sidii aad kaga timi ayay u qurux badantahay, waanay ka yartahay waxaanay kugu sugaysaa geeska afrika ee bal shaydaanka iskanaar oo nafta ha ka waalini siddi aydin isku ogaydeen bay weli kuu sugaysaaye bal mar kale ha kaga bixin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

baciid burgaloow dhawe

Thursday, September 14, 2000 - 06:40 am
wacan oo wanaagsan sxb ba yaal waxaan maanta halka ka joodinyaa inaa u baahanahay gabar ii shaqeeyso ama booyaaso ninba siduu u yaqaano .
waayo waxaan shaqeeyaa ilaa 6:oo am upto 5:30 PM hadana waxaan ku noqdaa 7:45PM sidaas daraadeed waxaan u baah nahay gabar ...xataa ha noqoto mid mustaqbal isla eegno ....


MAHADSANIDIIN