Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): Baafin - Missing Persons: Archive (Before Sept. 29, 2000): Baafin #%#%#%#%#%#%#%#% Allaw guutaale caynaanshiyo gaashaamo haybadin
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil.

Unrecorded Date
Waa gallad Eebbe e reer guutaale caynaanshaw
bal ila soo socodsiiya halkuu ku dambeeyey Cabdiqaadir Cilmi guuleed Askar
oo guutaale caynaanshe ah.
waad mahadsantihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M Araale D

Unrecorded Date
Waa mahad eeboo alleba ku bad Guutaale Caynaashe kolba hadaad maanta raadinayso C/qaaddir Cilmi.
Gaashaamona tolow maidhaahdaa adookle allow hanaga keenin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil.

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum.
M Araale D
Bacda salaan beydka aan meesha ku qoray waxaan uga dan lahaa uun inaan ku xoojiyo baafintayda hase ahaatee sida jawaabtaada ka muuqata gef baad u qaadatay.
Awalan adiga iyo inta kale ee xumaan uqaadataba raalli iga ahaada.
Araalaw haddii la igu yidhaahdo tuuladiina iyo Gaashaamo midbaa la bamgaraynayaaye kala dooro af kalaqaad uun baa iga soo hadhi lahaa.

Nin baa lagu yidhi hooyadaa iyo aabahaa mid baa larabaa in ladilee kala dooro, nikii baa hore jawaab looga waayey, kolkaasaa lagu yidhi wardee wax dheh, kolkaasuu yidhi afkaan kala hayaa illayn midna dil lama rabee.

Anigana xaalkaygu waa sidaas.

Ninyohow hadii aad ninkaas wax wara kahaysid bal meeshan igala soo xidhiidh

Mahadsanid walaal.