We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, September 25, 2000 - 02:39 pm hello yaa ka qayb qaadanaayo dhismaha jaamacada Baardheere. UNIVERSITY OF BAARDHEERE! magaaladan waxaa degan dad aad u badan waxayna mudan yihiin jaamacad. Fadlan taageera oo wixii talo iyo taakulayn wax ku ool ahba soo gudbiya. bisha juunyo ayaa la caleen saartay in la dhamaystiro dhismaha jaamacadaas. waxaa agagaarkan magaaladan ku yaal magaalooyin bulsho badan sida Sarinley. Baardheere waxaa maanta degan dad u dhashay somali wayn oo ka kala yimid afta gees ee dalka. qofkii rabo in uu soo ogaado arintan fadlan ka warso qof ka yimid magaaldaas 12 bilood ee la soo dhaafay. taageeradiina waan idinikaga mahad celinaynaa. wixii taageero iyo suaal ah kala soo xiriira saylac & yusuf in columbus zaila_jama@hotmail.com proposals for now qaraanka wuxuu socday ilaa iyo juun 2000..dadwaynaha waxaa account loo furi doonaa oct.15/2000..waa la isku raacay in mashruucan uu noqon doono kii lagu guulaysto. balan ayaa rag dhex taal. fadlan waxba ha reeban hadii aad joogto Maryland, Virginia, Twin cities of,MN, San Diego, CA, Columbus,OH, Oslo,Norway, Netherlands, Germany, Switzerland, Atlanta, Canada,Denmark iyo meel walba oo aad joogto. again Yusuf iyo Saylac oo leh let us build! build! build now! Library books waxaa la aruurin doonaa bilowga May 2001.insha Allah. [Istaq firullah Subxaana Allah Allahu Akbar] sadaqo ha kuu noqoto taageerada aad u bixisay horumarinta soomaali gaar ahaan Baardheere. magaalada dalka u fidisa khayraadka caanka ah ee beeraheeda. waxaa khayraadka ka soo baxa baardheere laga helaa xamar, boosaaso ilaa hargaysa. xaqiiqdii tani waa arin soo jiri jirtay jirtana maanta in Baardheere beeraheeda laga quuto meelo badan oo dalka ka mid ah. mahadIllah baa leh mahadsanidiin brothers & sisters
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, September 25, 2000 - 03:25 pm yes, Baardheere Beerihii Barwaaqadda. hada waxaa soomaaliya ka jira iskuulo u shaqeeya wax bara dadka reerahooda dibada jiraan. iskuuladaas xitaa ma hayaan wax u dhow iskuul caadi ah sababtoo ah dhaqaalaha, tirada iyo tayada intaba ma aha wax saa usii wayn. maadaaama ay u egtahay in soomaaliya maanta la dhihi karo dowlad ayaa ka jirta waxaa laga yaabaa in ay tahay markii ay ugu haboonayd in la furo jaamacado. taageero hoo ah waan idinla grab joogaa. xagee wax lagu diraa,yaase lala xiriiraa? Dalmar Farah canada
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, September 25, 2000 - 03:32 pm WAA NAKAN WAXAAN ISLAHAA QOFKAAN MAXAA BAAS EE UU SHEEGI DOONAA LAAKIIN ARINTA LAMA FILAAN AYAY IGU NOQOTAY DADKII LAHAA HINDISAHAAN ILAAH HA GARAB QABTO MAXAA YEELEY SOOMAALIYA WAY YARYIHIIN DAD WAX RABA INAY WAX KU TARAAN BEELO AY BAAHI KA JIRTO RUNTII WAAN KU FARAX SANAHAY IN AY REER OHIO XIL IS SAAREEN. DHALINYARO MAHADSANIDIIN. MEESHAAN DEGAHANAY XITAA WAAN KU ARAGNAY QORAALKIINA. WIXII NALAGA SOO CODSADO WAY BANAANTAAHAY IN AAN LAAB WANAAGSAN KU BIXINO. WAXAAN BOLTIMORE ISKU ARAGNAA ILAA IYO 4 QOF OO DHALINYARO AH TODOBAADKIIBA INSHA ALLAH WAAN KA QAYB QAADANAYNAA ARINTAN WANAAGSAN AHMED BITIYE
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, September 25, 2000 - 03:39 pm aslaama caleykum waan idiin ahmbalyeeynayaa. congratulations! good job. shaqsi ahaan waan idin taageeray 100% waligay ma tagin baardheere laakiin walaalahay ayaa ku nool waqtigan waxaana maqlay in ay ay magaalada uu dadkii ka batay. aad baa loogu baahan yahay iskuulo. 1997kii ayaa iskuul laga furay hal maalin gudeheedna waxaa buuxsamay registrationkii ilaa iyo seddex boqol oo arday ayaa saacado gudohood ku yimid meeshii diiwaan gelinta. waxaa ka akhriyay faaladan tiro siteka HIRDA Qof kale ayaa waydiiyey accounka wax lagu aruurinay sidan u fahamay waa Oktoobar. fadlan soo faahfaahiya. tawakal U.K
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, September 26, 2000 - 10:20 am siciid caato hey guys are there going to be two universities in Gedo, if so why not make one in kismayo as well. it's not that far from Baardheere. please whoever had the original idea, would you please,please entertain this third project? there are already over 100000 people in kismaayo. i know kismaayo is not part of GEDO but could you at least fund a much smaller university there since there alot of Gedoians in Lower Juba. this is in my opinion, the right thing to do. and yes, iam being very realistic here. s.CAATO
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, September 26, 2000 - 10:38 am alxamdulilaah ilaahbaa mahadleh War yusuf iyo saylacoow,mahadsanidiin milyan mar. dad badan ayaa riyooda daarana ku dhiso riyo ee arintan maxaa ka jira? hadii aad hirgelisaan caawimaad iyo caawimaad la'aanba, xasuusta in ajirkiina uu socon doona ilaa iyo maalinta qiyaame. sadaqo cilmi waa wax aan la soo koobi karin. dhisid iskuul waa waxyaabaha ugu sahlan soomaaliya maanta. aniga waxaan keenayaa boqol buug oo biologi iyo chemistary isugu jiro. buugta lagu qaato sanadka 1aad ilaa seddexaad ee jaamacada toronto canada. qaar jaamacada cambridge u.k lagu qaatana waan soo heli, insha allah. Caataa ii sheegay in lacagta aysan waxba ahayn. waxaan ula jeedaa in qokiiba wuxuu awoodo la waydiinayo. fadlan iisoo sheega qaytayda buugta ka sokoow. $100 u.s maanta ayaan soo dirayaa. iska ilaaba fikrada ah kismaayo. maxaa yeelay marka hore ha la gunaanado arinta U.B.. samatar
|