We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, September 29, 2000 - 04:43 am waxan radinaya qof wadankiisa jecel sida somalinimo iyo wadanimo... ku faan wadankagaa ee iska ilali qabyaladaa... aad ayaan u farxay markii la tirtiray dadkii qabyalada ka hadlayay ee halkaan isu yimid.. mar walba aniga xata waan tiritiri doonaa hadii qabyaalad la soo galiyo meeshan waan awoodaa habka si wax loo tirtiro.....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, October 07, 2000 - 06:47 pm TO: BOROFISOOR WALAAL SALAAN SHARAF LEH KA DIB WAXAAN KU LEEYAHAY ILAAHAY WANAAG HAKUUGU ABAAL MARIYO, WAAYO SOMAALIDOO IDIL HADDII AY DHANKAA WANAAGSAN U FEKERI LAHAYD WAX IS DILLAA MA JIREEN. WALAAL NIYADDAA WANAAGSAN ILAAHAY HAKUU ZIYAADIYO DADKEENA CUDURKA AAN DAWADA LAHAYN MASKAXDA KA GALAYNA ILAAHAY SI DHAQSO LEH CUDURKA HA UGA QAADO INSHA-ALAAH. WASALAAMU-ALEYKUM WALAAL.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, October 09, 2000 - 03:23 am BORO anf FOWZiya waad salaamantihiin dhalinyaro aadbaan ugu farxay in aan arkay dad aanu isku maskax nahay walaal layaal hadii aad doonaysaan ama ku tala jirtaan in aad wadankii ku noqotaan oo aad doonaysaan qof aad isku maskax tihiin oo idinla sheqeeya igala soo xidhiidha AAXUSEEN@mindspring.com
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, October 21, 2000 - 10:23 pm WAAD SALAAMAN TIHIIN DHAMAAN WAXAAD MOODAA IN BOGAN UU KA DUWAN YAHAY KUWO BADAN OON HORAY USOO ARKAY, RUNTIINA AAD BAAN UGU FARAXSANAHAY, WAXAANSE JECLAAN LAHAA HADII AY MACQUUL IDINLA NOQOTO INAYNU AASAASNO AMA SAMAYNO WAX AYNU OOGU YEEDHNO WACDI GALINTA AMA BARAARUJINTA DHALINTA QURBAHA KU NOOL SI AAN ULA DAGAALANO CUDURKA DILAAGA AH EEN ILAA HADA LLO HAYN WAX XAL AH WAA KA AYNU NAQAAN QABIILKA EE. WIXII FAAFFAAHIN IGALA SOO XIRIIR FATAH@DRIVERNET.COM. WAA WALAALKIIN SOOMAALIYEED OO IDIN LEH TIME IS RUNNING LET US CATCH-UP WAXA KA HARAY...
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, October 25, 2000 - 10:43 am TO:BORO,FOWSIYO,AXUSEEN AND ALFATAX Aad ayaan idiinku raacsanaahay.Waxaa tihiin walaalo jira.Becouse waxaa taqaaniin waxay soomaalinimada tahay, taas oo micnaheedu tahay "walaal". Walaalayaal waxaan ilaah kabaryayaa in inta hadda mugdiga oo ga jira waxa uu run ahaantii Qabiilku yahay in ilaahay si degdeg ah u tusiyo. Peace yours sister WARDA
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, November 06, 2000 - 12:13 am WAXAAN BAAFINAYAA JAAMAC CISMAAN QOWDHAN CIDII TAQAAN HA SOO SHEEGTO
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, November 07, 2000 - 10:41 am mukhtaar miskiin asalaamu calaykum walaalkayga qaaliga ahow waan ku faraxsanahay fikradaada ilaahayna hakaa ajarsii yo dadku isku fikrad ma aha waankugu raac sanahay maxaa yeelay qabiil khasaare mooyee faa iido maleh aakhiro iyo aduunba wadan kayga hooyana waan jec- lahay WARSAME@FREEZE.COM
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, November 09, 2000 - 03:15 pm QODOBKII UGU FAA'IDADA LAHAA EEN KU ARKAY !!!! WADAN WUXUU HORE KU MARAA WAA WADAN JACAYL AY DADKIISA U QABAAN NOT QABIIL JACAYL. WAXAAN RAJAYNAYAA IN AAN CASHAR KU QAADANO 10SANNO EE INAGA QASAARTAY HADDAAN SOOMAALI NAHAY.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, November 14, 2000 - 11:04 pm Dhammaan waxaan salaamayaa walaalaha Soomaaliyeed ee boggaan fikradohooda isku dhaafsaday, runtii waa bogga kaliya oo aan dhihi karo waa bogga waxgaradka, maxaa yeelay qeyba badan ayaan horay u booqday kuwaas oo niyad jab igu riday marka aan arkay qaabka Soomaalidu u wada dooddo, haddasa waxaa ii caddaatay in weli rajo jirto in la helo Soomaali u duuban mid nimadooda fahamayna in mid nimadu tahay midda kaliya oo ay kusoo ceshan karaan sharaftoodii luntay. Sidaa usii wada halgankiinna wacyi gelinta ah waad guuleysaneysaane. Waa walaalkiin Nur.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, November 15, 2000 - 09:17 pm dhamaan waad salaaman tihiin .waxaan idin oran lahaa somaali nimo iyo qurunkaas intaad iska dhaaftiin is kugu soo dhowaada islaam nimo iyo diin iyo iimaan siduu illah inoo sheegay ineey muminiinta oo dhan ineey waalaalo yihiin.....
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, November 16, 2000 - 02:46 am Waxaan lahadlayaa ninka magaciisa ku sheegay Madoobe oo ku sheegay qoraalkiisa Soomaali nimadu inay tahay qurun. Waxaan kuu sheegayaa Somaali nimadu inayan ahayn qurun ee qabyaaladdu tahay qurun, balse Somaali nimadu ay tahay qayb ka mid ah diinta, maxaa yeelay qof aan aqoonin xaqqa iyo waa jibaadka kasaaran ehelka,deriska iyo dadka ay qowmiyadda iyo dalkaba wadaagaan diin Islaam fara kuma hayo. Mas,uuliyadduna waxay u qaybsantaa mid guud iyo mid gaar ee sidaa ula soco. Kudhaqanka diinta islaamku waa waajib guud oo qof kasta laga rabo ayadoo loo fiirin qowmiyadda iyo waddanka uu kasoo jeedu, walaakin istix gelita, isqiimeynta, dhawrista sharciga iyo kala dambeynta, sugidda xuquuqda qof kastaba leyahay iyo ilaalinta deegaanka qowmiyad kastaba ledahay waa waajib gaar ah oo saaran dadka gaarka u leh deegaankaas ee sidaa ula soco iskuna day inaad garato walaalkaa aad diinta, soomaali nimada iyo waddanka intaba aad wadaagtaan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, November 20, 2000 - 12:00 am TO MADOOBE WALAAL QALAD AYAAD KA FAHAMTAY DIINTA SIDAAN FILAYO. WALAALNIMADA DIINTU WAX WALBA WAA KA HOREYSAA, SOOMAALINIMADA IYO WADANINIMADA MA AY DIIDANA DIINTU. LAAKIIN WAXAA ISKU MEEL GALI KARIN OO DAB IYO BAANSIIN ISKU AH WAA QABYAALADDA IYO DIINTA ISLAAMKA. MARKA QOFKU SI KASTA OO UU DIINTA U YAQAAN HADUU QABIIL AAMINSANYAHAY(KU DHAQMO) WAA LUNSANYAHAY(LOOSER) AMA WAA WAXBA QOFKAAS.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, November 24, 2000 - 02:14 am to am waa kuwasaaa
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, November 24, 2000 - 04:45 pm To sacad, waan kula caytami lahaa hadaad u qalantid!!!!
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, November 27, 2000 - 05:17 pm Waxaan aaminsanahay in qofka somaliga ah aysan ku xirnayn somalinimadiisu-what kind of religion he/she has. Maalin ay noqotaba somalia xor ayay noqon, oo guumaysiga qabiilka, evil warlods, iwm ay iska xorayn. Qof walba oo somali ahna wadankiisa sharaf iyo ixtiraam ugu noolaan, asagoo xaquuqdiisa la dhawrayo, wadankiisana meeshu rabo kaga noolaan karo, diintuu doonana haysan karo, colorkoo doonana ha ahaado. God bless somalia. God save somalia. I love Somalia and Somalis.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, November 29, 2000 - 01:51 am Ramadan wanaagsan dhamaantiinba. Walaalaha qiimaha lehoow waan idin salaamay bogani wuxuu ahaa mid aad ii soo jiitay oo i farax galiyay run ahaantii.dhamaan dadka halkan sida fiican wax ugu soo qoroow waad mahadsantihiin.waxaanan mahad gaar ah u gudbinayaa wiilkii fikradan iska lahaa iyo inta ku raacsanba ana waan idinku raacsanahay waayo waxaan jecelahay wadankeena hodanka ah ilaahayna ha inoo hagaajiyo inta wali qabyaalad dabada sii haysatana ilaahay ha garansiiyo wanaaga iyo wadanimada (aamiin).waxaan rabaa in aan wax yar dhaho wiilka isku magacabay MADOOBE adigoo iga raali ah walaalkayow bagan looguma tala galin in aan isku cayno amba aflagaadayno hadii aanad ku raacsanayn waxa meesha ku qoran inaad iska aamusto ayaa laguuqaatay.waxanan ku soo gabagabaynayaa ilaahay xumanta iyo samaanta haku kala baro(aamiin).walaalaha wax soo qori doonow inta aanad halkan wax kusoo qorin akhri horta waxa ciwaanku yahay. waan jeclahay wadankayga hooyo iyo cidii jecelba.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, November 29, 2000 - 06:50 pm Somalidda halkan fikradooda ku dhiibata dhamaan waad salaaman tihiin . Waddankeeni ILaah waa Inaan U barinaa in uu Ummadda Somaaliyeed oo dhan ILaahay nabad dhex dhigo,,,Tan kale waxaa aad u fiican . in si cilmiyeysan looga doodo !!! waxa uu Qabiil iyo Qabyaalad Ummadda Somaaliyeed faa'iddo u leeyihiin ,'' sidaan aaminsanahay Qabiiladda Somaaliyeed oo dhan intoodda badan waxay kasoo farcameen hal famali ,Isaq,Dir,Drood iyo Hawiye...Somalidda kalena waa dad ay is dhaleen kuna dhashay Somaliya Diin iyo dhaqanna aan isku mid nahay waana Somaali*** tan ah Qabyaaladda runti waxaa sabab u ah aqoon la'aan iyo Dhaqaale Xumme Ummadda Somaaliyeed haysata ? haddii Gobol walba Qayraadkisa uu soo saaro lana waddaago Waddanka intiisa kale ' !! aad ayey u fiicnaan lahayd 'taasna waxay nagga ilaalinaysa Qaladkii Muqdisho ka dhacay Ukunteenii oo dhan aan hal dambiil ku ridnay?? dhibaatadda maantay dhacday aad ayey u culus tahay dhalinyaradda maantay waddanku sugayana AQoon ,talo,Somalinimo, waa ka hurdaan waxayna Hoggaan ka sugayaan kuwa waddankii wali is haysta !!???????????????
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, December 01, 2000 - 06:39 am To Ali Ghedi, Salaan ka dib, markaan aqriyey ra'yigaaga waxay ila tahay qof wadankiisa jecel in aat tahay, therefore su'aal ayaan jeclaan lahaa in aan ku waydiiyo hadaad iiga soo jawaabi kartid ama qofkasta ee Soomaali ah iiga soo jawaabi karo: Waxaan fahmi la'ahay wadankan SOOMAALIA ee qolo walba rabta in ay kala qaybsato oo gobol walba wadan xor ah noqdo>>>>su'aashayda waxaly tahay wadankii loo soo dhintay ee gumaysigii horre u kala qaybiyey la isku keenay (marka laga reebo inta naga dhuntay) dadkii xornimada u dhintayl like dhagax tuur, xaawa taako.....etc.... ma waxay u dhinteen in wadankii kala qaybsamo haddana????? Dadka miyeysan taariikh Soomalia aqrinin?
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, December 01, 2000 - 04:17 pm salaan walalayaal qabyaalad wadankiine waata dumiseey ii inaga daaya oo illahay halaga cabsado,isku mid noqda isku dad ahaada. ramadan wanagsan
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 06, 2000 - 01:18 am to yusufabdukar waakusalaamay
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 06, 2000 - 02:35 pm Walaalayaal Waad salaamantihiin. I love you all for loving Somalia. Mid kastoo idin ka mida haddaan ag joogi lahaa, waan gacan qaadi lahaa. In aan arko walaalo dal jecel ka dib sida loo dulmiyay Somalia qiirad bay igu dhalisay. Indhahayga ilmo ka buuxisay. Kayaankaygay gilgishay. Thank you brothers and sisters. Ilaahay ha idin ka dhigo kuwii diintooda, dalkooda, dadkooda iyo naftooda anfaca. God bless you. God bless us all. God bless lovely Somalia. Amen ya rabbi.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, December 06, 2000 - 09:34 pm To AM , salaan ka dib ,Ramadaan wanaagsan ,su'aasha aad i soo waydiisay hadii aan fikradayda ka hadlo , Hooyooyinkii iyo Aabbayashii usoo dagaalamay dalka Somaaliya kana xoreyey gumaysiga ujeedadoodu waxay ahayd in ummadda Somaliyeed oo dhan ay mid ahaato inta ka maqana gumaysiga laga xoreeyo ,fikradaasna ay Somaalidda inteeda badan aaminsan tahay ,waad la socotaa dagaladi dhex maray Ethiopia iyo Somaliya lixdamaddii iyo kii 1977 . lakin arintii waxay xumaatay markii Odayaashi maamulka noo hayey Xukun jacayl awgiis ay waddankii iyo Ummaddii Somaaliyeed ka doorteen dantooda gaar ahaneed taasna keentay Qabyaaladdii oo aad u Xumaatay ,sababna U noqotay Dagaalkii sokeeye ee waddanka ka dhacay ,kuwii gacanta ku dhigayna ,dhibaataddii ay meel aad u xun sii gaarsiiyeen ,.lakiin maantay waxaa xaqiiq ah Dagaalkan sokeeye qof maantay guul iyo nabad ku haystaa ma jiro [gurigaagana markuu dab ka shidan yahayna YOU WILL NEVER WIN ;;]marka waxaan rajaynaya in dabkan Ilaahay nagga damiyo ,waxanan aaminsanahay Somaali waa isku imanaysaa dhibatadana Insha Allah waa ka baxaynaa , Odayaashan hadda waddanka kala qaybinayana ,wali waxaa ka buuxa Colaad,Ciil,aargudasho,lakin danta dadka Somaaliyeed ayaa ka xoog badinaysa maalin walbana awoodoodu waa sii yaraanaysaa ,I think the process is already started , Xooggaa waqti ayey qaaadanaysaa . lakin waxaa aad muhiim u ah in dhalinyaradda Somaaliyeed Hurdadda ka kacaan , dhismaha waddankanna ka Qayb galaan?????. Waad mahadsan tahay Am su'aashaadda'
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 07, 2000 - 01:41 pm Ali ghedi, Aad ayaad ugu mahadsantahay jawaabtaada, waxaan ilaah ka baryeynaa in aan wadan yeelano sida ugu dhaqsaha baddan (AAMIIN) AM
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, December 07, 2000 - 01:59 pm s/Aleekum: Ramda Kariim,Ilaah waxan ka baryaa in Wadankeena noo hagajiyo,Qurbo faa'do maleh,ninki jecel qurbo isagee jirta laakin mar kasto waxan Ilaah ka barya in Somali Nabad ka noqto oo la wada laabto oo dalkeen wax daran iyo dadkeen,ani ahaan sidas ayee ila tahaye.Borofisor aniga kula jecel wadan.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 10, 2000 - 10:19 pm waad salaamantihiin daka halkan wax ku qoray oo dhan.waxan u malaynyaa in u ilaahy inaga aqbali doono ducada aan ducaynay wadankeenii qaaliga ahaa inta cudurku ku harayna alla ha ka daweeyo(aaamiin).
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 24, 2000 - 04:36 am Walaalayaal waxaan si sharaf leh idinka codsanayaa inaad ila soo socodsiisaan haddii aad garanaysaan labada wiil Mikaaíil Xaaji Xuseen oo markii ugu danbeeysay joogay magaalada Anahem California leyguna SHEEGAY IN uu aadayay MInesota. Mikaaiil waa reer Maanaboolyo. Waxaan kaloo baafinayaa Xasan Abuukar Maye (oo loo yaqaan Xasanoow Maleele) oo la dhashaySAHRO DAWO. Xasanoow Maleele waxaa leygugu sheegay inuu ku noo yahay Ameerica VIrginia ee qofkii yaqaana ha'ila soo xiriiro Magacaygu waa Cabdulqaadir Axmed Adress Kolpingstraat 115 6532WN Nijmegen Holland Emailadress: Cabdul@zonnet.nl Mahadsinidiin
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Sunday, December 24, 2000 - 08:17 pm To: Nur Thanks for your word of encouragements. Keep up the good work on your part. God bless you. "S"
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Tuesday, December 26, 2000 - 02:26 am Love to Somalia. God bless its people and land. Anonymous ("S" ![]() If u are "SA" aka kutuma in va con gurey con dobiyo con gas then my blessings to u too and ciid wanaagsan (u were close: on this page I am aka elmi not N). ILY. bye
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Saturday, December 30, 2000 - 01:23 pm ASALAAMU CALEEYKUM DHAMAANTIIN INTA BOGAAN SOO BOOQATEY walaalayaal mudo ayaan forumka somalinetka fiirin jiray horeyna uma arag laakiin aad baan ugu farax sanahay in aan caawo soo booqdo waa ilaah mahadii hadii aan arkey intaan qof oo soomaali ah oo waliba ra.yi isku raacsan walaalayaan wadankeenii waad la socotaan siduu u bur buray waxa burburiyeyna maaha wax kale ee waa qabiil marka siduu ilaah inoo sheegayba qabiil waa uu jiraa laakiin waa in laysku aqoon sado ee in leysku dilo maaha marka waa in aynu ogaanaa nimanka la yiraahdo hogaamiyayaasha soomaalida maaha niman u maqan danta umada ay sheegteen in ay hogaamiyaan ee waa niman u maqan dantooda marka waain aynu isku sheegnaa in ay doowlad xun ay dhaanto dowlad.aan marka inteenaan halkaan iskugu timidna wadankeena waan jecelnahay laakiin sideen wax ugu qabanaa? rayigeena waa in aynu ku darnaa sideen wax ugu qaban karnaa wadan keenii hooyo waa iyadoon qofna qabiil caayin oo aan dad wax u dhimin in aynu isku sheegnaa mida kale WAANO WAXAAN IYADANA WALAALAHEEY SOOMAALIYEED JECLAHAY IN AAN IYADANA LA SOCODSIIYO WAA KAAN OGEEYNEE IN CADAWGA SOOMAALIDA UU BADAN YAHAY IS LA MARKAAANA AY SOO BOOQDAA BOGAAN SOMALINETKA MARKA QOFWALBA WUXUU JOOGAA QURBO WUXUUNA YAQAANAA LUQAD MARKA ISKUUGU FAANI MEEYNOE AAN ISKU DAYNO IN AFKEENA HOOYO AAN WAX ISKUUGU SHEEGNO IGA RAALI NOQDA HADII AAN KU DHEERAADAY WABILLAAHIL TOOWFIIQ
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Monday, January 01, 2001 - 07:18 am Somalia waa burburtay, dadkeeda ayaana burburiyay.dhibaatada dhacdayna waa mid maskaxdeena ka wayn, oo somalidu diyaar uma ahayn, mana filayn in side wax u dhacayaan. saomalidu nationalism ma ahan, wadankoodii qabiil ayay ka doorteen. UN-qaybta human rights ayaa qortay-somalida aduunka qaxootiga ka ah dhibaato xun oo baniadnimada ka baxsan in lagu sameeyo( yemen;Arab men xerooyinka intay tagaan ayaa loo soocaa gabdhaha yaryar.Romania, Bulgaria, ruushka wadmadii ka baxay, Cambodia, iwm somalida xabsiyada ayay ka buuxaan oo rape, atrocity, execution lagu sameeyaa.) Dadkaas waxay u badanyihiin dumar iyo caruur baa UN sheegay.Dhibaatadaas waxaa iska leh odayaasha iyo waxgaradka somailada ee wadankii iyo umadii ka doortay danahooda gaarka ayagoo adeegsanaya qabiil. Somaliyana gaarsiiyay meel aysan ka soo noqon karin. Naxdin iyo calool xumo ayaa ku dilaysa hadaad aqrisid warbixintaas. waxaa ka mid ah hooyo somali ah oo gabar 14jir wadatay ilaa iyo sadex sano Romania waardiya xabsigu ku fuulayeen-hooyada iyo inanteeda.Dhibaatada ku dhacday maatada (dumarka, caruurta iyo waayeelkii somaaliyeed)ee dadkoodu ku sameeyay- I beleive there is a curse and somalia will never ba the same in this modern age.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Friday, January 05, 2001 - 02:59 am Waxaan baafinayaa Garbar la yiraahdo NASRO CIISE BAANDE oo Majeerteen ah Fadlan qofkii garanayaa amase hadii aad awoodi karto ha idala soo xariirto E_mailkan xiddig79@yahoo.com, Waa aniga oo layiraahdo C/risaaq xasan buse. Waad mahadsan tihiin.
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Thursday, January 11, 2001 - 05:18 pm To Elmi: Got you now! Lovely message. Thanks for the salaams. ILY "ya baan ban..."
|
![]() ![]() ![]() ![]() ![]() | Wednesday, February 14, 2001 - 02:00 pm Hakasaarto! saaxibow 15sano ayaan jiraa, laakin markaan soo xasuusto waagii hore siday somalidu haan jirtey, waxaan isdhahaa, dadkii wax wadaniyiin ah kamaharin!! Aniga inta kahartey oo wadaniyiinta ah waa kabaxey,intii kalena waa dhinteen!!! Marka waddani, adiga ma dhiman miyaa?!
|