We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
| | Unrecorded Date Aqyaareey asalaamu calaykum.. MIDA LABAAD WAXAAN JECLEESTAY INAAN DHIBTEEYDA SHEEGTO,MAXAA YEELAY WAA QARIN WAAYEY ARINTEEYDA. WAR IYO DHAMANTIIS,WAXAAN JECLAA GABAR AAN KALA QABIIL NAHAY,MUDO LABA SANO AH AYAAN IS JECLEEN. MARKII AAN ISLA MEEL DHIGNAY ARIN GUUR AH,MARKII AAN USOO BANDHIGAY WAALIDKEEY,WAXEEY IGU YIRAAHDEEN GABRATA YEEY TAHAY.??? WAXAAN U SHEEGAY INEEY GABARTU QABIIL KALE TAHAY. ARINTA KALE OO JIRTA AA WAXEEY TAHAY,WAALIDKEEY ANIGAA WIIL U AH,GABAR KALIYA AYAA ILA DHALATAY. ANIGANA WAALIDKEEY AYAAN KA U DIIDAAYAA IS XUMEYN IYO INAAN KU DAADIYO,AMA DHAHO WARKIINA MA RABO,MAXAA YEELAY MA RABO INAAN AYAGA XUMEEYO MACALIMADA AAN LA SOCDANA XUMEEYO..FADLAN MAXAA XAL AH...IDINKOO FIIRINAAYO ARINTA JIRTA DHANKA WAALIDKA IYO DHANKA GABARTABA..
|
| | Unrecorded Date Salaamu Calaykum. Walaal arinta aad sheegtay waa arin dhibaato badan ku haysa dhalinyaro badan oo soomaaliyeed oo kula mid ah ,waana arin fool xun oo u baahan wax ka qabasho in qofka reerka uu u dhashay lagu diido ama lagu jeclaysto,waxaa taa ka daran iyada oo qof waliba markaad la soo qaado uu odhanayo anigu ma sameeyeen arintaas,laakiin markii walaashiis ama walaalkiis uu guursanayo/guursanayso qof ka qabiil duwan aanu ahayn qofkii markii hore lahaa ma samaynayo arintaas. Marka walaal waxaan anigu kugula talin lahaa arinta adiga ayaa si fiican u garanaya meesha ay waalidkaa ka joogto hadii aad rajo ka qabto inaad dabac ka helayso ,markaa qanci oo lahadal ,hadiise aadan rajo ka qabin waxaad ogaataa waxaa loo guursadaa in lagu dago oo farxad iyo is jacayl ka dhasho marka anigu magaranayo sida ay kuugu suuroobayso gabadh ay reerkiina ama reerkoodu kuu diidayaan inaad guur lagu dago ka hesho. Hadaba ha fududaan oo go'aanka aad qaadanayso ha noqdo midaad aad uga fekertay. Raali ahaw walaal haday taladaydu ku qanci wayso. Walaalkaa Abdalla.
|
| | Unrecorded Date To: Wiil dhiban: Aniga waxaa ku raacsanahy fikradda uu walaalkeey Cabdalla kuu soo jeediyay, waxa keliya aan rabo in aan ku daro waxay tahay, in aad ogsoonaatid in ay isku mid ahayn Naas la nuugay iyo Naas la taabtay oo naas la taabto wuu badan yahay sida aad ogtahay, labo sano muddo dheer ma aha marka aad u eegto dhinaca waalidkaa haddii aad dhahaysid jeceeyl ayaa jira, waxaa aniga iga hubaal ah in uu jirin jaceeylka waalidka mid u dhigma. Arintaan waa fikradayda Qasab kuguma aha in aad igu raacdid ama aad igu diitid codsigaaga ayaan kaaga soo jawaabay oo qura. Mahadsanid...
|
| | Unrecorded Date WALAAL WAAN KA XUMAY DHIBKA KU HAYSATA BALSE QAYBTANI WAA BAAFIN EE MAAHA ILA TALIYA,MAKAA ADIGA OO RAALIYA MAAD KU SOO BANDHIGTID ARINTAA QAYBATA ILATALIYA. MAHADSANID
|
| | Unrecorded Date walaal wiil dhibanow Arrintani waa mid boqol soo jireen ah. waxba niyadaada ha xumayn sidii roon bay noqone. mar labaad bal ku noqo waalidaa oo dhuux sababta lagugu diiday arrintan. ha qaadin talab aa qoomamayso labada dhinacba adoon eel dhigin sida soo socota: madi baad tahay ee waalidkaa maxaad tartay? meeshay kula tiigsanayeen ma gaadhay? da'daadu ma gaadhay goor aa keli tashan karto (30+) walaad garabkaa Alla ha galo waad u baahan tahay e
|
| | Unrecorded Date Brother Wiil Dhibban: Guurka waxaa la sugtaa intaad ka noqonaysid mid tashan kara. Sida aan ka dareemay qoraalkaada weli waxaa maraysaa heer ay waaridkaa lug xoog leh kuleeyihiin noloshaada. Talo ahaan waxaan kugula talin lahaa ka guur waaridkaa hadaa hadda la degantahay sababtoo ah waxaa baranyasaa inaad kaligaa noolaatid tashatidna. Waxaana dhexgalaysaa ummadda kale oo iska dhaaf Soomali isku midee isula socda indhayar madow cadaan, carab iwm. Hadaa qoraalku run kaa yahayna qofta fariintan iga gaarsii: Qofyahay ninkaan go'aan hadda ma gaari karo oo xataa haday waaridki guurso dhahaan berina fur ayey oranayaan ee labo samee: 1- Sug intuu go'aan ka yeelanayo; 2 - Ninkan ha isku halayn ee meesha ka shukaansi tag. Anon, the X
|
| | Unrecorded Date HEY BE A MAN AND RUN AWAY WITH HER MAN BECAUSE A WOMAN'S MAN IS THE ONE WHO SHOW SWEET LOVE.
|
| | Unrecorded Date You are totally out of your mind!!!..Not you "wiil dhiban" but I'm talking to the guy who has the message before mine. Waxaan raacsanahay fikradda ay soo jeediyeen Warsamw iyo Abdullahi. GOOD LUCK!! INTAAS IYO NABAD GELYO,ALAHA KUU SAHLO ARIMAHAADA(KUWA KHEYR LEH)!
|
| | Unrecorded Date MAALIN WANAAGSAN MARKA UGU HOREYSA WAXAAN DOONAYAA IN,AAN ARIN YAR AAN KA IRAAHDO ARINTA KU HAASATA WALAAL MARKA UGU HOREYSA ARIN WEEYN AYAA KU HAASATA SABABTUNA WAXA WEEYE WAALIDNA WARKIISA LAMA DIIDI KARA JACEYLKAAGA MA,DHAAFI KARTID HAL MID AYAAN KU ORAN LAHAA- MIDAASUNA WAXA WEEYE ARINTA WAALIDKAA KU YIRI WEEY KU QALDANYIHIIN SABABTOO AH - DIINTU SHEEGI MEEYSO LABO QABIIL OON IS GUURSAN KARIN. MARKA WAXAAN KU ORAN LAHAA GABADHAADA ISKA GUURO MAHADSANID WALAAL....
|
| | Unrecorded Date Salaamu Calaykum To: Wiil Dhiban Waad salaaman tahay waxadna tahay wiil baari ah haday noqoto xaga waalidkaa ama xaajiyada aad la socoto laakiin anigu waxan ku odhan lahaa guurso waayo CALAF WAA LA SUGAA MARKUU EEBO KUSIIYANA WAA LA SUGAA. ps: qoraalkaaga keen dhinaca discussion waxad ka heli doontaa more ideas. Amaano allah iyo amaano rasuul
|
| | Unrecorded Date salaamaat,,,, speaking of exprience: iska daa inantaan kugu qabiilka ahayn, waaridkaa they know more than u do, shalay ma horeeyee waaa danbeeyaa, yey kuugu dhicin taasi, aniga hada diyaar uma ihi inaan exprienceka aan soo maray soona arkay , wax sahlan ma aha wax qurxoona ma aha. waana wada ogsoon nahay dhibataada ay leedahay guursiga dadka kala qabiilka ah. soomalia way wada saameeysay dhibaadaas kuligoodna baa keenay, ee Wiildhibanow ha is dhibin Ilaah dhib kuuma keeninee, mid kale ka doono waa kaa talaydaa. hadaad su'aal qabto waad i soo waydiin kartaa talo intii wanaagsan oo aniga ila fiican waan ku siin. walaashaa soomaaliyeed.(Islam)
|
| | Unrecorded Date wiil-dhiban saxib marka hore waad salaaman tahay marka xigana waxaan ku waydiyo gabadhan aad leedahay laba sano ayaan wada soconay reerkoodu ma kugu ogaayeen yaase kuu fasaxay inaad mudada intaa le'eg la socotid adigoon wax meher ahi kuugu xidhnayn waxaan kugula talinayaa inaad gabadhaa aad sheegayso iskaga hadhid oo dantaada ka raacatid sababtoo ah 1-haday adiga laba sano kula socotay hortaana qaarkaley la socon jirtay berina qaar kaley la socondoontaa. 2-adiga qudhaaduna uma ekid nin aad u caqli badan sababtoo ah waxay ahayd inaad waalidkaa waydiso sababta ay kuugu diidayaan, anigu ma aaminsani in waalidna uu wiilkooda madiga ah gabadh fiican u diidayo ee gabadha ayaan mid khayr leh ahayn ee adiga ayaa iska dhaadhiciyay qabiilkan aad sheegayso, mana aaminsani in arintani jirto. TAASINA WAA FIKRADAYDA IYO SIDAAN U ARKO SHEEKADA UU WALAALKEEN SOO BANDHIGAY INTAANA HADAAD KU QANCI WAYDO "SAXIB LAYDHA KA CAB" WAA: AHMED-WELI OO KULEH NABADGELYO
|
| | Unrecorded Date waxaan odhan lahaa wiildhiban guurso gabdha hadaytahay gabadh qiimo leh oo diinta ku xidhan qabiil waa meelsoke iyo nacnac meel uu ku gaynayo maleh bur bur maahee qanci waalidka oo kula hadal hadal macaan oo qurxoon oo waxgarad ah ayagaa dabci doona ee . TAnkale ma ogtahay in diinta islaamku na fartay in waalidka lagu diidi karo guurka waa lagu gacan saydhikaraa haday khaldan yihiin ee lasoco meesha ka soco haday tahay gabadh ilaahay ku xidhan khayrbaan kuu rajaynyaa. waalidkaa waa dabcidoonaa oo madibaad tahee. gabadhsoomaaliyeed taladeed
|
| | Unrecorded Date To will dhibanow Did you ever think about going to the Book of Allah (Qur'an)and the hadith of the Messenger of Allah and the sunnah about your saloution to this problem. The problem is us Somalians we never say Allaah said or the Prophet said. Fist we act like kufars then we go to the people complaning about our problem. none of this would happen if we follow Islam not culture (the Quran and the sunnah). This is why our coutry is the way it is because we left our Deen and we submit to our desires. <<If anyone contends with the Messenger after the Guidance has been plainly conveyed to him, and follows a path other than of the believers, We shall leave him in the path he has chosen, and land him in Hell: What an evil abode!>> <<Verily, Allah does not change a people's condition unless they change what is in themselves.>> so wil dhibanow and all Somalians go back to Quran and the sunns and you achieve a great victory.
|
| | Unrecorded Date walaal aniga sidaad subisay weey ila wanaagsantay maxaa yelay waaridka waa in la ixtiraamo waayo laŽaantood aduunyo ma jirilaheen ee waxaad suubisaa gabahda u sheek waxay waalidku ku dhaheen waalidkanaa intaad dadkoo dhan iskugu keentit waxaad tiraahdaa "WAR DADOOY ILA MAQLA WAXAY WAALIDKEEY I DHAHEEN".
|
| | Unrecorded Date Saaxiib wiil dhibanaw wax walba ka hormari jacaylka.Waxaan qabaa arinta ku haysataa waatan dhulkii Somaaliya la oranjiray dawladd la'aanta maanta dhigtay e waalidka waxba uuma aadan dhimain hadii aad go'aan jacayl ku salaysan aad qaadato.Wax walba xagga jacaylaka saaxiib.Waxaada ladagaalantaa Qabyaaladda waalidkaa wali aamainsanyahay. Toronto.
|
| | Unrecorded Date Aniga waxaan ku oranaya hal mid oo keliya oo ah: ADIGA WAXAAD TAHAY HERBAADIYE WAYNAADAY WAALIDKAANA ISKABA DHAAF OO ADIGA AYEEY KU DHALEEN WANAAG LAGAMA SUGAAYO. Waxaan ku jirnaa sanadka 1999 oo bilo ayaa ka harsan 2000 markaas ayaad waxaad dhegeeysaneysa waliid hadalkiis waxaad tahay SCEMO .....
|
| | Unrecorded Date SOMALIDA WAXEEY KU MAAHMAHDAA GUURSO WAX LA YAQAAN HA KUU DHASHEE WAX LA YAQAAN. Anigana waan ku raacsanahay maahmahdaa oo xilligaan la joogo waad wareesan tahay haddi aad rabto inaad guursato naag qabiil kale ah miyaad la socon waxyaala somaliya ka dhacaya illa iyo hadda mise waad dhego xirantahay. MR.WIIL DHIBAN jeceel ma jiro ee ha iswareerin ee raac talada waalidkaa ha noqon caasi ilmahaada maxaad ka sugeeysa hadhow????? Waxaan filaaya inaad sugi doonin ilmo baari ah. Midda labaad kuma sii jirto haddi aad gabdha aad sheegeyso tahay MIDGAAN IYO WAX LA MID AH Guurso gabdh midda kuugu dhow.
|
| | Unrecorded Date Ka: Warsame Abdilahi. Ku: Wiil Dhiban. Saaxiib waxaan kugula talin lahaa, mid aad u fudud oo qasabna ah in aad sameeysid. Taas oo ah: Dhibaatadu ma aha Saaxiibtaa ama Jaceeylkaaga ayaa Qabiilkale ah, laakiin waa Waalidkaa ood moodo in ay dhibaatada Dagaalka sokeeye keentay in ay si xun u saameeysay. Hadaba waxaa lagaaga baahan yahay maadaama aad rajeeynaysid in aad Reer dhisto in aad u dhaqanto sida Dadka reeraha leh oo kale: Waa sidee: In aand ka dhaadhicin karto Waalidkaa in ay Diinteena oo ay ahayd in dhaqankeenu ku saleeysnaado, aysan ogolayn in Qabiil la isku cunsuriyeeyo. Hadaba haddii aad taas isku daydo ooy suuro gali weeyso, waxaan si adag kuula talin lahaa Gabadhaas Guurso sababtoo ah ilaah baa been nacee haddii ay waalidkaa gardaran yihiin wax yaalo badan ku raac baan ku dhihi lahaa laakiin arintaan oo kale u ma maleeynayo in ay tahay tii lagu ciyaari lahaa Saaxiib. Waxaad ka qaadaysaa ilhaanu iyo cuqdad waligeed maskaxdaada ku meeraysata. SIDAAS IYO NABADEEY WAANA KU MAHADSAN TAHAY.
|
| | Unrecorded Date To Wil Dhiban Marka hore maxa ayaa gabadha ula socotay for 2 years hadii aad hada iska dafayso. In taad sharafteda ka xumaysay ayaa rabtaa in aad ka tagtid. Taas waad ku qaldantahay ee dib iskugo noqol. Markii hore inaad kafikirtid ayeey aheey; waxaa kasoo garikara arintaa. Anigu kuma lehi diid walidkaa hadalkiisa but kafakir gabadha aad waqtiga ka lumisay. think about it
|
| | Unrecorded Date TO WIIL DHIBAN ADIGA GABADHA INTAAD XUMEEYSAY OOD LABA SANO WAQTIGEEDI KA DHUMISAY MAA RABTAA INAA KA HARTID IS KU XISHOODBO HORTA AND DON'T BREAK THE GIRL'S HEARTH OK. FIRST OF ALL YOUR PARENTS ARE FLIGHT 13 CUZ OTHER WISE THEY WOULDN'T TALK ABOUT SOME TRIBELISM. AND SECOND OF ALL YOU AINT NO BETTER CUZ YOU ARE ABUOT TO AGREE WITH THEM. ANYWAY MY TALO IS MARRY THE GIRLS IF YOU LOVE HER AND FORGET ABOUT HER TRIBE AND YOUR PARENTS. MAKE LIFE WITH HER CUZ ADUUNKAAN LABO BARI WAAYE. SO MAKE IT USEFUL. GABAR SOOMAALIYEED
|
| | Unrecorded Date TO WIIL DHIBAN, Salaamu caleeykum. Nin waliba kaskii ayuu hadlaa,balse waxay arintu iila muuqataa si kale. Markii lagugu soo qaado GUUR waxaa islamarkiiba maskaxdaada ku soo dhacaayo qof aad waligaa la noolaaneeysid noloshaada inta ka dhiman. Taasina kuma imaaneyso sida aad adigu hada sheegeyso.GUURKU wuxuu u baahan yahay JECAYL dhab ah,daacadnimo,samir iyo dulqaad,xushmeyn,kala dambeyn,iyo ILAAHEY OO LAGA CABSADO. Waxayse arintan iila muuqataa gabadha oo Jaceyl weyn aadan u qabin iyo waalidkaa oo gabadha kuugu diideen waxyaabo kale, balse ay ku yiraahdeen waa reer hebel. Saaxiib qofka aad Jeceshahay waxba kaama gelin qabiilka uu aabaheed yahay. Saaxiib naftaada run u sheeg,gabadhana run u sheeg hadii kale barri waxaad gaareysaa waqti aadan runta sheegi karin,ILAAHEYNA KA CABSO,duceeyso in uu ILAAHEEY arintaada mid aad ku faraxdo ka yeelo aamiin aamiin aamiin. Salaamu caleeykum. BY, Zaki
|
| | Unrecorded Date Salaamu calaykum to wiil dhiban. walaalkiis waan ku salaamay marka hore aan wax dhaho dhalinyarada soomaaliyeed oo dhahayso noqo marka hore mid isku filnaada don't you know hadii aa 100 sano jirtid in aadan waalid ka maarmin oo markasta ay taladooda ka horeyso talada qofka la dhalay marka walaalaayaal ixtiraamka waalidka halla ilaaliyo. wiil dhiban walaalkiis aduun iyo aqiro waxaa nala waydiinaayaa waalid hadii aad u aragto arinta ay kugu diidayn in ay qabiil tahay oo waalidku qaldanyihin aan u hormarino qancida walidka waxa ay ku qancaayaa arinta qabiilkana waa mid saameeyn wayn ku yeelatay dhalinta soomaaliyeed. ilaahayna waxaan kaaga baryaayaa ixtiraamka aad u hayso waalidkaaga in uu kuugu abaal mariyo aaqiro iyo aduunba iskuna day saa iga salgaari lahayd guusha jacalykaaga hadii aadan ku guulaysana mid kale oo aad calad iyo caashaq ku kulmiyey baan kuu rajeenyaa. waa walaashaa soomaaliyeed wacalaykum wasalaam waraxmatu laahi wabarakaad
|
| | Unrecorded Date Dear wiil dhiban, Aad iyo aad ayaan oga xumahay waxa ku hesto,laakiin waxaan kugula talin lahaay saan:kow qaado talada your brother <anon x> tan labaad waalidkaada ku barooway inaad ku arooseysid gabadha diin muslim ah.yacnii inaad muslin tahay iyadana sidoo kale. wax ka wayn ineysan jirin diinta muslimka. i wish u all the best Brandy
|
| | Unrecorded Date Wiil Dhiban you can start by posting it at right area (General area of the Forum) Post here when you're missing people not when you're whining
|
| | Unrecorded Date lol@Hebel
|
| | Unrecorded Date TO. WIIL DHIBAN WALAAL HADII AADAN GO'AAN AADAN GAARI KARIN ISKA DHAAF HA GUURSAN,<<< go to hell bro>>> by aniga
|
| | Unrecorded Date Asalaamu calaykum? saxiib waxay ila tahay inaadan qabiil ku dhafin gabadhaa walidku wuu qaldamaa markaa haku daba dayan, Aniga xaaslaybaan ahay gabadha aan qabo reerkeedu waa ii diiday ana waanguursaday waana laigu dilay la igu xumayay hadana waanu isku fiicanahay. hadaba guurso hadaad doonto oo wax maa mul kala ilaa li tawakal cala laaaah waa lidku waa bina adan wuu qaldamaa hadaad gabadha diiniyan isu guursataan wax halaabi maayo lakiin beesani way iska dhamaaaan soon or later seeeee you by
|
| | Thursday, August 10, 2000 - 03:51 am Markastaba waxaan ka xumahay dhibka ku haysta waayo waxaad ku sheegtay dhib, balse waxaan ku leeyahay waxaad tahay nin nasiib leh, maxaa yeelay waxaad haysataa gabar ku taqaana qof ahaan kuna jecel kugu af,diin, dhaqan iyo fara(jinsiyad)ba ah. arrintani waa mid ka mid ah ciladaha uu dhaqan keenu leeyahay loona baahan yahay in dhalinyarada soomaaliyeed ay la dagaalamaan melkata oo ay joogaan.dadka soomaaliyed ee dibadaha ku nool umadwalba ayey maanta ka guursadeen oo marka uu wadankeenu nabad noqdo ileen maalin wuu noqondoonaaye waxaa imaan oona ad badan oo soomaaliyeed oo wata caruur midabo kala gedisan wata. sidaa daraadeed fakar oo xumaanta ay leeyihiin waxan aad nawaydiisay fiiri, dabadeedna waxad kamid tahay dadka maanta dunidan casriga ah jooga ee sida saxda ah ee diintana sheegayso damiirka aadamiga wanaagsanna diidayo samee. Guurso gabadha allaha kaaga dhigo middiiku an facda if iyo aakharoba.
|
| | Friday, August 11, 2000 - 11:55 pm PERSONALLY I AGREE WITH AHMED WELI B/C HIS RIGHT AND U HAVE TO KNOW QOFKII WAALIDKII KUU CAASIYO AAKHIRO ASAGAY KA GO'ANTAHAY.... U SEE U HAVE A CHOICE OF OBEYING YOUR PARENTS OR YOUR GIRLFRIEND.......... ONE OTHER THING.......I CAN TELL U THAT YOUR MARRIDGE WONT LAST B/C IF THE PARENTS DON'T AGREE "WAX KHEYR AH KUMA JIRO" BYEEEEEEEE WASALAMAA
|
| | Sunday, August 13, 2000 - 11:52 pm To: Wiil dhiban! Walaal dhibkan ku hasta waa arin caadi iska u ah somaali oo dhan. oo mar mar ku timaada dadka. Anigu laakiin hadii Axmed aan ahay hal arin oo kali ah ayaan kusoo jeedin lahaa. Waxaa weeyi hooyadaa waa hooyadaa gacaliso wayna ku dhashay kuna soo korisay laakiin waxaa guurkaaga ku saabsan ina soo gasho ma aha, inay kaa hor istaagto ma aha, talo ku siin mooye. Hooyadaa ka ogolow arinkeeda hadii gabadhu ay xuntahay, muslim aysan ahayn, reerkiina aysan jecleyn, nasab ahayn laakiin qabiilkeeda awgeed ha u guursan waxaasi ma aha wax talo ah. Aniga waa sidaas oo kale ayaa igu dhacday waqtigii aan guursanayey. Waxaa dhacday inaan is jeclaanay gabadh kala qabiil aanu nahay, laakiin anigu waxaan ku fiicnaa waalidkeygu ogol ayey ka ahaayeen ee iyada qabiilkeeda ayuu cudurku ku jiray.Waxaase dhacday in gabadhi la ii diiday oon soo dooni kari waayey, marka dabadeed ayaan tashaday, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa. "Nin tuur leh tab uu u seexdo ma waayo" Markii la ii diiday ayaan waxaan sameeyey, maalin cad ayaan gurigoodii kala soo baxay gabadhii oon la tagay ilaa iyo banaanka. Waxaa rabay inaan kusoo meheriyo gobol kale laakiin iyagoo reerkoodii ordaya oo baryootamaya ayey iga daba yimaadeen reerkoodii cudurku ku jiray, kolkaas ayey igu dheheen waar walaalo gabadhii noosoo celi waanu kuu meherin doona. Hada ilaahay ayaa mahad leh, gabadhii waanu is qabnaa laba caruurna waanu leenahay. Qisadaasi waxey ka dhacdey wadanka Denmark. Adigu qisadaadu way wax yar ka duwan tahay ee dhibkaagu wuxuu noqon lahaa hadii iyada reerkoodu ay kuu diidaan gabadha. Balse dhowr fikradood wey kusoo gaadhen ee wax uun ku tasho ninbuu ilaahay kaa dhigee.
|
| | Tuesday, August 15, 2000 - 01:19 am Asalaamu caleykum marka hore. Marka labaad anigoo aanan hadal ku sii dheeraanin, waxaan filayaa inaan ayidi doono fikrad ka mid ah fikradaha ay walaalahey horey u soo jeediyeen waa marka horee: sidey gabadha kor ku xusan kuugu sheegtay page-kan ma khuseeyo topic-gaada... marka xigta: waxaan ku jirnaa waqtigii aan aasi lahayn ama duugi lahayn caadooyinka xun-xun ee Nabigeena (csw) ku tilmaamay wax uraaya ka dibna yiri duuga kaas bakhtina waa ka daran yahaye (qabiilka)!!! Marka walaaloow si fiican adigoo ii dhageysanaya waxaad sameysaa, adiga oo aanan xumeyneyn waalidkaa, una carooneyn, hadal kululna aanan ku oraneyn, gabadha hadaad is jeceshihiin guurso "without hesitation" macnaha adoonan ka laba-labeyneyn!... maxaa yeelay Ilaahay kuuguma caroonaayo wax aanan xaqa waafaqsaneyn...wabillaahi towfiq.
|
| | Tuesday, August 22, 2000 - 01:47 am WIIL DHIBAN Asalaamu caleykum, Salaan kadib anigaba wey i haysataa dhibaa -tadaas, ee waan ka xumahay inaan ku caawini karin. Waxa kaliya aynu ku kala duwan nahay waa inaan aniga gabar ahay oona wali u sheegin waalidkey, sidoo kale wiilkana muuna u sheegin arinteena waalidkiis anagoo ka cabsaneyno inay nagu dhacdo dhibaatadaan.. Waxaan kugula talin lahaay inaad basatid salaada oo Alle tuugmadiisa badisid inuu arintaada kuu fududeeyo, in kastoo aan gafeynin wixii Alle nooqoray oo calafkeyna ah. Sidaas iyo nasiib wanaagsan. Your sister in Islam
|
| | Saturday, August 26, 2000 - 09:51 am Salaama caleykum will dhiban; arinta ku heysata ma'aha wax cusub, oo sanoyin bey aduunka ka jirtay, in wiil iyo gabar isjacel la'isu diido, sababtuna ay tahay wiilka/gabadha cidooda oon lacag laheyn, isku diin aheyn isku midab ahayn i.w.m. lakiin arintaada waaba aqiil oo dhaqan ay somalida ku dhaqmaan ay tahay, ayna runtii xun tahay. marka waxaan kugu la talin lahaa, adiga uun baa waridkaa naga aqoon roon, walidkaagana hadii aad jirtid 100yrs steal waa kuwii ku dhalay, markastana waano bay kuu shegayaan, adiga bay kugu xiran tahay sidii aad uga dhaadhicin laheyd qalad kooda, maadama aad nin guurdoon tahayna qof kasta xad buu leeyahay, ma'umaleenayo hadey waridkaaga ay wiil kaligaa ka qabaan in ay kuu didaan gabah fiican qabil kay rabto hanoqoto, halmidna og'aaw walid mar kasta waxay kula jecel yihiin qof fiican, markaa usheeg gabadha fiicnaanteeda iyo in ay laheen wax yabaha ay qabiilkaaws ku ee deynayaan ileen qabiil kasta wax baa lagu edeyaa, horay baa loo yiri (bada hal malaay ah baa qurmiya) good luck bro.
|
| | Sunday, August 27, 2000 - 06:14 am Suban, abaa magac ma ii deeysidoo.....al xaq mina saddaq, anaa ku horeeye
|
| | Monday, October 02, 2000 - 12:05 am Arintan waa arin diineed ee ma'aha arin ay bulsho ama waalid looga sugayo xalinteeda, su'aashu waxey tahey adigu muslim matahay gabadhana sidoo kale, hadaba hadaad tihiin labadiina muslim marka laba mid kala dooro tii kuuroon: raali ahaashaha rabigaa iyo tii waalidkaa, marka hadaad dooneysid raali ahaashaha rabigaa waa inaad guursataa gabadhaa muslimada ah ee aad geysid, hadaad dooneysid raali ahaasha qabiil iyo tii waalidka ee diidey tii rabi adaa og waxaad sameyn lahayd, mida kale waxay tahay in waalidku uu leeyahay ilaa xad hadey xadkooda soo gudbaan ay xumaan kugula talinayaan lagama yeelo ee waxaa lasameeyaa waxa uu rabigii ku abuurtay uu raali kaaga yahay PS! xusuuso suurada IBRAAHIIM, hadaba ha shakinin hadeysan gabadhu gaala aheen waad guursan kartaa oo sabab aad uga joogtid malaha sideedana nasabku ma'aha sida ay somalidu ka fahamsan yihiin,nasabku loolama jeedo qabiil ee qofka mu'minka ah baa nasab ah xag aduun iyo aakhiraba waxa kale ay somalidu ku tilmaaman nasab-dhiman ayagaa kajawaabi doona qiyaamaha meeshay kitaab kaa ka keeneen.
|