We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!
.
.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!
| | Tuesday, November 28, 2000 - 01:44 pm WAXAN AHAY GABAR DOONAYSA WIIL AYNOLASHA ISLA FAHMAAN ISLANA QAYSADAAN FADLAN WIXII DANAYNAAYA IGALA SOO XIRIIR WAXAN DEGAHAY UAE GAAR AHAAN DUBAI
|
| | Tuesday, November 28, 2000 - 05:36 pm abaayo ramadaan wanaasan . abaayo aniga ayaa guurdoon ah laakiin aad iyo aad ayaan ukala fog nahay .sorry adigana nasiibkaa anigana nasiibkey .ninwalbow nasiib kiis.
|
| | Tuesday, November 28, 2000 - 05:46 pm abaayo marka hore waan ku salaamay salaan kadib abaayo waxaad tahay gabar guur doon ah majiraan wax shuruut ah oo aad ku xirtay rag xagee lugula soo xiriiraa reer wax warbixin ah jawaab suge dear sister
|
| | Tuesday, November 28, 2000 - 11:40 pm Naa hoogto, Anigaa Dhakhtarad ah, Mafraq Hospitalna ka shaqeeya in badana is xayaysiinayay, guurna waayey maad i waraysatid inaanad shilalka is dhigin walaaley. Aan kuu waramee ii kaaley xaafadeydu waa khaalidiya ka soo horjeedka Khalidiya Garden. zamzam, abu dhabi
|
| | Tuesday, November 28, 2000 - 11:42 pm WALAAL WAAD SALAAMAN TAHAY WAXAAN KU FARAXSANAHAY SI WACAN EE AAD U HADASHEY BALSE WAXAAN KUU SHEEGAYAA INAAD MAR WALBA RUNTA NOO SHEEGTID, WAAYO DHALINYARADU WAXAY CAADEYSTEEN INEY BEEN KA SHEEGAAN INTERNATKA KAISER E-MAIL = osmanakabe@hotmail.com ABU DHABI, UAE
|
| | Wednesday, November 29, 2000 - 04:44 am waad salaman tahay hadalka kugu badin maayee hadaad run sheegaysid igala soo xidhiidh e mailkan hoos ku qoron.
|
| | Wednesday, November 29, 2000 - 07:46 am waan ku salaamay waana ku farxay markaan akhriyey ujeedadaada ee hadaba maxiriiri karnaa ageele30@hotmail.com
|
| | Wednesday, November 29, 2000 - 08:35 am zam zam horta bal waxaan doonay inan iga luntay oo reer abu dhabi ahayn hadad tii tahay waxan ahay slaaan ee ila soo xiriir. iman121@yahoo.com
|
| | Thursday, November 30, 2000 - 08:19 am TO: INANNTAA MAGACEEDII QARISEY . Walaal waxaan ku leeyahay marka horeba ramadaan kariim ,marka xigana waad ku amaanan tahay geesinimadaa aad muujisey ee aad tidhi waxaan rabaa guur xalaal ah ,marka sadexaadna waan ka xumahay in aanad sheegin meel lagaala soo xidhiidhi karo . intaa hadaan ka gudbo. anigu waxaan deganahay dalka u a e gaar ahaana waxaan deganahay magaalada dubai gaar ahana xaafada jumeirah ayaan ka soo toosaa ,hadaba walaal markaan u soo noqdo ujeedada qoraalkaaga oo ah guur waa arin aad iyo aad u muhiim ah una baahan masuuliyadeeda iyo in labada qofba isla fahamsan yihiin qaabkii ay noloshoodu isula jaanqaadi lahayd ,aan ujeedadayda ka biyo dhaco walaal inantan magaceeda aan sheeginey bal aan kuula baxo amaale ,amaal dalkan waxaan joogay muddo sanado ah daraasad ayaanan ku sameeyey dadka jooga gar ahaana dhalinyarada gaar ahaana hablaha ,waxaana ii soo baxdey (1)in hablaha dalkan degan ee neersinka ah ama dowlada u shaqeeyaa ama muddoba joogay wadankani ay aad u jecel yihiin iney guursadaan yaryarka muwaadiniinta ah ee toobabka dumarka oo kale xidha isla markaana aanay ka hos qaadin wiilasha soomaaliyeed ee la soo qaada arimo guur.(2)ta labaad ee aan arkey waxa weeye hablahan khaliijiyiinta ah waxa ku jira kibir iyo santaag aad u fara badan oo aakhirka dhaxalsiiya iney cidla soo istaagto marka tareenka guurku dhaafo. (3)ta sadexaad ee aan ku arkey waxa weeye iney waaqica ay aad uga fog yihiin hablahan khaliijku oo ay ku fikirayaan ama haybsanayaan nolol khayaali ah ama buxbuuxatul-caysh aan aabaheedba ku soo korin . amaal anigaa magacan kuula baxaye hadaladan adiga shakhsiyan kuulama jeedo ee laakiin waa wax waaqic ah oo aan arkey ,markaa hadal iyo gabagabadii hadii walaal ay kaa dhab tahay waxaan rabaa guur xalaal ah waxaan hubaa inaad heli doonto wiil soomaaliyeed oo kugu munaasib ah waa haddii aad ka saafi tahay dabeecadahaas aan so sheegay ee ay leeyihiin hablaha khalijka intooda badani . hadalkan mid la mid ahna waxaan u qorey zamzam oo dhakhtarad ah degana u a e gaar ahana abudhabi .anigu shakhsiyan markaan iska waramo guurdoon ayaan ahey laakiin aniga ayaa wax guursanaya ee layma guursanayo bimacnaa aniga ayaa ah sayidul mowqif. waxaad igala soo xidhidhi kartaa hotmailkan habarwaa@hotmail.com byeeeeeeee
|
| | Friday, December 01, 2000 - 04:40 am ASALAAMU CALEEKUM walaal waxaan ahay wiil degan wadanka Norway kuna so barbaaray waddamada carabtaa.kharrij thanawiya camah fi Suuriya. iminkana halkan ka shaqeeya.alxamdu lillah waxa aan donaya inan carabaha ku nool ama ku noolaan jirtey.and here is my email ahmedh95@hotmail.com
|
| | Friday, December 01, 2000 - 03:00 pm Dhibkaaga ma yaro waxaan dhan waraaq maad udiree mugookeyga lee uu kaa lumin, keygan waa beejkan hadi ii soo jawaadid ana kula soo xiriirayo ee faro dheer matahey mise aan iskakahubiyee mughoooo/
|
| | Friday, December 01, 2000 - 04:36 pm To abdil karim allaylehe beenbaad sheegtay adigoo raaali ah walaal halbalha neeriska ah ee sheegaysaa walaal waa hablaha reerahooda iyo dadkooda kor u qaaday waayo: 1. inankasta oo somaliyeed ah oo neeris ahi reer ayay ka mas'uul tahay 2. dadkooda somaliyeed ee kale markaad dhakhtarka ugu tagto aad bay u caawiyaan oo iyagaaba wlal lagu joogaa dalkaas 3. markaad waaqiciga ka hadlayso wallaahi maan arag hablo kaa waaqic badan oo waxaabay guursadaan haday duunaan nin aan shaqaysan ooy dadnimadiisa diintiisa ama raganimadiisa ku raaacaan 4. Carabka aad sheegaysana waa dhif haday dhacdana dee ceebna maaha haday gabahi nin ku guursato guur xalaal ah . 5. Guurna way jecelyihiin ilamaaha waa ceeb oo waayo qofka guurka jeceli waa qof xaaraan iska ilaalinaya ee ha la waydiiyo kuwa guurka necebi waxay ku kaaftoomeen . hadaba mudane bal ku noqo diraasaada , oo balaadhi dadkaad ku samaysay , malaha labaad aragtood moodaysa dadkoodhame ogbad
|
| | Friday, December 01, 2000 - 10:43 pm TO:MISS HUDA AMA OGBAAD. ------------------------. Ugbaad walaal marka hore waad salaaman tahay ramadaan kariim . marka xigana si fiican ayaan u akhriyey qoraalkaagii waanad ku mahadsan tahay inkastoo aad si cadho leh u hadashay ama difaac heerkii ugu danbeeyey aad istaagtey ,kugulana yaabi maayo oo inaad hablaha soomaaliyeed ee aynu ka hadlayno difaacdo xaq ayaad u leedahay aniga laftigayguna maan caayin ee wax jira ayuunbaan taabtey . ugbaad ama huda hadaan mowduucan u soo noqdo qadiyada laga hadlayey waxay aheyd guur ,waa runtaa oo hablahan nersinka ahi qofka buka ama dhakhtarada gala aad ayey u caawiyaan oo u saacidaan taasi waa runtaa ,waxa kale oo runtaa ah iney reerahooda ugu jiraan kaalin dhaqaale oo muhiim ah ,waxa kale oo runtaa ah iney gabadhu ninkii ay doonto ee ay ka hesho guursan karto (dabcan hadduu muslim yahay ),dhamaan waxyaabahaas oo dhami waa runtaa. laakiin waxaan kugu diidanahay arintan aad tidhi waaqica kama foga hablahan neersinka ahi ,tusaale yar aan ku siiyo wiil aanu saaxiib nahay ayaa inan neeras ah mehersadey markii aqalgalkii soo dhowaadey ayaa waxa laysku qabtey arooskeena aynu ku dhiganao marcopolo hotel iyo xabiibi kharash intaa leeg ma haysano ee aynu gurigeena iskaga dhigano ,maxaa dhacay inantii waxay soo istaagtey hadaan arooskeyga layga tumahayn marcopolo hotel ninkani warqadayda hay siiyo !!!!!!!!!!! cajiib ,waxay noqotey arin lala yaabo waxase ka sii layaab badnaa hablo kale oo saaxiibadaheed ahaa oo ku garab taagnaa mowqifkaas!!!!!,aakhirkii waxa xal noqotey inuu warqadeedii siiyo ,ogow inankani muu diidin xafladaa ee wuxuu ka hadlay inaaney awoodiisa dhaqaale u saamaxahayn markaa walaal ugbaadeey ama hudaay waaqicinimada aad ku sheegaysaa meeday ?????????????. ugu danbayntii walaal hay fahmin inaan ceebayn ama cay ama aflagaado u gaysanayo hablahan soomaaliyeed xaashaa lilaah ee wuxuunbaan u jeedaa raga arimo guur idinkala hadla ha ku xidhina shuruudo qeyrulmacquul ah oo aanuu fulin karin ,yasiruu walaa tucasiruu,bashiruu walaa tunafiruu,.byeeeeeeeee
|
| | Saturday, December 02, 2000 - 01:41 am To cabdikarim mahadsanid walaaal lakin ogow gacmaha farahaaga ku yaala inaanay isku mid ahayn qofkastaaba wuxuu leeyahay aragti gooniya oo uu wax ku misaamo tusaale aad sheegaysaan maaha mid lagu tilmaami karo diraasad sidaad hore u sheegtay waayo diraasada waxaa lagu tilmaami karaa marka loo eego cilmi ahaneed: 1.Markaad dad badan randomly aad u doorato . 2.Dadkaasoo oo isku wada duruuf ah . 3.Aad samayso criteria aad ku qiyaastid daraasadaada . 4. Aad tijaabiso natiijada aad gaadhay marar badan, si aad hubsato inad ku socotay laynka saxa ah iyo inkale . Lakin walaal inanbaa inini diiday xaflada awgeed wax lagu qiyaaso dadkoo dhan maaha , habalahana lagu cambaareeyo , hadalkaygana ugamaan jeedin difaac cadhana igamay ahayn ee dadkeena waxaan ku necebahay : 1.Waa caadifiyiin mawqif aan looga baahnayn caadifad ayay istimaalaan caadifada . 2.Takale markay mushkiladi dhacdo waxay ku dhaganuun natiijada ee asbaabta keentay mushkilada ma eegaan ,tusaale ahaan saaxeebkaagan aad ii sheegaysaa hadaad waydiiso asbaabtuu ku doortay inantan uu doonayay waxaan hubaa inay wax sax ah ahayn waayo siduu u ogaan waayay tafkiirta gabadha uu guursanayo illaa intii laysla soo gaadhayay abaabulka arooska mise wuxuu ku socday mabda'a been ku xaree runna ku dhaq Haddaan doonayso inaan ku qanciyo oo ku tuso hablaha waaqiciga ah walaaal way badan yihiin oo kuu tirin kari maayo , ee waxaasoo dhan waxaa ka muhiimsan markay labada qof is guursanayaan ay daacad isku ahaadaan qofkastaabana oo soo ban dhigo waxa raali galinaya haddii laysku qaadanayaba fiican hadii kale fiican lakiin beenta layska daayo mana aha beentu beenta dadkale loo sheegayo ee waxaa ka xun beenta uu qofku naftiisa u sheegayo . Raalina noqo hadaan kugu dheereeyay . dooduna inoo furan kaftankuna sidoo kale . ogbad
|
| | Saturday, December 02, 2000 - 03:29 am ASALAAMU CALYKUM SALAAN KABACDI WAXAAN JECLAHAY IN HALKAAN WAX KA IRAAHDO. UGU HOREYTRII WALAALE YAAL ILAAHAY SUBXAANA WATACAALAA KACABSADA WAXAANA HADALKAAN ULA JEEDAA DHAAN DADKA KACAADA YEESHEY IN AY INTENETKA ISKA GADAAN. MARKA LABAAD WAXAAN HALKAAN UGA SHEEGA GABDHAHA IN AYSAN QOFNA GUURASANEYN GABAR ISKA GADAYSA IDAACADA IYO TLFASHINKA MAXAA YEELAYN WAXAAN NAHAY ANAGU DAD ISLAAM AH. DIINTEENUNA WAY LADAGAA LANTAY WAYNA DIIDAAY ARINTAAS. TAN SADEXAAN WAXAAN LEEYHAY GABADHA MAGACEEDA QARISAY EE SHEEGTAY IN AY DAGANTAHAY DALKA DUBAI ILAAHAY CABSO OO ISKA JOOJI ARINTA AAD KU JIRTO. WAXAANA LAGU JIRAA RABADAANE ISKU XISHOOD.
|
| | Saturday, December 02, 2000 - 06:31 am TO:CABDIRAXIIM -------------- Ninkaagan la baxay cabdiraxmaan waxaad ka hadlaysaa wax aanad fahamsanayn waayo maad arag cid seylad taagan oo lagu iibinayo mida labaad diinta waad ka beensheegtay ee ilaahay u toobad keen waayo wax dhibaato ahi kuma jiraan haddii ay inantu inanka ay ka hesho arin guur u soo bandhigto oo nabi muxamed khadiiji iyada ayaa u soo bandhigtay arinta guurka ,midda sadexaad hablaha maxaad illaahay ka baqa u leedahay ma denbi ayey galeen ?cabsida illaahayse miyaanay adiga kula gudbooneyn? dib isugu noqo sxb . nabadeey
|
| | Saturday, December 02, 2000 - 06:38 am TO:UGBAAD --------- ugbaad waad salaaman tahay ,marka xigana waxaad moodaa iney doodeenu waxoogaa dheeraanayso oo aniguna waxbaan gocanayaa adiguna sidoo kale markaa waxaan soo jeedin lahaa ineynu page- cusub furano oo aynu ka dhex-baxno halkan ,page-ka cusubna waxaan u bixiyey cabdikariim iyo ugbaad ee halkaa haynooga socoto doodeenu . byeeeeeeeeeeeeee
|
| | Tuesday, December 05, 2000 - 11:57 pm walaal hadii aad guurdontahay allehakuu sahlo balse waxaan ku leeyahay ku soco waad helin calafkaage abaayo aba waan jeclaan lahaa gabar somaaliyeed oo wanaagsan.su aal walaal adugu ma iska soo waramikartaa maxaad kaheshaa ma wadaadbaadtahay imisa sano baad jirtaa walaal waxaan kaasugayaa jawaab wacan sidaa iyo macsalaamo.........
|
| | Wednesday, December 06, 2000 - 12:14 am walaal abudabey guur kamaad waayine ma dhoofdoon baad tahay, anba dhaqtar baan ahaye,
|
| | Monday, February 12, 2001 - 09:00 am waad salaaman tahay marka u horeysa, walaalo runtii haddii ay dhab kaatahay sida aad boodh kaaga kusoo-qodhay, waqti gaaga qaaliga ahina aad u badheedhtay in aad kulu-miso runtii waxaad tahay qof geesiyad ah, walaal anigu waan ku farax-sanahay mawduucan aad hadda ku soo dhiiratay waxaana kuu arkaa inan somali ah oo donaysa in ay mustaq-balkeeda doon doonaysa, walaalo waxaan kuu rajeynayaa maqsadka aad doonayso in uu Alle,kuu saqiro,Aamin. take care jaw.
|