Skip to main content

.

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): ISBARASHO DADKA WADAADDA AH RAG IYO DUMARBA LEH
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

dadka hanunsan

Monday, December 04, 2000 - 06:14 pm
Asalaamu Calaykum Ramadaan Wanaagsan Bacda Salaan walaalayaal halkaan waxaan rabaa in Aan Aqoon diineed iyo mid Aduunba iska wedaarsano Aana iska barano iswacdino walaalayaal ha ahaato mowduucyadiina mid aan wax isaga faa.iidno oo waxku,ool ah walaalayaal rag iyo dumarba waxaan idinka sugayaa in aad wax kusoo darsataan si aan ukala faa iideysano. asalaamu calaykum waraxmatu laahi wabarakaatuhu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

khayrto

Tuesday, December 05, 2000 - 01:10 pm
aslamu calaykum walaal waa hagaag hadii aad isu keenaysid dadka alle u noqda, adna allaha kaa abaal mariyo. insha alah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cadey

Saturday, December 09, 2000 - 01:14 am
Salaamu aleykum..

Walaalahey muslinka ah, Marka hore waxaan idin dhahayaaa RAMADAAN KARIIM, Ilaaheyna hanaga dhigo kuwii uu hanuuniyey oo jidka Alle raacey AMiin..

Walaal waad ku mahadsantahay meeshaan aad furtay oougu tala gashey walaalayaasheen diinta yaqaana ,ilaahayna waxaan kaaga rajeenayaa in uu kusiiyo waxaad uga bahantahey aduunkan amiin.

Walaal waxaan jeclahey inaanu wax iska faa'iidno, Ilaahey haduu na'idmo.

Mida kale aniga waxaan raadinayaa qof yaqaana tarjumaada ducada "ISTIQSAARA" waan tarjumaadi karaa laakiin waxaan ka baqayaaa inaan qoro wax qalad ah. Qof muslim ah oosan aqoon ayaan u rabaa, ee hadaad awoodiin ii soo qora .
Idinkana qeyr Ilaahey ha idin siiyo Amiin.

Waa walaashiin muslimka ah oo idin leh

Salaamu aleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu...

can tahay inaad tu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cadey

Saturday, December 09, 2000 - 01:16 am

Fadlan tarjumaad soomaali mise inglish ayaan raadinooyaaaa..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Saturday, December 09, 2000 - 03:48 am
ASALAAMU CALEEKUM
walaal waad ku mahad san tahay bogaan aad fur-
tay, mida kale wadaadadu ha is toosiyaan diin
tana ha ka run sheegaan marka hore, waayo maanta waxaan arkeenaa in diintii loo isticmaalay fal-
safad ahaan, tusaale gabar ayaa laga soo guur
sanaa afrika wadamadaan reer galbeedka ayaa
la keenaa, si naagtaas loo maamulo waxaa la
adeegsanaa diinta, waayo waxaa jira rag kaga sheekeesta maqaaxiyada naagta waxaa ku filan
ASALAAMU CALEEKU markaad guriga ka soo baxey-
sid ama aad galeysid. iyo wax yaabo fara badan
oon la soo koobi karin si dumarka dhinaca diin-
ta looga soo maro.
walaal waxaa jiro wax yaabo badan oo u baahan
in laga doodo ee halkaan kusoo qor ama kusoo
bandhig nuqdooyinka larobo in laga hadlo
waayo adaa furtay bogaane waadna mahadsantahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

brazili

Saturday, December 09, 2000 - 04:22 am
Assalamu caleeykum, qofka meeshan furay waad ku mahadsanid. Ninka idinla hadlaya wadaad ma'aha, waxa meesha i keenay inaan wax ka faaidaysto ana idiin faa'ideeyo, maxaa ka qabtaan?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

non wadad but mus.

Saturday, December 09, 2000 - 05:25 am
Aslamu aleikum dhammaantiinba .
Aniga ma ahi wadaad laakin nin 100% muslim ah.
Waxan rabaa inan walalkayga boggan furay wax yar xusuusiyo; Ma xuma in lakala faaiidaysto wax wanagsanna la is faro laakin waxan dhihi lahaa haddii wax fiican lays weydarsanayo inaan la samayn ala qaybin(catagorization) haddii aad rabtid inad qof walaalkaa ah wax u faaiideysid ma waxaad rabtaa inaad wax u faaiideysid midka isagu markiisii horeba wax yaqaaney mise kan dhabtii ubaahan in wax loo sheego. marka walaal haddii ujeedadaadu tahay in wax wanaagsan lays faro waxaa kaaga fiicnaan lahayd inad bogga ufurtid dadka u baahan in diinta wax looga sheego.
Wabilaahi Towfiiq.