Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): Sidee gabadh fiican loo helaa Soomaaliyeey?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahal

Wednesday, December 06, 2000 - 09:01 am
Sidee loo helaa gabadh fiican Soomaliyeey?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, December 06, 2000 - 02:28 pm
To sahal
ninyahow mawaxaad katimi baadiye maxaad kuhadalshay sideeloohelaa gabar what the •••• is that reer baadiyaha aad tahay wasee fariiso meel fariiso ninyahaow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gabar

Wednesday, December 06, 2000 - 03:52 pm
Adaa reer baadiye ahe wiilka su'aal uu ku waydiiyee ama uga jawaab ama iskaga aamus. Ha ii xanaaqin adaa iga keentee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

siciid abdi hussen

Thursday, December 07, 2000 - 12:29 am
hadii aad daacad tahay wayn
maysid mid aad nolol laqaysato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alxaaji

Thursday, December 07, 2000 - 07:10 am
aslaamu calaykum ..
waxa wax lala yaabo ah inuu qof ku hadlohadal aan laaqi ahayn ,, waayo hablo somaliyeed waa buuxaan sxb marka hadii aad raadinayso gabadh somaliyeed ka raadi gurigoodiii......
mahadsanidin.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahal

Thursday, December 07, 2000 - 07:23 am
Mr. Anonymous,

Bisha Ramadan fadligeeda ka faa'idayso oo Talada waa la isku leeyahay ee taasi ogow.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Talo

Thursday, December 07, 2000 - 07:43 am
Ilaahay bari.Waa Ramadaan wuu aqbalayaa.Ka bari Ilaahay inuu gabadh fiican ku siiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ogbad

Friday, December 08, 2000 - 04:46 am
To sahal

walaal waxaad gabadh fiican ku heli kartaa :
1.Adiga oo adigu marka hore naftaada fahma gartana waxaad doonayso
2. Soona horimariya waxyaabaha nolosha u ah asaaska sida diinta , dhaqanka , xishoodka iyo dadnimada IWM.
3. Adigoon u firin qalbigaaga qofka u qalma mooyee
4. Ilaaliyana markasta diinta iyo xadka ilaahay inoo dhigay hadaynu nahay ummad islaam ah
5. Iskana jir gabadh kugu hantiday qurux iyo qosol dabacsan hadhowna cidla ku dhigta, oo ku dadaal inaan qofka duntiisa garato
6. inaatsoo dhanna markaad ka gudubto waxaa ka muhiimsan adigoo ilahay isku xidha , waalidkana la tashada , waayo guurku waa isku xilsarasho ilaalh iyo talo waalid.

ogbad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahal

Friday, December 08, 2000 - 05:33 am
Ogbad;
Waan ku salaamay walaal,aad baanad ugu mahadsantahay talladaada wacnayd,waxaan akhristay qoraalada wanaagsan,marka waxaan Illaahay ka rajaynayaa inuu arrimaha inoo sahlo.
Nabadgelyo.
Sahal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alxaaji

Saturday, December 09, 2000 - 07:03 am
aslaamu calaykm..
waxa an u malaynaya inaad heshay talo fiican oo ay ku siisay gabad soomaliyed o kaa naxaysa ..iyo ragba markaa ka faaiidayso bisha rabadaan ilaahayna isku xidh waad helaysaa gabadh wanagsaneh..
ogbad .... ilaahay ha kaa abaal mariyo sida wanaagsan ee aad wax ugu sheegtay walalkeen..
asalam calaykum..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahal

Saturday, December 09, 2000 - 08:23 am
Alxaaji,

Waxaan umalaynayaa inay gabadhaasi Ogbad ahi ay kaa fikrad wanaagsan tahay,oo adiga laftigaaguba ka faa'idaysan karo taladaasi iyada ah.

Sahal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alxaaji

Monday, December 11, 2000 - 07:28 am
to..sahal..
asalaamu calaykum..
waa run oo waa figrad wanaagsan tahay gabadhu waana ka helay figradeedii lakiin adi ayay hadeer kula talinaysey qofkii kale ee markaa u arka in uu qaato figradaas dhibma leh , markaa saaxiib qof walba kula hadal ee ma waxa aad ka xanaaqday qaado figrada gabadha, saaxiib anaa qaadanaya oo ku dhaqaaqaya waayo aabeheed aya talin jirey dhaqankana yaqaaney ...markaa ani igu ogow figrada ogbad..
aslaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahal

Monday, December 11, 2000 - 07:42 am
Alxaaji;

Salaan ka dib,Ragga aya talin jiray weligeed laakin gabdho ma talin jirin,inay aakhiro zamaan tahay ogow.Talo marka lagaa sugayo waxay u baahantahay maskax deggen iyo inaan markaaba lagu deggin jawaabta waxaa la yidhi kaadsiinyo kiish lacaga aya y dhashaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

asiili

Monday, December 11, 2000 - 07:42 am
to you all
hala yaabina SAHAL amba kaan raadinaayay wali maan helin aduunkana meel uu ku nool yahay ma ogi markaa ruux walba qof buu raadiyaa in uu helo iyo in uu waayana way noqotaa

To Ugbaad
S/calaykum

walaal ugbaad waan kaa helay sidaa u hadasho ee ka waran hadii aynu hawada iska barano gabadh walaashaa ah ayaan ahaye
e-mailkaygu waa:
purehaert2000uk@yahoo.co.uk
nabad galyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahal

Tuesday, December 12, 2000 - 05:07 am
Asiili;

Walaal waad ku mahadsantahay rayiga fiican ee aad halkan ka muujisay.Gartana si fiican ayaad u goyn gartaa,weligaana qofna xaggiisa ha marin, waayo sidaa diinteena macaan ayaa ina faraysa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farhan

Thursday, December 14, 2000 - 06:08 am
Sahal


Haddii aad doonaysa gabadh dhaqankii haysa waxaad ka heli kartaa Somalia.

Farhan,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDULLA

Thursday, December 14, 2000 - 06:24 am
Mr. SAHAL


ISKA ILAALI GABDHAHA INTERNATKA GUUR BAAN DOONAYA KUU SOO QORA.QAARKOOD BAA DHEE-DHEEL KA WADA QORAALKOODA.

SOON WANAAGSAN,

ABDULLA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali yare

Thursday, December 14, 2000 - 08:49 am
Sahal......


Salaan ka dib walaalo waa su'aal wacan oo aad soo bandhigtay halkan,laakiin waxaa is weydiin ah maxay gabdhuhu ug asoo jaawbi laayihiin.Talow miyay ku adkaatay jawaabtu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahal

Friday, December 15, 2000 - 03:48 am
Dhammaantiin,


Waad ku mahadsantihiin jawaabaha aad arrintani ka bixinaysaa, hase yeeshee ilaa hadda waxaan la yaabanahay iyadoo gabdhaha aysan ka bixin arrintan wixii fikrad ah ee ay ka qabaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Farhan

Friday, December 15, 2000 - 05:12 am
Sahal;

Somalida qurbaha iyo dhulkii jooge midkee guurku ku habboon yahy.

jawaab wanaagsan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hassan

Friday, December 15, 2000 - 07:16 am
Sahalow

Aad iyo aad baan ula yaabanahay sida ay gabdhihii somaaliyed isku beddeleen talow ma qurbahaa mise waa waxbarashada badan ee ay barteen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Carfoon

Friday, December 15, 2000 - 01:17 pm
S/Aleeekum:

Ramadan Kariim.salaan ka dib,Sahal aboowe Gabar fican waa hele hadii aad tahaye wiil fiican,wax la yir Shinbir bo Shinbirkiisa ayu la buuba marka Indha Fur Ilaahna ha ku garab galo Amiin,Gabar fiican ilaah ha ku sahlo Sahal.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahal

Saturday, December 16, 2000 - 06:05 pm
Carfuun

Waad ku mahadsantahay waanadaasi bisha ramadan ee kqayr badan.Adigana sidoo kale ayaan kuu rajaymayaa.

Sahal