Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Dec. 16, 2000): Please la socod Topic-kan :Sidee gabadh fiican loo helaa Somaliyeey?'
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahal

Friday, December 15, 2000 - 06:27 am
Sheekad aiyo mawduuc ad u xiiso leh ee la socda Somaliyeey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Thursday, March 08, 2001 - 08:57 pm
Sahal


Sahal

waa lagu salaamay sahal, laakiin meel walba waxaad ku qortay su'aal isku mid ah waxaa cad in aan rabin gabadh fiican waayo gabadh fiican meel walba waa joogtaa ee adigaa wax kaa si yihiin ee isa soo sax. meelaha qaarkood waxaad ku qortay in aan dumarku talin jirin, dumarka qaar ragga iminka jooga ka talo iyo caqliba wanaagsan ayaa jira horena u jirey markaa maskax cuqdad qabta ayaa kugu jirta ee is daawee.

Gabdhaha wanaagsani waxay u qalmaan nin wanaagsan ee la soco.
wa salaama calaikum


salaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sahal

Sunday, March 25, 2001 - 05:13 pm
Ms Anonymous,

salaam ig aguddon, waad ku mahadsantahay jawaabta maskaxdaada ka timid, meeshan qofkasta waa u furantahay inuu ra'yigiisa kuu soo qoro.
Laakiin waxaad ogaataa in gabdhihii somalida siday qurbabe ugu soo baxeen u isbedel weyni ku dhacay oo ka badan boqol jeer isbedelka ragga ku dhacay.

Marksa waxaan kula telinaynaa gabdhah inay bal socodkooda tartiib ka dhigaan oo bal ixtriraama raggu leeyahay siiyaan.Walaal waxaan kuu sheegayaa qiso dhacaday markii nabigeenii Mohamed Illaahay salaantiisa korkiis ha ahaatee uu noolaaa.Qisadni waxa weeyee:Nin saxaabi ah ayaa safar u baxay , intaanu safarka gelin xaaskiisa wuxuu kula dardaaarmay inaany gurigeeda ka bixin ilaa inta uu soo noqonay.Waxaa dhacday intii ninkeedu safarka ku maqnaaa in aabeheeda uu aad u xanuunsaday oo naf ka bixii ay u hadhay.Waxaa u yimid walaalkeed oo ku dhahay walaalo aabo aad buu u liidataa marka inta aanay naftu ka bixin kaalay oo soo arag.Waxay u sheegtay in inkeedu kula dardaarmay inaanay guriga ka bixin ilaa inta uu soo noqonay, waxay walaalkeed ku dhahday orodoo soo weydii Nebiga (salalaahu calayhi wa salam).Markii walaalkeeda nebiga u tagay oo u sheegay qisadii wuxuu nebgiga u jawaabay amarka nibnkeeda ayaa ka khayr badan inay u tegto aabaheed oo xanuunsanaya.Marka waxaa dhacay ina aabaheed siddii ku dhintay nebiguna u duceeyey gabadhaasi amarkii ninkeeeda aqbashay.

Marka walaal taasi tus'aale ha kuu noqoto oo waxba ha ku marmarsiyoon in markii dhulkii la joogay ay ku caawin jireen ahligaagu.Diintu mar kastaba wy nooshay owaa in aad sideeda u hirgelisa, Illaahayna ha inaga dhigo kuwii gu aflaxa--Aameen.

Nabadgelyo,
Sahal