Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Feb. 2, 2001): Waxaan raadinayaa WIIL DIINTA WAX KA YAQAANA OO DIYAAR U AH, IN UU XAASKIISA IYO ISAGA WAX ISKA FAA'IIDEYSTAAN......
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Farah

Saturday, December 16, 2000 - 01:02 am
Asalaamu aleykum,

Waxaan ahey gabar somali ah oo degan meel cidlo ah, oo raadineyso wiil somaliyeed oo DIINTA waxka yaqaan oo aan wax ka faa'iideysan karno Ilaahey haduu idmo.
Wiilkaas waa inuu u dhaxeeyaa 25-30 , oo aqoon aduun wax ka yaqaanoiyo tan aqiraba wax ka yaqaana. Oo wax ka yaqaana xuquuqada dumarka.

Aniga waxaan raadinayaa qof Ilaahey ka maqaya , uu iska doonin mise iska dhigin wax uusan ahey ,
In uu ii jeclaado only Ilaahey daradiise ee non quruxseyda...

Wixii raba waad ila soo xiriiri kartiin inta mise e-mailka aan marka danbe Ilaahey haduu na idmo soo qori doono.

Waxaana doonayaa wiil bigrad ah....

Salaamu aleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

awey

Saturday, December 16, 2000 - 01:28 am
walaal waan fahmey waxa aad ka hadashay waana wax
loo bahanyahay walaal hadii ay daacad kaa tahay
ma wayneysid sifaha aad soo sheegtey hadaba aniga
ayaa kuu diyaar ah walaal guurka ma aha wax jees jees ah ee haka dhigin wax cayaar ar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mahamed

Saturday, December 16, 2000 - 04:30 am
farah talo ayaan kuu wadaye iska ilaali qolooyinka diinta ku gabada ha noqdaan suufiya ama aqwaan waxaan kugula talin lahaa in aad wax ka raadsato meesha kugu dhow oo qof kuu qalma aad ka heleyso shardina howga dhigin somaalinimo waxaaa laga yabaa inaad heshid muslimiin kale oo somalida ka fiicane ilaah kuguma amrin inaad somaali kaliya uu nin kuu noqdo ee ninkaga meeshaad joogto ka raadso waxii uuu kuuu noqdaba taasi waaa fikradayda hadii ay qalad kula muuqato raali baad iga ahanaysaa wa calay kumu salaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lulaaye

Saturday, December 16, 2000 - 08:30 pm
To: Farah walaal asalaamu calaykum wa raxmatulaahi wa barakaatuhu, walaal sifa cajiib ah baad sheegtay waana ku faraxsanahay sida runta ah, hadaba walaal anigu ma oranaayo waa aniga oo qudha ka aad raadinayso balse walaal anigu wax waan ka aqaana diinteena sharafta leh waxna waa iska weydin karnaa hadii aad diyaar u tahay Insha Allaahu, waana raadi naay gabadh diinta waxka taqaana, malaha waaba adiga xabiib, marka aan isla soo xiriirno. Sidaa iyo isla xidhiidh wacan macaanto. Asalaamucalaykum wa raxmatulaahi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nimco

Sunday, December 17, 2000 - 07:43 am
TO:LULAAYE

Qaabka aad u hadleysid iyo magaca aad sidato kala dheer, ee magacana wax yar soo yara qurxi kadib gabadha walaashaa la hadal..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Diinle kabiiroow

Sunday, December 17, 2000 - 08:22 am
Haa salaamaad dhamaantiin

yaab leeee iga soo harey gabar Farah la dhaho, hadana indha adeygeedaa iiga daran, waxaan raadinaa will ku lahaa, waa yaabey, fajac, cidlo ku lahaa, danta aad leeedahay sheeego oo magacaada iyo waxa aad tahay horta cadey, ka dibna wax na su'aal ama waan ku siineynaa hadii aan awoodno hadaana awoodina Allah baan kuu baryeynaa si uu cidlada iyo fhibkaaa kale ee ku heysto kaaga qaado. Waxaase waano iga ah sabar oo ku sabar dhibkaada oo ha la qeylin.
waa ka baxay.
Wa billahi towfiiq.
Dheg-naas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ubax

Sunday, December 17, 2000 - 01:06 pm
Waxay aniga ila tahay inaadan qof fiican aheyn. Haddi aad nin raadineyso waxaa jira sifo ay gabadha soomaaliyeed u Hadasho, ee hadaba guuxaaga haka dheereyn. Mide kale waxaa jirta qaabab kale oo aad u raadin karto haddii ay daacad kaa tahay guurkuna ciyaar ma galo ee ilaahey ka cabso hana ka dhigan diinta ul wax lagu baadi goobo. Hana isticmaalin erayad qaarkood gabadh baa tahay oo mise Blind date baad raadineysaa oo xishoodkii waa laga tagay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lulaaye

Sunday, December 17, 2000 - 01:29 pm
To: Nimco waan ku salaamayaa bacda salaan abaayo maxaa kasi ah magacayga maxaadse ku dhaliishay walaal, ma iisheegikartaa? qofkasta u xuuleeyahay nickname, fadlan ii soo sheeg waxa kasi ah magacayga, hadii anad hayn wax riisan ah leave me alone honey, waxaad tahay gabadh soomaliyeed oo ah walaashay marka kuu ma dhuudho waxun,

Thank you bye

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed

Sunday, December 17, 2000 - 09:49 pm
mohamed.waadsalaamantihiin dhamaantiin bacda salaan [farah. walaal waxaan kuleeyahay qaabka aad wax uraadinaysid aad baan ula yaabay sabab ta oo ah qiimihii ayaad iska qaaday. oo cidlada aad sheegay sid waxaan ufah may in dabeecadaadu kudhigtay midalabaad.gabadhaha soomaaliyeed meel hakaga dhicin .diintuna xishood bay ku faraysaa] waxaan hadalkayga kusoo gabagabeeyay.oon isleeyahay waano ha unoqoto [maah maah dii ahayd. qofba meeshu is dhigo ayaa lagu qalaa sidaa iyo nabadgalyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohammed

Sunday, December 17, 2000 - 11:34 pm
to farah.
salaam allaahi caleyki waraxmatuhu wabarakaato.
walaal marka hore waad salaamantahay,salan kadib aad baan ugu farxay sida sharafta leh oo aad usoo qortay dalabkaadi,waana kugu raacsanahay diinta ayaa waxkastaba ka ween rasuulkeen caleyhi alsalaatu walsalaam waxuu yiri tunkix almarah lisalaas li jamaalihaa wali nasabiha wali diinihaa faisfur bisaat aldiin taribat yadaak,xadiiska macnihiisa waa naagta waxaa loo guursadaa sidax sababood quraxdeed ama nasabkeed ama diinteed waxuuna yiri rasuulkeen tan diinta heeysato guurso,waxaana la yiri altayibuun lil tayibaat,waana dadka wanaagsan illaah waa isu calfiyaa,waxaana kuu rajeenaa qof xalaal oo qayr qaba inaad hishid.
anigu waxaan jiraa 30 sano diinteeyda waan heesta walxamdu lil laah bokholkiba 90 waan akhaan diinta hadii ee tahay quaan misa tafsiir xadiis.
hadii aad jeceshahay inaan wada xiriirno,waxaad igala soo xiririkartaa. khaalid_30@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Farah

Monday, December 18, 2000 - 02:02 am
Asalaamu aleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu

AWEY, MAXAMED, LUULEY, waad mahadsantihiin dhamaantiinba sida wacan ee aad iila soo xiriirteen.

Walaalayaal, waan ogahey qiimaha uu guurku leeyahay, guurkuna wuxuu la mid yahay adoo diintaada bar oo bar taqaanid, waana wax Ilaahey (SW) barkeeyay.

Walaalayaal wax xun aan iri majiraan, waxaan iri only waxaan doonayo.Hadaan ahey qof xun mise qof fiican Ilaahey kaliya ayaa ijuge kareen kara .


Walaalayaal waxaad ila soo xiriiri kartiin halkaan hadaad rabtiin.

sagalcadey@hotmail.com

Asalaamu aleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Friday, December 22, 2000 - 03:25 am
dear farah,
haddi ninkaad tilmaantay aad rabtid ,lasoo xidhiidh e-mail baadicadde@yahoo.com

waad salaamantahay..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CABDIRABI

Saturday, December 23, 2000 - 09:33 am
farax, kheyr alle ha ku siiyo. yaa ku dhahy bikir baa carrada jira adigu haddaad tusmo lagugu garto leedahay bikirnimadaada ragu ma laha. marka nin ha weydiin bikir in uu yahay iyo in kale, ama been buu kuu sheegi( mid soo maray xaaran ama mid xalaal soo maray oo furay xaskiisi) ama run buu kuu sheegi( mid aan naad soo arag)marka marna niyadaadu ku degi meyso. ama talo hadaan ku siiyo, iska sug mid laguu dhalo ood carbuun ka bixiso oo bikir nimadiissa lagugu cassumo..lol.
salamu calaykum
walaalka in islam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BIKRO

Saturday, December 23, 2000 - 11:20 am
KALA DHEER,WAXAA LAGALA BAXAY MACDANTII EE
QODBIDA LAGU QARIYAY OO AANAY CIDINA SOO
CELINKARIN IYO BIKRO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saalax

Monday, January 01, 2001 - 03:17 am
To: Bikro:

That must be the most cruel and blunt YET true and inspiring comment I have ever read from this site... well done my friend. I believe it is time we [somalian men] should have our say about this barbaric and unfounded act that inflicted upon our sisters for centuries.

As a Somaliman I strongly advocate the end of such acts in our society and I believe if my countrymen become involved in the subject we will see the end soon. If my Allah created the body like that and did not say there is something wrong about it - what somaliwomen are trying to fix. Besides do Somaliwomen ever ask their clients' likes:)

Wa Bilaahi Towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ali m hadji

Tuesday, January 02, 2001 - 05:09 am
To Dhamaan
walalayaa intii si wanagsan ulahadashay gabdha wayficayihii.
lakiin Nimco adiga magaca waa caadi ee maxaa ka rabtaa Ifrax waa cadi mise Ifraxyada nin wa wayaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

aidurus

Thursday, January 25, 2001 - 03:12 pm
abaaye waan ku salaamayaa abaaye anigaa kuu baahan hadii aad diyaar tahy diinta wax waa ka aqaan dadaydu waa 22 yrs waxaan ku noolahay america gaar ahaan ohio state waxaan dhigtaa collage fadlan hadii aad diyaar tahay igala soo xiriir E maikayga waa Aidurus50@hotmail .com waad mahad santahay laakiin waan ka xumahay adigu noocaa aad tahy iima sheegin amadan dookhayga ahayn oo aan kugu lug go aa any way send me E mail thank you

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mohamed

Wednesday, February 07, 2001 - 05:27 am
tö nimco waan ku salaamay sheekada ayaan ubaa hanahay meesha aan kagala soo xiriro soo sheeg
shan karoney jawaab ayaan kaa sugaya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fahad

Wednesday, February 07, 2001 - 05:33 am
dhamaantiin waad salaa mantihiin nimco
adigu gabar miyaa tahay mise wiil waan fahmi
waayay mar kaad dheheso wax yar soo qurxi
maxaad ka wadaa su aashaas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdi qani

Saturday, April 14, 2001 - 08:52 am
abaayo nimco waad salaamantahay hadii aad gabadh qurux badan tahay diin le dabeecad le good family hay sata waad ila soo xidhiidhi kartyaa