Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

SomaliNet Forums Archives: Before May 2001

Yes, thanks to SomaliNet Communuity, Somalis took advantage of the internet at its infancy!

SomaliNet Forum (Archive): e-pals - Isbarasho: Archive (Before Feb. 2, 2001): WAA NIN MUTACALIN AH RAADINAYA GABAR U QALANTA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

HANAD.H.H

Monday, December 18, 2000 - 07:51 am
RAMADAAN WANAAGASAN
WALAALAHAYGA QAALIGA AH KULIGIIN WAASALAAMAN TIHIIN MAGACAYGA WAXAA LA YIRAADAA ALTOPELLE WAXAAN KU NOOLAHAY YURUB ILAA 18 YEARS WAXAAN WAX KU BARTAY ILAA MASTAREED YURUB WAAN JOOGAY MEELKASTA OO YURUB SABABTOO FAMILIGAYGA AYAA DUBLAMAASIYIIN AHAA HADDBA MEESHA LOO BADALO AYAAN KU NOOLAAN JIRAY LAAKIIN WEST YURUB AYAAN JOOGI JIRAY WAX SOOMAALI LAYIRAAHDO MA AQOON JIRIN SABABTOO AH FAMILIGAYGU MA AQOON WAX SOOMAALI SOMALI AH AYAA JANO NAYAY AHAYD HADAAN ARKO HAL QOF OO JID MARAYA WALIGAYNA JAANIS UMA HELIN INAAN WAQTI KU DHUMIYO JID AAN SOMALI LA IS TAAGO WAXAAN SABABTOO WAXAAN CUNNO WAA INAAN SOO SHAQAYSTAA ILAA IYO 1989 KII KA DIB NOLASHAYDA QALQIIL AYAY GASHAY SABABTOO AABE WAA HORE AYUU DHINTAY HOOYANA 1988 KII AYAY NEWZEALAND KU DHIMATAY MARKA SOOMAALIGA AL XAMDULILAAHIWEEYE INUUSAN IGA DHUMIN WAXAAN JIRAAN 27 SANNO KULIGEED DA'ADAYDA WAXBAAN BARANAYAY.
HADABA WAXAAN AHAY IN BORAFISHINAAL AH HADDAAN HELAY ADREES SOMALI LEEDAHAY EE WALIGAYNA MA OGAYN SAAS AYAAN OO GA WARQABIN CIDDNA.
WAXBALWAD AH MALIHI XATAA WALIGAY SIGAAR MACABIN.
WAXAAN RABAA GABAR AAN GUURSADO OO AAN SINGLE NIMADAYDA OOGA GABAXO MANA RABO GABAR JECEL REER HEBAL IYO QABIIL MA JECLI QABIILKA HADDAAD TAHAY QABIILKA DADKA KU DHAQMA ISKAYDAA GURIGAYGA INUU SOO GALO QOFKA QABIILKA JECEL MARABO.
LANA SOCO INAAN LAAN DHEER AHAY LAAKIIN AANAN AHAYN DADKA LA YASO XATAA WAANA AQAAN QABIILKAYGA.
WADA XIRIIR WANAAGSAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lady

Monday, December 18, 2000 - 08:23 am
Asalaamu caleykum,
Waxaan ku waydiiyay gabadha aad doonaysaa ee ku qalmi kartaa, maxay tahay shuruudaha loo baahan yahay in ay buuxiso? Marka kale ma hada uun baad heshay meel Somali ku sheekaysato waad hurudayee.
Salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hinda

Monday, December 18, 2000 - 01:00 pm
salaam all
hanadoow boowe xageed kujirtaad tiri? iyaaaaaaa maogtahay bro inaadba nolol kunooleen hadaadba tiri somaali ma arag horta somaalida sideedaba weey iska dhib badan yihiin hadana walaahi la'aantood waa abaar oo lama noolaan karo, marka walaalkiis waxaanba la yaabanahay sida aad intaas oo idil u nooleed aniga hadaan adiga ahaan lahaa ari aboowe mar horaa iilka la idhigi lahaa......
Yaan waxba hadalka kugu badin bro waxaan kuu rajeeynayaa inaad heshid qoftaad mustaqbalka lawadaagi laheeyd inshaalaah, ilaahayna isku xir walaalkiis kana bari inuu kusiiyo inan kuu qalanta sida aad sheegtayba, by the way bro qabiilka waa wax muhiim ah waxaana kawadaa qofka waa in la ogaadaa reerka uu ka dhashay iyadoon wax xun loo isticmaalin ilaahbaaba subxaana watacaalaa sidaas darteed usameeyay qabiilka in laisku garto marka qalad haiga fahmin............
Hadii aad ubaahatid gabar walaashaa ah oo friends aad noqotaana diyaar ayaan kuu ahay emailkaaga ii dhaaf anaa kusoo email gareeynayee.......take care hanad.
Wasalaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Zahuur

Monday, December 18, 2000 - 01:28 pm
hanad

huno hadalkada waa cadyahay, balse magaca hanad ayaa ku haleeyay, hanad iyo mutacalim isku meel ma galayaan horta. anyway shuradahaada suu shub

ani gabar madoow oo gaban ayaan ahay.

sadex luugadood waa ku hadlaa.

qabeel hada mise awal awal ma kaseen hadase waa aqaan lakiin qofna wax ma ugu dhimo.

aabehee waa iska shaqesan jiray.

ciao heeeeeeeeeee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAISA ALI

Monday, December 18, 2000 - 02:46 pm
HUBSIINO HAL BAA LA SIISTAA......
Hanadow waad ku mahad santahay aftahanimadaad
marka labaad ruux soomaaaliya in badan ka maqnaa farsoomali sidaa uma qori yaqaano. Tan labaad somalia kuma noolaan fagaaraha guurka waxba kama taro ee waa qof waliba iyo dadnimadiisa. Tan seddaxaad haddaad waxbaratay iyo haddii kaleba Waxaa qaali ah ruuxa garanaya xaquuqda lagu leeyahay iyo xaquuqda uuleeyahay xagga rabbi iyo xagga addoomada alleba.
Sidaa Awgeed walalo adigoon ii caroon gayaankaa uu buuxaa ye adioon is gees buurin googa gal gacaliyo haase geestaad ka qaad adigoon hadalka gurin gacalnimadan ka tegin geesi guurdoona noqo hanadow.
Dhegdheer@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

indhouroon

Monday, December 18, 2000 - 08:55 pm
hanad qaar badan oo guur doon ah sidaadaa ayaa buuxa ee iska sug walaalo aniga ayaa ka mid ah ee bal aan soo helo meel aan kaala soo xiriio anigu e-mail ma lihi balse iska xulo horta soo qor mail lagaala soo xiriiri karo bye. indhouroon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H.H.H

Tuesday, December 19, 2000 - 10:55 am
LADY,ZAHUUR,INDHOUROON,HINDA,FAIZA ALI..........
KULIGIIN WAA IDIN SALAAMAY KA DIB WAXAAN RABAY INAAN IDIN SIIYO EMAILKAYGA KALI AH WAA KAN EE WADANXIRIIR WANAAGSAN ROMANINGE@HOTMAIL.COM.

QOF WALBA OO WAX ISKU HAAYA HALKAAS AYAANA LAGU ARKI DOONAA QOF WALBA OO WAX SOO QORA WAA U SOO JAWAABI DOONAA HADDII ALLE IDMO.

XATAA WAA ISKU BARAN KARNAA FREANDS NIMO QOFKII RABA. WADA XIRIIR WANAAGSAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somali ku faan

Tuesday, December 19, 2000 - 12:39 pm
Dhamaan gabdhaha u jawabay ninka shegtay mutacalin,diblomasi,iyo rer magaal intinuba waxaad marisen abalkisii.
sababto ah ninka odayga ah faan ayaa ku jira hadal kisa nin fanayna waa hal is nugtay,kalsoni ayaa warkaga lagu dhibtaa,
Waxaan idin shegayaa in aad ayihina ku xidhaan nin isku kalson waxa kale oo dhani waa ku meel gaadh.

Wilka hanad la baxayna waxaan odhan lahaa gabdhaha somaliyed waa ka qima badan yihiin dad xabaal isugu rida muta calin ayaan ahay balse FARAS QIMIHISI QURUX BUU KU DORSADAY,qofwalawba si u fasiro

Igala soo xidhiidh hadaad ii bahan tahay.
axmedshakir@hotmail.com
axmedshakir@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Lady

Tuesday, December 19, 2000 - 02:54 pm
Asalaamu calaykum,
Horta Hanadow ka soo jawaab shuruudahu waa maxay ilayn ii qalanta baad tiriyee.
Salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H.H.H.

Wednesday, December 20, 2000 - 07:25 am
lady
walaasheey waa ku salaamay haddii aadan gabar niman badan ahayn iga soo xiriir emailkayga waa ka wada hadlaynaa haddii alle idmo waana kuu soo jawaabayaa.

waa mahadsan tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AMBARO

Thursday, December 21, 2000 - 05:17 pm
sallaam all of you.
Bacda salaan waxaan halkan uga jawaabayaa ninka mutaclimnida iyo diplomasinimada sheegtey.

Walaal horta diplomasinimada iyo soomaalinidu waa shaqo aad isugu dhow waayo aabahaa markuu diplomasi soomaali ahaa wuxuu matalayey wadanka soomaalida, Markaa hadaanu soomaali arki jirin yuu xafiiska diplomasinimada u hayey? !!!!
2) waxaad tiri qof somali ah maan akin, 20 yrs ago soomaalidu qurbaha ha ku yaraadeena laakiin waa joogeen meel walba oo Adduunka ka mida. Markaa taa kaamaanu siisan waayo da'daadana waxaad ku sheegtey 27,Master Degree dhameeyey, laga yaabee taasi inay suurto gal tahay, inkatoo aan la socdo caruurtii diplomasiyiinta inay wax bararashadu qiimo la lahayn oo noloshoodu stypal ahayd, Had iyo jeerna waxbaradha waxaa qiimeeya ninka aan heli karin qiimeeyana micnaha ay leedahay, kana xariifsan ka taajiriintu dhaleen,
Markaa walaal waxaan ku dhihi lahaa sheekadan aad netka ku samaysay ee ah in gabdhaha soomaaliyeed tacliin, iyo mansab baa lagu soo xero geliyaa ah iska ilow waxaan u arkaa in aad denbi ka gelaysid gabdha soomaaliyeed oo aad maadiyiin ka dhigtey.
Waxaan intaa ku darayaa in aan qiimeyno ninka diinta,dhaqanka, iyo caadada soomaaliyeed qiimeeya iyo sharafta ay gabadha sooaamliyeed ka mudantahay saygeeda ama ninkeeda,gabdhuhuna sidoo kale markaa ayaa la helaa healthy family.
Balse adigu waxaad tiri qabiil albaabkayga ma soo gelayo taas oo cadaynaysa inay kaa tahay nin gabadha tolkeed ama familigeeda albaabka ka xirtey
waayo xaaskaaga walaalkeed, qabiilkeeda ayuu ka taagan yahay markaa maxaad samayn?
Adigoo aan qabiilka qaladka famin walaal u qaado inuu yahay wax dadka laysaga garto balse aan la miss use gareyn.
Adigoo iga raali ah bal dadka dhex gal oo si fiican ula sheekayso oo dhaqankaaga wax ka fahan intaadan mid shisheeye wax ka baran. Waayo haddii dhaqankaaga wax lagaa weydiiyo oo aad jawaab ka bixin kari weydid waa ceeb kugu dhacdey!
SHAME ON YOU.
Waa walaashaa kaa naxsan sidaad u fogaatey markaa soo noqo adoo nabada!!!!!!!!!

That all for today
AMBARO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CABDIRABI

Saturday, December 23, 2000 - 09:44 am
allahu akbar ,, war meesha maxaa la isku harawsanaya. warya aniga maba moodeen ee dumarku nin faanlow ah waa daba cararaan intey ka ogaanayaan in uu beenlow yahay. warya dadnimadaada ku beec tag intaa aad tacliin iyo heerkiinu wuxuu ahaan jirey la fadhido meesha oo gabdhaha ha naga duufsan. gabdhaha soomalidu waa qaali, tooda naga luntay waxay dheertahay kuwa kale ee ajaanibka ah in badan laakin cidna kaama xigto gabar soomaliyed, lacag kugu kici meyso barashadeedu ee beenta iyo faanka diib u dhig, raganimada iyo heermagaalnimada soo horeysi.

idinkuna gabdhow xooga dabciya shekda, gabdhuhu waa gabsan jirey oo xishood muujin jireen ee xagee ugu kala cararaysiin jinigan xashiyaha xayeysiinaya oo master iyo wax la mid ah la taagan meesha.

salamu calykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jamaal

Sunday, December 24, 2000 - 10:26 pm
dhaamaantiin waad madsantihiin sida fiican aad wax ugu sheegteen ninkan la baxay hanad .sxb hadan waxan ku odhan lahaa waa khalad inaad guuxaga aad ka dheerayso .anigu waxaan halkaad ka dhadhansanayaa inaad tahay nin isla weyn .somaliduna waxay tidhihdaa nin is faaniyay waa ri is ruugtay .markaa sxb adoo waxaad doonta haysa hadana dadka ha iska dhex saarin .waxaan filyaa cilmigu inuu ku bilow yahay adiga imika .mida kale adigoo kale lama noolan karo gabadhi waayo? imika hadii aad halkan joogtid hadhowna waxaad soo wada wax ka daran .anigaygan kula hadlayaa ma lihi xaas lakiin waligay sidaas wax umaan doonin .dumarkana waxaad ka soo qadaa walaashaa oo kale ama hooyada .ilaahay ayaa inoo sakhiray duulka markaa waa laga ilaaliya qaladka markaa hadii aad u bahan tahay in wax lagu sheego wadaad ila soo xidhiidhi kartaa .gacayte2000@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

H.H.H

Tuesday, January 09, 2001 - 08:33 am
Kuli been waye ani Italiano waye marka run shego, lakin waa jeclahi gabadhah somali sbatoo ah ani hoyadey talyani waye.
Ismaqal dande oo fiican.