    MAHDI | Wednesday, March 07, 2001 - 05:55 am WALAALAYAAL WAAD SALAMAN TIHIIN. DHIBAATADA IHAYSATAA WAXAA WEEYE GABAH SOOMALIYEED AYAAN WAXAAN LASOCDAY MUDO GAA DHAYSA 6 BILOO. AADBAY II JECLAYD ANIGANA WAY IGA KEEN SATAY JACALKII . MARKAA GADAAL BAAN KA OGADAY IN GABADHU ((( AY SUUXDO ))))MARKAA FADLAN MAXAAD IGU CAAWIN KARTAA OO TALA AH ... PLEASE FAKRADAAD KADHIIBO |
    GabadhWacan | Wednesday, March 07, 2001 - 06:42 am Salaamu Calaykum Walaal Mahdi, Gabadhu ma mustaqbal ahaan ayaad u doonaysa? Anigu koley waxaan ku odhon lahaa caafimaadka Ilahay baa heeya. Waxay qabto bal weydii. Suuxitaanka waa wax daawo leh lagu kontoroolo waa hadii ee qabto qalal iwm. Mar walba Ilahay talo saaro. Talo kuuma heeyo walaal aan ahayn gabadhaada la hadal oo baro waxa heeya. Ilahay ayaana awood leh. Dadka xanuunka laguma naco. Laakiin waxaad tahay nin xas iyo caruur doonaya dabcan, haduu xanuunka u saamixi karin inay uur yeelato bal weydii. Dakhaatiirta u raac. Gabadhana u naxariiso. Salaam GabadhWacan |
    Anonymous | Wednesday, March 07, 2001 - 07:28 am to mahdi aslaamu calaykum aboowe marka hore ilaahay baa haya caafimaadka oo qofna laguma naco cudur oo inta uu ilaahay ka soo qaado ayuu adiga kugu wareejin karaa anyway aboowe gabdha xagay joogtaa hadii ay joogto meel lagu daaweyn karo oo dhaqtaro leh ha aado dhaqtarka oo suuxitaanka waa wax aad iyo aad u fudud daawayntiisa oo laga daaweyn karo oo dawo aboowe cudurna xiriirkaaga ha u goynin oo ilaahay baa awooda haya ee ilaahay ka bari inuu kuu caafiyo w/caalykum |
    said | Wednesday, March 07, 2001 - 07:51 am Gabar mar suuxdaayi macna malahee dadbaaba curyaano qabo caafimaad ka ilaah ayaa wax ka qabankara ee gabadhaada tawakal oo guurso BY Said |
    Farxaan-nero | Wednesday, March 07, 2001 - 09:01 am hey;dhamaantiin aad baad ula taliseen laakiin ma waydiiseen inuu ilaahay kal tashatay xaaladaas iska guurso caqli ma ha ee waxaa caqli ah ka ducayso haddii ay shar kuu tahay waad is dhaaaysaan haday qayr kuu tahayna, waad is helaysaan waxaad isku daydaa inaad labo ragco oo suno ah tukatid kadib ilaah wax su,aalo I mean sida qayrku kuugu jiro'' have a nice day |
    amina | Wednesday, March 07, 2001 - 11:19 am to mahdi walaal waxaan ku dhihi lahaa gabadhaada iska guurso oo ilaah iska tawakal saaro caafimaadka ilaah baa haayo ilaah na wuu kaa ajirsiinaa hadii xaaskaada oo cuuryaan ah ama jiran aad u naxariisato oo aadan xaasidin weeyna kaaga ajir badan tahay naag caafimaad qabto ilaahna wuxuu yiri isku naxariista ana waan idiin naxariisanaayaaye walaal marka taas ha i loobin oo ilaah dar tii iyo jeceylka aad u qabto u guurso adna ajir alaha kaa siiyo ilaahna ha caafiyo s/caleeykum |
    mahdi | Thursday, March 08, 2001 - 02:26 am dhamaan tiin waad mahad san tihiin jawaabta aad isiiseen . walaalayaal gabadha dhowrgeer baan lahad lay oo aan kalahad lay cafimadkeeda iyo in aan dhakhtar geeyoo .waxaana ugu balan qaaday wixii kugu baxa anaa qaba markaan ku soo hadal qaado ayeey tiraahdaa .please sheekadan bedel anigoo markii horeba aan aad u yaabanaa oo aan naftayda ka dhaadhicin waayeey ayeey sheekadan keentay. aad baad u mahad san tihiin dhamaan tii aadna waan ugu farxay jawaabahan aad isiiseen by mahdi |
    saamiya | Friday, March 09, 2001 - 08:07 am TO mahdi salaamu calaykum walaal salaanta is laamk kadib waxaad ogaataa. in cudurka iyo caafimaadkaba uu ilaah hayo. qofa uu rabana uu ugu deeqo, walaal ilaah baa haya caafimaadka ee la tacaal. gabadha aad is rabtaan ogowna in waxa rabi daaweeyo bogsadaan haku nicin qof xanuun adigu isma hubtide inta aad gaadhayso suuxdin ilaahbaa.daaweeya laakiin ku dadaal dhaqaatiirta. cudurka taqaana insho alaah aller ha ku caawiyo oo xanuunka ha ka qaado gabadha soomaaliyeed ogowna in wax walbaa leeyahiin nabsigeeda ilaah talada saaro oo mar waba bari aller kaliyaa isagaa cudur caafimaad ku badala sidaa iyo nabad galyo my bro |
    mubarak | Saturday, March 10, 2001 - 12:23 pm to-mahdi bacda salaan horta wax walba samir ayeey u baahanyihiin maadaama ey arintaasi ku qabsatay hor allah uugu samir gabadhaadana la nooloow illaaheeyna caafimaad ooga bari isaga ayaa wax walba kara hadaanad ku qancin anigu marnaba kugula talin maayo in aad kala hadhaan waayo waxaa tihiin laba muslimiin ah codsadayna in aad rayi ku biirisid asalaama caleeykum |
    Nuclear | Saturday, March 10, 2001 - 02:19 pm Nuclear To Mahdi Saaxiib akhyaarta soomaliyeed si fiican bay kuula hadleen, si naxariis iyo bini aadanimo waafaqsan bay kuugu soo jawaabeeen, Marka inanta ha ku nicin way suuxdaa oo qura, qofkasta oo aduunka saaraan gaarantii u ma haysto inuu caafimaad ku noolaado waligiis. Suuxidinta cudur contagious maahan, ee gabadha hadii ay ku jeceshahay waa qof fiican ee ilaali, dhaqaale, guurso,insha' allah way caafimaadi doontaaye. Ka waran hadii aad adigu Asma qabi lahayd, ma jeclaan lahayd inay ku xiriir furto? maya weeyaan jawaabta, marka ilaah talo saaro gabadha wanaaji, oo guurso . take care |