|
|
Guluf dagaal kii ugu xumaa oo Muqdisho ka socda iyo ciidamada Ethiopia oo guidaha u galay qeybo ka mid ah xaafado hor leh Thu. April 26, 2007 07:16 am.- By Abdiaziz Mohamed Warsame. -
(SomaliNet) Dagaalo aad u culus oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa wali ka socda madalaada Muqdisho, iyadoo uu dagaaalku saakay ku fiday xaafado hor leh oo ka tirsan deegaanka Huriwaa.
Dagaalkaasi ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac xoog leh, iyadoo labada dhinac ay wali ku hardamayaan sidii kooxba kooxda kale ay uga awood roonan laheyd.
Wararka laga helaya jiidaha hore ee goobaha uu dagaalka ka socda ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia oo wada 3 Taangi laguarkay si lama filaan ah agaagaarka warshada Baastada ee magaalada Muqdisho, halkaasoo fariisin u ah kooxaha ka soo hor jeeda Ethiopia, iyadoo markaasi wixii ka dambeeyay uudilaacay dagaalkii ugu xumaa ee maal-maham dambe ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.
Dhanka kale deegaamada Jamhuuriya, Fagax iyo agagaarka hotel Towfiiq ayaa waxaa ka socda dagaalo aanw axba la isku harin, kuwaasooaan ilaa iyo iminka la saadaalinkarin qasaaraha ka dhashay dagaaladaasi, hase yeeshee waxaa muuqata in dhinacyada loolanka uu ka dhaxeeya ay soo gaareen qasaarooyin kala duwan.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|