Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

WE ARE WORKING ON THE NEWS SECTION
 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Dagaal ka dhacay tuulo u dhow magaalada Gaalkacyo
Thu. April 26, 2007 07:18 am.- By Abdiaziz Mohamed Warsame. -

(SomaliNet) Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka dhacay tuulada Lugo Raqso oo ka tirsan gobolka Mudug, halkaasoo ay dirir kudhexmartay labo maleeyshiyo beeleed.

Ugu yaraan ilaa 3 ruux ayaa ku geeriyootay, iyadoo tiro intaasi ka badana ay dhaawacyo ka soo gaareen dagaalka manta ka dhacay degaanka Lugoraqso ee gobolka Mudug sida at xaqiijinayaan dadka goob joogayaal ah.

Dhanka kale odoyaal ka tirsan beelaha ku dagaalamaya deegaankaasi ayaa lagusoo waramaya inay wadaan waan waan la xiriirta sidii dagaalka loo qaboojin lahaa.

Dagaalkaasi aya ka bilaawday aanooyin dhanka qabiilka ah kadib markii uunin dilay nin kale ay sababtay inuu dagaalku qarxo.

Dagaalada ka dhasha dhanka aanooyinka ayaa sababo dhaliya iska hor-imaadyo dhexmara qabaa’ilada soomaaliyeed.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(11) NORTH AMERICA(41)
::: CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 2,118,971 posts, 153,456 topics and 79,404 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.