Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

WE ARE WORKING ON THE NEWS SECTION
 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Hub iyo saanad mileteri oo lagu qabtay gobolka Shabeelada dhexe
Thu. April 26, 2007 07:19 am.- By Abdiaziz Mohamed Warsame. -

(SomaliNet) Ciidamada amaanka ee gobolka shabelada dhexe ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad miileeri, taasoo ku sii jedasy magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay ciidanka amaanka ee gobolka Shabeelada dhexe aya sheegay in hubka ay ciidankaasi qabteen uusarnaa gaari ku soo jeeday magaalada Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in hubkaasi uu ahaa mid aad u fara badan, loona waday kooxaha ka soo horjeeda ciidamada Ethiopia ee wax iska caabinta.

Ciidamada ayaa sheegay in hubkaan ay saarnaayeen gaari ka yimid gobolada Waqooyi ee dalka isla markaana ay ku qabteen bar Ctrl oo Jowhar u jirta 5 Km.

Hubkaan ayaa la sheegay inuu u badan yahay waxyaabaha qarxa, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo ay ka bixiyeen maamulka hubkaan ay gacanta ku dhigeen.

Ciidamada maamulka Shabeelaha Dhexe ayaa ah kuwo taageersan Dowlada KMG ah ee Somalia, iyadoo lagu wado in hubkaan ay ku wareejiyaan Dowlada.

Waa markii ugu horeeysay ee ay shaaca ka qaadaan ciidamada amaanka ee gobolka Shabeelada dhexe inay gacanta ku dhigeen hub ku sii jeeday magaalada Muqdisho, isla markaan lo waday kooxaha dowlada ka soo horjeeda.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(11) NORTH AMERICA(41)
::: CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 2,119,007 posts, 153,459 topics and 79,404 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.