Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

WE ARE WORKING ON THE NEWS SECTION
 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Ciidamada Dowlada Federaalka oo kaashanaya kuwo Ethiopia ayaa la wareegay deegaanadii dagaalada ka socdeen ilaa suuqa xoolaha
Thu. April 26, 2007 10:05 am.- By Mohamed Abdulle Hassan (Siidi). -



(SomaliNet) Ciidamada Dowlada Federaalka oo kaashanaya kuwo Ethiopia ayaa la wareegay deegaanada Fagax, agagaarka Hotel Ramaadaan, degmada Huruwaa, deegaanka Suuqa Xoolaha iyadoo mudo sideed beri ah uu dagaal ka socday halkaasi.

Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele ayaa shir jaraa'id ku qabtay xarunta Hormuud ee xaafada Huruwaa oo ku yaala agagaarka Sos ee xaafada Suuqa Xoolaha wuxuu sheegay in dagaalada badidiisa uu soo afjarmay.

Abaarihii xiligii salaada Subax ayaa dagaal culus waxa uu ka dhacay Hotel Ramadaan oo ay joogeen ciidamada Dowlada oo kaashanaya kuwo Ethiopia waxayna cagta mariyeen dhamaan goobihii uu maalmahaan dagaalada badan ka socday mana jirin wax ka hor yimi waxayna toos ula wareegeen deegaanadaasi oo dhan.

Wariyeyaasha gudaha iyo dibada ayaa lagu marti qaaday meelihii ay dowlada la wareegeen waxaana socod kasoo biloownay dhismaha hotel Global ee Shibis waxaana burburka uu ka bilaabanayaa isgoyska Fagax ee xaafada Yaaqshiid oo ay joogeen dowlada oo uu markiisa hore dagaalka ka biloowday iyo Hotel Ramadaan oo ay joogeen ciidamada kasoo horjeeday joogista Ciidamada Ethiopia.

Hotel Ramadaan ayaa waxa ka muuqanayey bur bur Baaxad weyn guryaha ku dhawaa oo la iigu sheegay inuu midkood deganaa Gudoomiyihii hore ee Midowga Maxaakiimta Shiikh Shariif oo isagana burburay guud ahaan, sidoo kale waxaa burbur uu ka muuqday xaafadaasi oo dhan, waxaa goobahaasi la dhigay ciidamada Dowladda oo ka ilaalinayey tuugada bililiqo doonka ah waxaana lasoo qabtay tuugo guryaha shacabka bililiqeeystay.

Ilaa 18 maxbuus ayaa lagu soo qabtay dagaalka maanta kuwasoo qaarkood u badnaa Somalia walow ay ku jireen kuwo Ilatereeyaan ah waxaadna ku garan kartay luqada ay ku hadlayeen halka kuwo soomaalida ah ay sheeganayeen inay yihiin Soomaali.

Wasiir kuxigeenka Difaaca Md. Salaad Cali Jeele oo la hadlayay ciidamada Dowlada ayaa ku wargaliyey inay ilaaliyaan xaafadaha shacabka ka maqan yahay lagana ilaaliyo Tuugada wuxuuna xusay in askarigii lagu arko tuuganimo sharciga lasoo taagi doono.

Dagaaladaan maanta dhacay ayaa galay maalintii 8aad isagoo dhankaani kasoo afjarmay iyadoo wali dagaalada ay kasoconayaan qeybo kale oo magaalada Muqdisho ah waxaadna maqlaysaa dananka madaafiicda labada dhinac meelaha dagaalada ay jiraan ayaa waxaa ka mid ah agagaarka Muqdisho Stadium.

Jeele: W/xigeenka Gaashaandhiga





News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(11) NORTH AMERICA(41)
::: CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 2,118,961 posts, 153,455 topics and 79,404 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.