Please bear with us as the site is going through many changes ranging from backend software upgrades to new design.
Some sections may become inaccesible in the next few weeks.
  FEEDBACK | OLD FRONT PAGE
 

TEST DRIVE SOMALINET VIDEOS SECTION!!!

WE ARE WORKING ON THE NEWS SECTION
 SomaliNet  News    Soomaali  Soomaaliya   

Muqdish oo nabad iyo xasilooni ku naalooneysa
Fri. April 27, 2007 07:22 am.- By Abdiaziz Mohamed Warsame. -

(SomaliNet) Magaalada Muqdisho oo maalmihii tagay ay dagaalo lagu hoobtay ka socdaan ayaa manta ka duwan sidii ay maal-mihii hore aheyd kadib markii ay ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada federaalka ee Somalia ay gabi ahaanba la wareegeen gacan ku heynta caasimada dalka Somalia.

Waxaa maanta degan goobihii ay dagaalada ka socdeen, iyadoo wadooyinka magaaalada lagu arkayo ciidamada dowlada iyo kuwa Ethiopia oo gaaf wareegaya meelihii ay joogi jireen kooxihiiwax iska cabinta oo sida muuqata haatan laga itaalka roonaaday.

Goobaha qaar ayaa waxaa ka socda biliqo, iyadoo meelaha sida weyn loo biliqeystayay kamid yihiin warshadii Coca-Colada ee magaalada Muqdisho sida uu sheegay maamulaha warshadaasi md Bashiir Maxmuud Caraale oo saxaafada a hadayay, wuxuuna cadeeyay in gadiid iyo alaabo kale laga biliqeystay warshada, wuxuuna ka codsaday dowlada federaalka ee Somalia inay wax ka qabato biliqada loo geystay warshada Coca Colada, iyadoo tilmaamay in haatan ay masuuliyada nabad gelyada deegaamadaasi ay gacanta ku hayaan dowlada Somalia.

Dhanka kale waxaa xalay ka socday qeybo badan oo ka mid ah magaalada hub duugasho taasoo ay sameynayeen kooxihii wax iska caabinta ee ka soo horjeeday ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada federaalka ee Somalia, iyadoo dhaq dhaqaaqa kooxahaasi uu xalay ahaa mid ka duwan sidii horey looga bartay.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa manta lagu arkayay iyagoo si nabad ahku maraya wadooyin xirnaa intii ay socdeen dagaaladii Muqdisho, waxaana jira xaafado badan oo ay ka socdaan dhac loo geysanayo hantida dadweynaha Muqdisho u dhaqan, inkastoo ay dowlada Somalai sheegtay in talaabo adag laga qaadayo cidii lagu helo iyada oo biliqi geysaneysa.

News Category: Soomaaliya
Latest Headlines


ACTIVE CHAT GROUPS
E-PALS(11) NORTH AMERICA(41)
::: CHATTERS ONLINE:::
ALL CATEGORIES *multiple rooms in each
SOMALINET FORUMS
This gigantic community center has whopping 2,118,977 posts, 153,456 topics and 79,404 users! Old forum data has been archived and will soon be fully browsable.