|
|
Q.M iyo jamacada carabta oo baaq ka soo saaray dagaladii Muqdisho Fri. April 27, 2007 07:22 am.- By Abdiaziz Mohamed Warsame. -
(SomaliNet) Xog-haya guud ee Q.M Ban Kin Moon ayaa beesha caalamka ugu baaqay in la gargaaro dadka soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo kuwa kale ee ku barakacay dagaalkaasi.
Ban Ki Moon wuxuu sheegay inay ad u dhibeyso dhibaatooyinka kale duwan ee ka dhacay dalka Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho, isagoo walaac ka muujiyay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka Somalia xili uu ka qeybgalay kulan looga arinsanayay ariaha murugsan ee ka taagan dalka Somalia, wuxuuna shaki ka muujiyay in dowlada federaalka ee Somalia au kari weyso xasilinta xaalada nabadgelyo ee dalka Somalia.
Dhanka kale bayaan ka soo baxay ururka jaamacada carabta ee fadhigiisu yahay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa lagu sheegay in ururkaasi uu ka walaacsan yahay dhibaatooyinka kala duwan ee ka taagan dalka Somalia, wuxuuna ururku ka codsaday dalalka ku jira midawga Africa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu diraan cidiamo dheerad ah, kuwaasoo bedela ciidamada Ethiopia ee haatan ku sugan dalka Somalia, waxayna talaabadaasi ku tilmaamen jaamacada carabta inay soo dedejinkarto qabashada shir dib u heshiisineed ee dalka Somalia iyo xal u helida arimaha Somalia waa sida ay bayaankaasi ku sheegeene.
Ururka dalalka Carabta, ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarada ka dhanka ah dadka rayidka oo noqday dhibanayaasha koowaad ee dagaaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho oo haatan u muuqda inay dhamaadeen.
Baaqyada ka soo baxay Q.M iyo ururka jaamacada carabta ayaa ku soo aaday xili ay qaboobeen dagaaladii qararaa ee ka socda maal-mihi tagay magaalada Muqdisho, taasoo ay ku naf waayeen dad aad u fara badan, isla markaana ay ku dhaawacmeen kuwa kale oo aan la xisaabikarin, waxaana dagaalkasi ku bara kacay sadex u dhigoo meel dadka ku dhaqanaa magaalada Muqdisho.
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|