|
|
Rag doonayay inay jaraan buunada Baladweyne oo gacanta lagu dhigay Fri. April 27, 2007 07:26 am.- By Abdiaziz Mohamed Warsame. -
(SomaliNet)Maamulka magaalada Baladweyne ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen rag ay ku sheegeen inay masuul ka yihiin miino la dhigay buundada magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha maamulka Baladweyne md Xuseen Maxamuud ayaa sheegay in dadka deegaanka ay ku soo wargaliyeen in rag nuucaasi ah ay doonayaan inay miino dhigaan buundada magaalada, wuxuuna si weyn ugu mahadceliyay dadka deegaanka Baladweyne kaalinta ay ka qaateen hoelgalkaasi, isagoo sheegay inay dhibaatooyin kale duwan ay ku imaan aheyd dadka deegankasi ku dhaqan iyo gadiidka kale ee isticmaalo isku socodka gudaha magaalada Baladweyne.
Gudoomiyaha maamulka Baladweyne MD Xuseen wuxuu tilmaamay inay dhawan saxaafada u soo bandhigi doonaan raggasi donayay inay jaraan buundada ku taalo gudaha magaalada Baladweyne, iyadoo sidoo kale ay dadkaku dhaqan magaalada Baladweyne ay aad u canbaareeyen isku dayga lagu doonayay in lagu jaro buunadada ku taalo Baladweyne.
Waa dhawaaqii ugu horeeyay ee ka soo baxa mamulka Baladweyne ee shaagayay inay ka hor tagen rag doonayay inay jaran buunadada ku taalad gudaha baladwqeyne,
News Category: Soomaaliya
Latest Headlines
|