Somaliland's Ethic Dilemma.Total(Money) And Ur Folks(Blood)

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Daanyeer
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15780
Joined: Tue Aug 12, 2003 7:00 pm
Location: Beer moos ku yaallo .biyuhuna u muuqdaan

Somaliland's Ethic Dilemma.Total(Money) And Ur Folks(Blood)

Post by Daanyeer »

Nin Muwaadin Ah Oo Xaqiisa Loo Duudsiyo Shirkad Ajnebi Ah Dalkeena Mooyaane Meel Kale Kama Dhacdo Dunida" Gud. Dhaqalaha Ee G.Wakiilada
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 02 November, 2006
--------------------------------------------------------------------------------


Hargeysa (Somaliland.org) – Guddida Dhaqaalaha iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in laba qodob oo kale oo dastuurka ka mid ah uu jebiyey Madaxweyne Riyaale, tallaabada uu ugu diidey haamaha kaydka shidaalka Berbera markab shidaal u sida shirkad ganacsi oo reer Somaliland. Waxana uu guddigu ugu baaqay Madaxweyne Riyaale inuu sida ugu dhakhsaha badan uga noqdo tallaabadaas.

Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada, mudane Maxamed X. Maxamuud ayaa shir jaraaÂ’id oo uu maanta ku qabtay xarunta Golaha Wakiillada, waxa kaga hadlay markab sidey shidaal ganacsi ah oo ay leedahay Shirkada ganacsiga ee AL-XARBI oo shalay ka goostay dekedda Berbera, kadib markii TOTAL oo gacanta ku haysa haamaha kaydka shidaalka Berbera ay diidey inay markabkaas ka wareejiso shidaalka uu sido. Waxana uu ku tilmaamay tallaabadaas mid xadgudub ku ah dastuurka dalka iyo xuquuqda muwaaddiniintu ku leeyihiin dalkooda.




Mudane Maxamed X. Cumar-Xaashi, Guddoomiyaha Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha WakiilladaMudane Maxamed X. Maxamuud Cumar-xaashi oo uu shirkaa jaraaÂ’id ku weheliyey mudane Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) oo isaguna ka tirsan Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilladu, waxa uu ka digey cawaaqib-xumada ka imin doonto haddii arrintani ay sidaa ku socoto oo aan iminka wax laga qaban, isaga oo sheegay in muwaadiniinta kalena ay ku dhici doonto tan oo kale. Waxa kale oo uu ballanqaaday in guddi ahaan ay arrintan hordhigi doonaan Golaha Wakiillada marka uu kalfadhigiisu furmo Sabtida soo socota.

“Cidda sharciga ku joogtaa hadday [sharciga] diiddo, iyaday u daran tahay. Cidda masuulka ah ee sharciga lagu doortay hadduu sharciga diido, isagay ku noqonaysaa,” ayuu yidhi Mudane Maxamed X. Maxamuud Cumar-xaashi, isaga oo ka hadlayey sharciyadda TOTAL, taas oo uu sheegay in Golihii hore laalay, isla markaana marar badan laga hadlay in la keeno sharciyadeeda, balse Madaxtooyadu dhegaha ka furaysatay.

Waxana uu sheegay in ay khasab tahay in dib loo eego sharciyadda TOTAL iyo dhammaan heshiiyadii lala galay.

“Nin muwaaddin ah oo xaqiisa la duudsiyayo oo shirkad ajnebi ah loo duudsiyayo dalkeena mooyaane meel ay ka dhacdaa dunida ma jirto,” ayuu yidhi mudane Maxamed X. Maxamuud.

“Shirkad ajnebi ah oo aan sharci lahayn, oo sharcigeeda beri hore la laalay oo haddana bil khasab ku socota, haddii ummadda Somaliland yeesho, kuwa dambe ee aan weli laynoo sheegin ee la leeyahay waa la soo wadaana sidaas iyo si kadaran bay ku socon doonaan,” ayuu raaciyey.

Waxana uu sheegay in shirkadda TOTAL ay tahay shirkad Madaxweynaha oo keli ahi uu ku shaqo leeyahay, cid kalena aanay ogeyn waxa ay ku dhaqanto iyo waxa ay ku joogto.

Mudane Maxamed X. Maxamuud, waxa uu dowladda iyo dadweynaha u jeediyey qaylo-dhaan ku wajahan cawaaqibka ka iman kara arrintan, isaga oo sheegay in aan loo dulqaadan karin in TOTAL oo sharci darro dalka ku joogta in muwaadiniinta Somaliland ay iyada u daba-fadhiistaan ogolaanshaha ganacsiga shidaalka, ayna ku khasbaan in ay iyada uun ka qaataan shidaalka, isla markaana Madaxweynihii dalku ku raaco.

“Waxaanu leenahay arrintaasi hadday bilaabanto mid istaagaysa maahee waa in iminka wax laga qabtaa baanu leenahay,” ayuu yidhi mudane Maxamed X. Maxamuud.




Mudane Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), Xubin Golaha WakiiladaMudane Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) ayaa isaguna sheegay in arrintani ay xadgudub ku tahay Qodobka 11aad ee Dastuurka Qaranka, farqadihiisa 1aad iyo 2aad. Waxana uu sheegay in iyada oo madaxweynuhu hore u jebiyey inkabadan 40 qodob oo ka mid ah 130ka qodob ee dastuurku ka kooban yahay, qodobkani uu yahay kii ugu dambeeyey.

Mudane Cali waxa uu saxaafadda u akhriyey qodobka 11aad ee dastuurka oo u dhigan sidan:


Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi'da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantid wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha.
Iyadoo la dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.
Mudane Cali Mareexaan, waxa kale oo uu ayaan darro weyn ku tilmaamay in labadii maalmood ee ugu dambeeyey ergo ka kooban Madaxdhaqameedyo, wasiirro, Madaxweynekuxigeenka, shirguddoonada labada aqal ee Baarlamaanka, odayaal iyo waxgaradka dalku ay ku noqonoqonayeen Madaxtooyada, iyaga oo Madaxweynaha oo keliya ka baryayey inuu fasaxo markabkaas.

Markabka shidaalka u sida Shirkadda AL-Xarbi ayaa maalintii Lixaad badweynta la taagan shidaalka, ilaa iyo haddana ma jiraan wax xal ah oo laga gaadhey arrintiisa oo xasaasiyad weyn ka abuurtay dalka.

Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa
User avatar
highclass
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4987
Joined: Fri Oct 17, 2003 7:00 pm
Location: Annagoo Taleex naal jihaad taladi soo qaadnay, Toddobaatan boqol oo Darwiish togatay neef doorka

Post by highclass »

Has the Ethopian based company Total bought the rights to import Petrol to Somaliland??

where are all the isaaqs in the clan forum who said that Darood and radio-Las And made up this news. Laughing Laughing Laughing
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”