hobyo comes under puntland and cabduwaq we will free says PL

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Somaliman%
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3787
Joined: Sat Mar 06, 2004 7:00 pm
Location: The hills. England,
Contact:

hobyo comes under puntland and cabduwaq we will free says PL

Post by Somaliman% »

Puntland'' Hobyo iyo Xarardheere Anagaa Xukuna Cabud-waqna Waan Xoraynaynaa

(Puntland}25.11-06
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere ay hoos yimaadaan Puntland, isla markaana ay ka difaaci doonaan Maxkamadaha Islaamiga , waxayna sidoo kale shaaca ka qaadeen ineysan jirin Maamul Goboleed la yidhaah-do Galmudug State. ................................

Wasiir K/xigeenka Amniga ee Maamul Goboleedka Puntland, Faarax Cabdi Doorshe ayaa sheegay, in Puntland ay sal u yihiin dhismaha dowlada somalia ee fadhigeedu yahay Magaalada Baydhabo.

mr Doorshe ayaa shaaca ka qaaday iney ogyihiin dhaqdhaaqyada ay Ciidamada Maxkamadaha ka wadaan Deegaanada Puntland, waxuuna sheegay iney difaaci doonaan Deegaanada Puntland.

Wasiir K/xigeenka Amniga ee Puntland, waxuu sheegay ineysan u adkeysan doonin Ciidamada Maxkamadaha ee ku soo jeeda Deegaanada Puntland, isagoo sheegey iney iska difaaci doonaan isla markaana ay jilibka u dhigi doonaan.

Faarax Cabdi Doorshe, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Deegaanada Hobyo iyo Xarardheere ay ka maqneed markii hore Maamul Goboleedka Puntland, balse wada hadalo ay la sameeyeey Beelaha Deegaanadaasi dega ay ku midoobeen, isla markaana iminka ay hoos tagaan Maamul Goboleedka Puntland.

Wasiirka K/xigeenka Amniga ayaa sheegay ineysan jirin Maamul Goboleed la yidhaahdo Galmudug, isagoo sheegay iney tahay wax la iska dhisay oo kaliya, sidaasi darteedna Puntland ay waajib ku tahay iney difaacaan dhamaan deegaanada hoos yimaada.

mr Doorshe, ayaa sidoo kale sheegay in Degmada Caabud-waaq ay weerareen Maxkamadaha Islaamiga, isagoo gardaro ku tilmaamay tagista Ciidamada Maxkamadaha ee deegaankaasi, waxuuna sheegay iney dhawaan xoreyn doonaan dadka ku dhaqan Caabud-waaq sida uu hadalka u yidhi.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan ka soo baxay Wasiir K/xigeenka Amniga ee Maamul Goboleedka Puntland, waxa uu ku soo beegmaya iyadoo Ciidamada Maxkamadaha ay la wareegeen Maamulka Degmada Caabud-waaq isla markaan ay ku sii jeedaan Deegaanada Puntland.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”